Home » Warar »

Somalitalk oo Toban sano jirsatay 1999-2009

Somalitalk oo Toban sano jirsatay 1999-2009

Somalitalk.com Xog iyo Xaqiiqo

Waayo Somalitalk

Somalitalk waa shabakad warbaahin iyo xog aruurin isugu jirta, kana mid ah kuwa ugu da’da wayn bogaga Internetka ee Soomaalida. Waxayna aad isugu howshaa inay soo gudbiso Baaritaano, Faallooyin, Warbixin iyo Qormooyin, laxiriira Badaha iyo Bariga Soomaaliya, kuwaas oo u badan dhacdooyin horay u dhacay oo ay soo faagto iyo waxyaabo Mustaqbalka la qorshaynayo inay dhacaan oo ay soo bandhigto ama ka digto, iyo dabcan wararkii iyo maqaalladii maalinlaha ahaa. Somalitalk.com waxay ka hadashaa somaaliya iyo Soomaalida oo dhan wixii ku saabsan.

Somalitalk.com waxay ummada Soomaaliyeed ugu shaqaysaa iskaa wax uqabso, si bilaash ah. Somalitalk waa madxafka ugu wayn ee ay ku kaydsanyihiin xogo farabadan oo ka hadlaya Soomaalida iyo Soomaaliya.

Hadafka Somalitalk

1-Hadafka Somalitalk waa kobcinta aqoonta iyo garaadka ummada Soomaaliyeed.

2-Waa wacyi galinta iyo u jihaynta ummada dhinaca horumarka, iyo isku xirka ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba. Somalitalk waxay ahmiyad wayn siinaysaa kaydinta Taariikhada iyo dhamaan xogaha muhiimka ah ee khuseeya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

3-Waa soo dhawaynta iyo tababarida suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, sida aad lasocotaan Somalitalk waxaa ku tababartay dhalinyaro Soomaaliyeed oo farabadan, kadibna markay khibrad yeesheen helay shaqooyin kala duwan oo saxaafada ah, arintaasna somalitalk aad ayey ugu farax santahay.

4-Waa dhiiri galinta saxafiga Soomaaliyeed inuu noqdo mid hal abuur leh oo wax kusoo kordhiya saxaafadda Soomaalida, isagoo ka duulaya ummada dhaqankeeda wanaagsan. Iyo in saxaafadda Soomaalidu ka korto isticmaalka eraybixita qalaad ee loosoo waarido ee aan waafaqsanayn Diintooda, Dhaqankooda iyo Waaqicidooda toona.

5-Hadafka Somalitalk waa inay ilaaliso luuqada Af-Soomaaliga, iyo inay kobciso isticmaalkeeda. Sidoo kale inay ka ilaaliso inaysan lumin ama yaraan Qorista iyo Akhriska Luuqadda Soomaaliga.

Somalitalk oo Toban sano jirsatay 1999-2009

Somalitalk waxay ugu horayntii u mahad celinaysaa ilaahay oo fududeeyey hirgalinta iyo joogtaynta bogaan, marka xigana waxay umahad celinaysaa ummada Soomaaliyeed ee markasta lawadaagaysay macluumaad una soo diraysay dhiiragalin. Somalitalk waxaa farxad u ah inay ummada Soomaaliyeed lawadaagto maanta Agoosto 03, 2009 farxada Dabaaldaga kasoo wareegtay toban jirsigeeda.

Somalitalk waxaa la aas aasay August 05, 1999 laga soo bilaabo xiligaas ilaa hada waxay ku mashquul sanayd sidii ay ummada Soomaaliyeed war iyo wacaal ugaarsiin lahayd.

Somalitalk aas aaskeedii waxaa dhiiri galiyey hana qaadkii Cilmiga Computer-ka iyo Internet-ka, iyo iyadoo xiligaas ay adkayd in lahelo xog iyo war ku qoran af-Somaali sax ah, oo kahad laya ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Somalitalk xiligaas waxay go’aansatay inuu bogu noqdo mid ku hadla luuqada Soomaaliga oo kaliya, isagoo uga gol-lahaa, Ilaalinta iyo Kobcinta luuqada Soomaaliga.

Tobansano kadib ayaa markale dib loo naqshadeeyey somalitalk sida idiin muuqta qaybo hor lehna lagu kordhiyey iyadoo laga faa’iidaysanayo horumarka cilmiga casriga ah ee Computer-ka iyo tixgalin lasiinayo baahida loo qabo ama faa’iida ay mushtamaca ay u leeyihiin in talaabadaas xiligan laqaado.

Maxaa lagu kor dhiyey Somalitalk

1- News in English (warar Ingiriisi ah)

2- Articles (maqaallo Ingiriisi ah)

3- Qayb Video isbadbadalaysa (youtube.com/somalitalk )

4- Barnaamijyo muuqaal ah oo toos ah (somalitalkshow.com) somalitalk.com/live

5- Kayd iyo raadin sahlan – Kaydka waxaad ku baari kartaa maalinta qoraalka la qoray – Fiiri dhanka midig barta ay ku qoran tahay Kaydka maalinkasta (Archive/Search)

6- Coments (Waa qayb aad jawaab celin kaga samayn karo qoraalkii aad doonto, qaybtaan jawaab celinta waxaa ka reeban in lagu qoro (CAY IYO ANSHAXUMO) waaxaan codsanaynaa inaan lagu qorin qoraal aan haboonayn dhinacna, hadii jawaab khaldan aad soo dirto lama soo siidayn doono, waxaana laga yaabaa in Computer-kaaga laga mamnuuco inuu jawaab danbe oo khaldan soo diro)

7- lg-share-enShare (qaybtaan waa qayb aad asxaabtaada si sahlan  ugu diri karto ama ula wadaagi karto qoraalada muhiimka ah, e-mail ama Face-buugooda ama xiriirada kale ee ay isticmaalaan. Fadlan  sawirkan  click-sii qoraal kasta xagiisa hoose .

8- Xayeysiis ( Somalitalk waxay dhamaan dadka doonaya in xayeysiis loo sameeyo ugu tala gashay qaab casri ah oo xayeysiiskooda loo arki karo, xaga sare ee boga iyo inuu hoos ama dhinac kala socdo qoraalkasta oo boga lagu daabaco, somalitalk waxay aaminsantahay in lasoo gaaray xiligii ummada Soomaaliyeed ku caawin lahayd inay xayeysiis u samayso, si ay somalitalk usii horumarto)

Isticmaalka Boga

Waxaan usoo qaadanaynaa sida cinaanadu u kala horeeyaan

1- Articles (waxaad ka halaysaa dhamaan maqaallada iyo rayiga ingriiska ku qoran, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

2- Cilmibaaris (waxaad ka helaysaa Cilmibaarista Somaalitalk ay samayso ama Soomaaliya laga sameeyo, sida tii badda oo kale, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

3- Directory ( waxaad ka helaysaa mowduucyo kala duwan ee ha udaymo la’aan, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

4- Islam ( waxaad ka helaysaa dhamaan wixii Islaamka ka hadlaya, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

5- Maqaallo (waxaad ka helaysaa dhamaan maqaallada iyo rayiga Af-Soomaaliga ku qoran, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

6- News (waxaad ka helaysaa warar Af-Ingiriisi ku qoran)

7- Sugaan (waxaad ka helaysaa Suugaanta noocyadeeda kala duwan, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

8- Tech (waxaad ka helaysaa waxyaabaha ku saabsan cilimiga casriga ah noocuu doonaba hanoqdee, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo )

9- Warar (Waxaad ka helaysaa dhamaan wararka Af-Soomaaliga ku qoran)

10- Warasiyo (waxaad ka helaysaa waraysiyo kala duwan oo cod iyo qoraalba leh, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

11- Random Video (waa qayb aad ka helayso filimaan tiro badan oo ka hadlaya qaybo kala duwan, waana filin is badalaya markasta oo aad bog furato, kana mida qaybta youtube-ka ee somalitalk, youtube.com/somalitalk )

12- Somalitalkshow (waa qayb aad ka daawan kartaa barnaamijyo live ah, sida Shirarka iyo Mu’tamarada ka dhaca meelo kala duwan, xiliga aysan tooska ahayn waxaad ka helaysaa Barnaamijyo xiiso leh oo aan idiin dooray)

Somalitalk Maxay idiin soowadaa

1- Diiwaanka Somalitalk (waa qayb aad ka diiwaan galinaysid Ganacsigaaga, xaruntaada iyo hay’addaada, si sahlana aduunka oo dhan lagaaga helayo, si kale hadaan u dhigno waa xayey siis lacag la’aana)

2- Jadwalka Salaadaha (waa qayb loogu sahlayo Qurbajoogta saacaddaha latukanayo Salaadaha, inta badan magaalooyinka waawayn ee ay caalamka ka daganyihiin Soomaalidu)

3- RSS Feed (oo ah nidaam warka si fudud loo xiriirsan karo)

4- Somalitalk Mailing list ( waa qayb muhiima oo dadka iska diiwaan galiya somalitalk ay ugu soo diri doonto waxyaabaha muhiimka ah oo dhan)

Ugu danbaytii Somalitalk waxay si khaasa ugu mahad celinaysaa dhammaan wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay difaaca badda Soomaaliyeed. Markale waxaan idin kaga mahad celinaynaa dhamaantiin Talooyinkiina iyo dhiirigalintiina joogtada ah.

Waxaan idin ka codsanaynaa inaad nala wadaag taan xogkasta oo muhiima ama taariikhi ah si aan ummada ugu bandhigno, uguna kaydino. Gaar ahaan waxaan codsanaynaa dhowr qodob in qoraallo laga soo diro.

1- Caafimaadka (Waxaan kasugaynaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed)

2- Waxbarashada dal iyo dibaba (Waxaan ka sugaynaa dadka aqoonta u leh)

3- Arimaha Bulshada sida; Qosyka (Waxaan kasugaynaa ku xeel dheeraayaasha, gaar ahaan hooyooyinka Soomaaliyeed)

4- Ganacsiga (Waxaan kasugaynaa ganacsatada Soomaaliyeed)

5- technology ( Waxaan ka sugaynaa dadka ku takhasusay Cilmiga casriga noocyadiisa kala duwan inay soo ban dhigaan si sahlan oo looga faa’iidaysan karo aqoontooda)

6-Sayniska (waxaan ka sugaynaa saynis yahanka Soomaaliyeed)

7-Suugaanta (waxaan ka sugaynaa abwaaniinta Soomaaliyeed)

Fadlan nala wadaaga fikirkiina  sida aad u aragtaan qaabka cusub oo Somalitalk laga dhigay, diyaar ayaa somalitalk u tahay inay dhagaysato fikradaha ummada Soomaaliyeed.

Markale iyo Dabaaldeg wanaagsan Tobonguuda Somalitalk.comm 1999-2009

Ing. Maxamed Cali | Xasan Dhooye |iyo dhamaan Bahda Somalitalk.com

sawirka click-siisawirka click-sii

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

42 Jawaabood " Somalitalk oo Toban sano jirsatay 1999-2009 "

  1. baashi says:

    masha allah waa sanad guuro wacan somali talk hadeeyna somaliya kajeri lahed dowlad waxad qaadan laheden bilado ad u sharaf badan lkn srry somali talk dalki wad argtan maahn mel lagu dhiibo bilad sharag iyo iwm lkn insha allah wad garo doontaan bilado sharaf iyo wax ka sii qiimo badan waxaan edin lee yahay sanad guradi 10ad ee somali talk runtii aad iyo aad yaan u riyaaqay webset kan somali talka iyo dhaman aqristayasha mel kasto ey ko nool yehiin waana mahad san tehiin bahda somali talk meel makso eey jogaan qoraal yahseda waxan dhahayaa mahad sanediin waxan kusoo gaga gabey nayaa shaqo wacan iyo daacad nimo ko jiro somalitalk sidaa aya niigu dhafawa wsc wr wb

  2. suujino says:

    somalitalk waxaan umaleynaa majiro qof soomali oo u hambalyeneyn somalitalk maxa yeelay xaquuqda dalka iyo dadka ayadaa udooda tusaale ahaan baddii lagatay iyo faraxumeskii samsam labadaas arin waa howlweyn tillykke somalitalk by suujino

  3. Faaruuq says:

    Asc wr wb .. waxaa markhaati ka ahay intii somalitalk jirtay, waxay dhalatay waa hal ama laba bog ka horeeyeen, waxayse soo kordhisay waxaan bog kale oo soomaali ah aysan soo kordhin ALLAAH haka abaal mariyo … balse waxaan jeclaan lahaa in si fiiican bogga loo sii hor mariyo

    hambalyi

  4. Jaamac Feyte says:

    aad baan ugu han balyynaa somalitalk anigaa ka mi ahaa ragii inta badan wararka u soo diri Jira…

  5. Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo

    asc wr wbugu horeyn waxaan bahweynta somalitalk aan si kal iyo laaba ugu hambalyaynayaa sanad guuradii 10aad ee ka soo wareegatay aasaaska shabakada somalitalk, taasi oo aan si gaara ugu amaanayo hawsha sharafta iyo sumcada leh ee ay ku ilaalinayaan karaamada sii idlaatay ee bahweynta soomaaliyeed.

    ilaah waxaan ka baryayaa in hawsha somalitalk ay xumaan iyo khaladaad ka nabdoonaato miisaanka xasanadkana rabi idiin ku daro.

    dhabtii waxyaabaha aan sida gaarka ah ugu amaanayo bahweynta somalitalk waxaa kamida:

    1- waxaan ugu horeynba soo qaban karaa iney somalitalk ku guulaystay kulminta dareenka iyo rabitaanka bulshaweynta soomaaliyeed ee lakala qoqobay (djibout, somaliland, puntland, goblada koonfureed, gobalka waqooyi bari iyo waliba bulshoweynta somali galbeed) mahadas ale ayaa iska leh.

    2- difaaca shakhsiyadka lagu xadgudba sida zamzam iyo wixii ay hargeysa kala kulantay iyo waliba shakhsiyaad kale.

    3- difaaca deegaanka soomaliyeed sida shirkadihii shidalka, aaskii sunta, saxiixidii bada soomaaliyeed oo ay abaal marin dahabiya ku qaadatay sida aan aniga iyo dad badanoo ila mid ah ay rumeysan yihiin.

    4- soo bandhigida fikradaha saliimka ah ee bulshada soomaaliyeed idinkoonan u eegin kani waa reerkee, gobalkuu ka yimid, muxuu u aaminsan yahay, qoladuu taagersan yahay, taasina waa hanaaka dhabta ah ee saxaafada ee aysan ku tilaabsanin inta badan warbaahinta soomaalida, rabibaa mahadaasi iska leh ee si dhaba ha looga faaiideysto hana la dhawro.

    anigoo ka faaideysanaya fursadan aad na sii seen sanad guuradii 10aad ee kasoo wareegatay aasaaskii somalitalk waxaan talo (Recommendation) u soo jeedin lahaa arimahan:

    1- dadka soomaaliyeed illaha (sources) ugu yar ee ilaa hada ka nool markii la fiiriyo dhinaca dhaqaalah siyaasada iyo arimaha bulshada waxaad uga jirtaan kaalimaha ugu horeeya anigoonan ku afgobaadsanaynin, hadaba maadaama garaadka iyo garashadiinu ay sarayso soo ma wanaagsana in baaritaan aad ku samaysaan dhaliilaha soomalida ee ku aaddan dhinaca hogaaminta, waayo soomaali badan oo aan aniguba kamid ahay waxaanu aaminsanahay in hogaamin wanaagsan aysan soomaliya helin, marka sooma wanagsana in arintaasi la baaro, hadiiba la awoodo.

    2- Dhinaca Sugaanta, wixii ka horeeyay wakhtigii dawladii ugu dambeysay ay burburtey 1991 diiwanka suugaanta soomaalida waa uu wanaagsanaa, inkstoo dhumitaan farabadan uu jirey hadana waxay arintu dhibaatadeedu sii badatay intii lagu gudo jirey dagaaladii sokeeye, hadaba soo ma wanaagsana in suugaantaasi intaan iska kaashano aan si cilmiya u aruurino si kayd ay ugu noqoto bulsho weynta soomaaliyeed.

    intaas ayaan kusoo afmeerayaa fikradaydii wixii ka dheeriyana dib ayaan kasoo xiriiraynaa.

    Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.

    himilo sareysa, hanaan wanaagsan, iyo heybadii qaranka waa astaanta lagu garto somalitalk.

    Sir Abdiqafar Ahmed Shire (MR Gurhan)

  6. Jacfar says:

    sxbyaal aad baad ugu mahadsan tihiin, lakin website-kiina sidii hore kusoo cesha plz sidii hore ayaa aad u qurxoon, lakin hadda website-yada ciyaalka Soomalida ay leeyihiin buu u ekaaday taasi tu fiican maahan. marka plz codsigayga hore waa taas.

  7. hassan says:

    walaalahay somalitalk.com waan u hanbal yaynayaa sanad guurada 10aad ee ay jirsatay shabakada soomaaliyeed ee qaaliga ah dedaalka ay ugu jiraan bulshada soomaliyeedna markhaati baan uga ahay ee waxaan leeyahay walaalahay meeshiina ka sii wada sanad guurooyin badana alla ha ini gaarsiiyo
    waad mahadsantihiin

  8. marka hore hambalyo ayaan leeyahay bahda somalitalk,great job had iyo jeer informationka aad naga siisan arimaha wadnkeena iyo dakiisa dibad iyo gudo..waraka ogaden war.arimaha bada soomaliya iyo muranka kenya ,sunta iyo khashinka lagu shubo badaheena iyo heshiisyada kharsoon.arimah diiniga iyo siyaasada,makhaalada xiisaha badan iyo fikradaha ay khabaan khorayaasha.aad iyo aad baad u mahdsantihiin guys.

  9. Cabdirisaaq says:

    Waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa Bahda SomaliTalk. SomaliTalk waa meel aan bartay waxyaabo badan, sida barnaamijkii qiimaha badnaa ee THML oo kale. Sidoo kale waa rug aan uga bartay warar, warbixino iyo faallooyin hufan oo taabanaya dhinacyo badan oo la xiriirra bulshadeena. Arrintaasina waxaan fillayaa in dad badani ila wadaagaan.

    Waxaan leeyahay Bahda SomaliTalk dadaalkiina aad ku baraarujinaysaan bahweynta Soomaaliyeed Eebbe khayr ha idiinku badalo waxaad mudan tihiin in la idinku abaal mariyo Billad Dahabi ah.

    Abdirizak

  10. Dhollowaa says:

    Hambalyo

    Waxaan hambalyo u dirayaa bahda Somalitalk.com oo aan leeyahay shaqo wanaagsan oo aad soo qabateen iyo tobanaan kale oo aad sii wadan howsha wanaagsan aad waddaan.

    Dhollowaa

  11. Duurjoog says:

    Habalyo,
    Bahda Somalitalk aad baad ugu mahadsantihin side hufan ee aad ugu shaqaynaysaan dadkiina iyo dalkiina.Sinaan, cadaalad, iyo run ayaad balan ku gasheen inaad usoo tabisaan aqbartiina iyo cilmi baaristiina. Waxaan aad ula dhacay muuqalka cusub. Waxaan idiin rajaynayaa waarintaan wacan iyo hawl wanaag farabadan. Thnks again.

  12. Cali Cabdi wardhere Cali Yare says:

    Salaan ka dib waxaan si wanaag iyo walaalnimo leh idinkugu hambalyeynayaa sanadguurada 10-aad ee ka soo wareegtay markii aad dhidibada u taagteen shabakadan lagu diirsaday ee Somalitalk.com.

    Waxaan aad idinkaga mahadcelinayaa dagaalkii adkaa ee aad soo gasheen 10 kii sano ee aad jirteen hadii aan tusaale u soo qaado kuwa aniga igu dhaliyay inaan idiin hambalyeeyo.

    1. Arinkii gabadhii yareyd ee Zamzam Xaaji iyo dhacdadii Hargeysa ku qabsatay ee Abshir bacadle ka yiri Mar Waa gabar marna waa gayaan marna ma aysan qaan gaarin, Mar guri ninweyn beey gashoo waad u gudubteene…..

    2. Diiwaankii Gabayada ee doodwadaag.

    3. Shirkadihii bililiqo doonka ahaa ee Puntland ineey shidaalka ka qodayaan dadka u sheegayay lakin qashinka duugayay.

    4. Soo Bandhigidii Docmentis-kii uu Cali Mahdo Maxamed Saxiixay.

    5.Difaacii Bada Somalia lagu bililiqeysanayay ee aad difaaceeda horumuudka ka aheyseen.

    talo soo jeedin.

    1. Inaad xooga saartaan arimaha Muqdisho ka socda oo aad aad uga jiiftaan tusaale ahaan marka la barbardhigo arimaha Puntland.

    2. Furis dood wadaag cusub ee ku saabsan arimaha murugsan ee dalkii.

    3. inaan dadka u sheegtaan meel la idinkala soo xariiro waa la idinku wareeraye.

    Mahadsanidiin.
    Ali Abdi Wardhere ( Cali Yare )

    Waxaan w

  13. Nafiso says:

    Maansha Allah, waxbaa ka dhacay, ma dhiishii somalitalk baa la culay mise anigaa moodey!, hambalyo hambalyo, sidan ayaa qurux badan oo casrisan, laakiin cabbaar waa la idinku wareerayaa sida loo raadinayo qaybaha aad bedbedesheen tusaale ahaan anigu waan waayey meeshii la idinkala soo xiriiri jirey.

    Somalitalk weligayba waan ogaa iney tahay kaydka ugu weyn ee arrimaha cilmi baarista iyo wararka Soomaalida la xiriira, waa bakhaar weyn oo wax kasta laga heli karo.

    Waa mahadsantihiin.

  14. Abukar says:

    Hambalyo:

    Waxaan idinkugu hambalyeynayaa dabaaldegga sannad guurada 10 aad waxaana idiin rajeynayaa inaad halkiinna ka sii waddaan hawlaha muhiimka ah ee aad ummadda Soomaaliyeed u qabataan. Waxaan aaminsanahay inuu webka http://www.somalitalk.com uu yahay webka ugu sarreeya kuwa af Soomaaliga wax ku qora waxaana aaminsanahay iney idinku dayan doonaan kuwa kale ee Afka Soomaaliga lagu qoro. Waxaana idinku amaanayaa sida qotada dheer ee aad u kaydisaan taariikhda teknolojiyada xambaarsan iyo wararka kaydsan ee aad akhristayaashiinna usoo bandhigtaa. Eebbe Ajar ha idinka siiyo. “Hambalyo Somalitalk”

  15. cimraan says:

    Eebe ha idinku gargaar dadaalka aad wadaan ee ku wacyigalinaysaan soomaalida meel kasto ay joogtaba, isbadalka shabakada waa mid aad u heersara ah waxyaabaha aan soomali talk aan ku jeclahay waxaa kamid qeybteeda diiniga, cilmi baarista iyo qeybta wararka aad baadna ugu mahadsan sida hufan ee aad u soo tabisaan amuuraha ku saabsan somaaliya dhulalkeeda iyo dadkeeda dhulalkeeda waxaan ula jeeda 5hantii somaaliyeed.
    Runtii waa arin aad u fiican in la helo shabakad isku taxlujisa oo xoogga saarta arimiha bulshda somaliyeed, somalitalk waa goob somaali oo dhan u siman tahay qabiil gaar ah aan lahayn ama deegaan gaar ah sida ay ku cadahay magacooda(somalitalk) halka kuwa kale ay muujiyaan magaca beeshooda ama deegaan kooda.

  16. Mire says:

    Ac

    Waxaan halkaan hambalyo u dirayaa Bahda Somalitalk sida wanaagsan ee ay ugu shaqeeyaan Soomaalida iyo Soomaliyaba dad iyo dalba waa u adeegtaan aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin waxaan idin leeyahay wada shaqada wanaagsan anana waan idinku kalsoonahay oo ah runtii in aad hesho kalsoonida akhristayaashaada si aad u noqoto warside wanaagsan.

  17. cabdirashid maxmuud yusuf says:

    As wr wb

    Waxaan idinku halbayeenayaa sanad guuradiin 10aad iyo howsha adag aad ku jirtaan dhamaan bahwaynta somalitalk iyo waqtiga qaaliga ah aad galiseen, waliba waxaad ku mahadsantahiin sida aad oga dhiidhiseen boobka qaawan ee dhulka hooye lagu hayo iyo soo gubinta qoraala wax dhiso ee aan looga baran webside kale ee soomaaliyeed ee ku mashquulsan soo bandhiga qoraalada fadhi ku dirirka ah.
    waana mahadsantahiin

  18. saeed mahamout osman says:

    marka hore slan diiran naga gudooma marka xigana waxan hambalyo u dirayaa dhaman howl wadeenada shakada somalitalk,
    waxan idin leeyahay hambalyo sanad guuro wacan nabad iyo khayr ila ha ina yeelo dhaman teen
    thanks

  19. waxaan halkan hambalyo iyo salaan aan usoo marinayaa dhamaan bahweynta somalitalk.com..waxaan ugu mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay ummadda soomaaliyeed uga qanciyeen dhamaan arimaha ay dantu ugu jirto..anigu waxaan ku xidhnaa muddo dheer,waxaana aan kaxiiseeyaa qaybaha taariikhdaiyo barnaamijyo badan oo aan waxka faa iidayo sida arimaha islaamka,xaqiiqdii aqoon aan xitaa iskuulka kudhigan ayaan ka faa’iiday..taana waan ugu mahadcelinayaa.walaalayaal siiwada dadaalka ,waxaadna mudan tihiin in laydin garab istaago,takale walaalayaal waxaan idiinku mahadcelinayaa sidii aad wakhti badan ugu lumiseen difaacidda badda soomaaliyeed….madaxda iyo asxaabta somalitalk.com waxaan mar labaad iyo marsadexaadba aan udirayaa hambalyo.waxaan idinla wadaagaynaa guushan aad gaadheen iyo damaashaadka ay samaynaysaan..khayr ayaan aduun iyo aakhiraba idiin rajaynayaa,..siiwada fadlan hacaajisina.waan idinka faa iidaysanay,dadka aqoonta lehna fadlan hasoo gudbiyaan aqoontooda silooga faa iidaysto.mahadsanidin.

  20. Mustafa92 says:

    A/s.
    Waxan halkaan Salamyaa bahda somalitalk.com waxa leeyahay waxad umadda Somaliyeed u wadaan shaqo culus hana ka daalina ayan leeyahay somalitalk waxay noqotay websiteeka dadka somaliyeed ay ka helaan macluumadka ku saabsan dhulkooda halka uu matayo waxana idiin rajaynayaa guul in aad ku gaartaan sanadka xiga amiin amiin insha alla.
    M.Y.M 92 Nairobi

  21. Abdulahi says:

    ASCWW hambaly hambalyo SomaliTalk waxaan idin leeyahay sanadkaan sanadkiisa kale wanaag badan ku gaara..
    markaa kadib waxaan marlabaad inkaga hambalyaynayaa barnaamijyada cusub ee aad ku soo kordhiseen waxqabadkiina waxaana idin leeyahay hambalyo waxaan ahay akhriste ku xiran SomaliTalk waxaana markale aan uga mahadcelinaya sida isku dheelitiran ee qoraaladooda usoo gudbiyaan oo ku salaysan wadaninimada waxaana idin leeyahay SomaliTalk la,aanteed abaar ilaah waxaan idinkaga rajaynayaa Ree SomaliTalk oo dhan guul farabadan Somalia Ha Noolaato…

  22. mohaned hassan biikole says:

    hanbalyo hanbalyo somalitalk.com sanad guuro wanaagsan waxaan idin leeyahay sanadkaan sanadka xiga bash bash iyo barwaaqo ku gaara.

  23. Mahdi says:

    Asalaamu Aleykum. Waxaan Mahad u celinayaa Alle ii suurto galiyey in aan qoro commnetigaan Somalitalkuna uu suurtgaliyey in ay 10kii sano si habsami ah howshooda u wadaan Bacada Hamdilaahi Eng Mohamed Ali Hasan dhooyo Hambalyo Allaha idin la garab galo howsha aad wadeen iyo tan aad soo kordhiseenba Allaha idin ku daro ixsankiina si youmul qiyaamo camalkina kheyrka ugu kordho, Hambalyo hambalyo hambalyo guuleeysta cilmbaarista aad wadaan ku dara nabaad guurka somalia lagu hayo dhulkii waa nabaad guuurey cudur cusubna xoolihii somalia waa lagu arkey. marka inshaa Alahu climbaarista ha lagu daro xoolaha hida u leenayhey iyo dhulkeena
    hadaba waxaad so wadaan file sharing hada kadib waa sahlaan doonaa wax walba aad baad u mahadsanidin
    walaalkin Abdullahi Shiekh Mahdi
    SOuth africa Johannesburg

  24. Bossaso says:

    hambalyo hambalyo sanad 10 sano jir kiina, waxaad idin ku bogaadinayaa inaad hal kaas ka sii wadaan dadaal ka iyo shaqada ad u heysan shacab weynaha somaliyeed, waxan kaloo rabaa inan ogaado maxaa helay maqaaladii xiisaha badnaa ee C/waxid c/lahi khalif ,ma xanuunsaday, maka caajisay, mise wa ka mashquulay?? cidii u war haysa hayga soo jawaabto fadlan, wallow aanu helnay bedell kisa maqaalo kaloo xiisa leh oo ku qotama xaqa iyo xaqiiqada oo uu qoro, sheekh maxamed idriss, ilaahay haka abaal mariyee

  25. Ahmed M.J. says:

    ascw salan ka dib laga soo bilaabo 2001 ilaa hada ayaan ku xiranahay site kan waligayna wax aan wanaag aheyn kuma arag.
    xagee ku dambeeyay site isagana Top ka ahaa http://www.Agabso.com kaan oo aan ula socday kheyr ayan idin dhaafaya & inaad sidiini hore ku socotan .

  26. inj.maxamuud xasan says:

    hanbalyo hanbalyo , hanbalyo , shabakada caalamiga ah ee somalitalk.com , waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaagno farxadaan maanta aad 10 jirsanaysaan ,hadaanu nahay dhalinta soomaaliyeed ee wax ka barata dalka dabadiisa ,waxaanuna idin leenahay sanadkaan iyo sanadada ka danbeeyaba ku gaara guul iyo horumar ,runtiina somalitalk waxay ahayd marjicayaga koowaad ee aanu ku tiirsananayn markaanu samaynayno cilbaarista ku saabsan soomaaliya , somali talk waxay caan ku tahay cilmi baarista , waraysiga aqoonyahanada ,archieve ka ……. somalitalk waxay kaga duwan tahay bogaga kale iyadoon ahayn bala sheeg uun, daawaynaysana mawaadiic fara badan anigoon ka badbadinayn , waxaana rajaynayaa inay websaydyada kalana ku daydaan , si waaqica aynu soomaali ahaan ku noolnahay wax uga badnoh.
    waxaannuna balan qaadaynaa inaanu ka qaybqaadandoonnoh horumarka websitekan qaaligaah qof walbiyo takhasuskiisa.
    hanbalyo ayaan idin leeyahay mar labaad waana mahad santihiin

  27. Cabdiqani says:

    Asalaamu Calykum,

    Daer Bahda SomaliTalk,

    Aad baan Ugu Hambalyaynayaa Bahda SomaliTalk Mudadaas 10 sano jirka Waxyaabaha ay u qabatay dadka $ Dalka soomaaliyeed, Annigoo ku amaanaya isku xirka & macluumaad ururinta la xiriirta dhulweynaha soomaaliyeed sidii loo badbaadin lahaa, annigoo allah uga baryaya inuu ka abaalmarayo wanaaga ay u horseedayaan saxaafada soomaaliya.
    Waxaan mar kale idin leeyahay hambalyo, halkaasna ka sii wada wanaaga & horumarinta kobcinta afka soomaaliga.

    Wabilaahi Tawfiiq.

    Cabdiqani UK

  28. suleyman mohamed says:

    Bismillah.
    Assalamu calaykum.
    bahda somalitalk hambalyo ayaan leenahay,dadaalkana meesha ka sii wada.
    iskana ilaaliya qoraalyahanada qowmiyadaha ama qabyaalada u ololeeya iney isticmaalaanaan webkan oo kale. maxaa yeeley wuxuu ka mid yahay kuwa fara ku tiriska ah ee laga helo macluumaad hufan,cilmi baaris ,diin iwm.

  29. Jaamac says:

    A.c
    Hambalyo ayaan leeyahay Somalitalk Sanad-geeradeeda 10,aad owgeed.
    Waxaa Farxad inoo ah in aan si hufan ugala qayb qaadanayno Walaalaheena Soomaaliyeed ee Somalitalk Dabeel-dega Sanad-guurada 10,aad.
    Inkastoo aan Jeclaan lahaa Boga Somalitalk designkii hore in loo daayo,Misana waxaa suurtagal ah in aanan Fahamsanayn Muhiimad ay leedahay qaabkan cusub ee loo bedelay.

  30. Xuseen says:

    WAXAAN U HAMBALYEYNAYAA SOMALITALK.COM OO 10 SANO, MUDADAAS SOMALITALK WAXAY U SHAQAYNAYSAY SI ISKAA WAX U QABSO AMA BILAASH ISLA MARKAANA SOO GUDBINAYSAY WARAR XAQIIQO IYO XOG IYO RAAD RAAC LEH.

  31. Mustafa says:

    Waa Alle mahadii maanta oo ay toban jirsatay Somalitalk.Waana idiin hambalyaynayaa hawl baaxad leh ayaad u haysaan ummada Soomaaliyeed.Waxaan marnaba la ilaawi karin sidii xilkasnimada la hayd ee aad isugu taagteen har iyo habeenba arrintii “Heshiiskii is Af-garad” ee dhexmaray Kenya iyo dowladda Shariif.Runtii waxay ahayd arrin si khabiirnimo ku dheehan loo soo diyaariyay.Markale waxaan idin lee yahay hawshaas Alle ha idinla garab galo.Guulaysta!!!

  32. Raa3iyal_Qanam says:

    MAASHA ALAAH !!!!

    CIID WANAAGSAN BAHDA SOOMALITALK ilahey ha idiinka yeelo CAMAL XAGIISA WAX LOOGA HELO oo daa im ah (SADAQO JAARI AH).AAMIM.

    WAXAA IGA TALO AH ! DAA’IMID IYO DULMI NACAYB AAN KU DHISNAYN GOBOL IYO DEGMO, KOOX DIIMEED,IYO IN AAD UMMADDA UGGU SHAQAYSAN.

    NINKA SOOMALIGA AH WAXAA DILAY CUDUR LA YIRAAH ANNIGA ,, OO U DALACAY ANAGA,,
    MAHADSANIDIIN

  33. SOMALI MEDIA says:

    hambalyo Hambalyo Hambalyo shabakada SomaliTalk Eng Mohamed Ali Aadan iyo shaqaalah soo waday 10kii sano haddaan nahay bahda somali media ee minnesota waxaan dhaheen waa webka ugu fiican ee dadka soamlida aqristaan SXB sidaa ku siiwada

  34. Said Ali says:

    Hambalyo, Awguuryo idil ahaantiinba Somalitalk.com
    waxaan aad iyo aad ugu hanbalyaynayaaa dhamaanba hawlwadeenada somalitalk, runtii waa midka aan ugu jeclahay bogaga internetka ee afka-soomaaliga lagu qoro.
    maalinkastana waan booqdaa.

    Congratulations to Somalitalk.com
    keep up the good work.

  35. faarax says:

    A/C waxaan aad ugu faraxsanahay somalitalk iyo tobankeeda sono oo aygaartey waxaanba lasii cajabay naqshadii oo hadana labedeley islaamnta oo ah 03.08.2009 oo somalitalk 10 jirsadey waxaanu leenahay somalitalk guul soo celi dhulkii soo celi badii soo celi dadkii

  36. Hanbalyo iyo bogaadin ayaan leeyahay bahda somalitalk waxan rabi idiinka rajaynayaa guul aduun iyo mid aakhiro.
    Somalitalk waxaan ku taxnaa mudo dhan 9 sano ah oon akhristyaasheeda ka mid ahaa waxa ka mida wax yaalaha isoo jiitay ee ay wax ka qoreen.
    1 danta guud e soomaliya sida.
    B- Sunta lagu aasayo wadankeena badiisa iyo barigiisaba.
    T-dhacii xaafuun.
    j-boobkii bada somaliya iwm.
    2 Uhiilinta dulmanayaasha sida.
    B- qisadii caanka ahayd e gabdhii Samsam.
    T-Gargaar iyo dhakhaatiir u raadinta ama soo bandhigida baahidooda dulmnayaasha ku wax yeeloobay dagaalka danaystayaasha
    3-Tixgalinta afka soomaliga sida.
    B- suugaanta.
    T- dhiirigalinta qoraalada afsoomaliga ah.
    4 Tixgalinta ra´yiga qorayaasha oo runtii ah arin aad u madan in sigaar ah loogu mahadiyo maamulka webka.
    5 kaydinta macluumaadka ku saabsan wadankeena,iyo kuwo kale oo badan.
    waxaan idin leeyahay hanbalyo markale naqshadan cusub e aad soo kordhiseena waanu ku farxsanhay waadna ku mahadsan tihiin hawshad noo haysaan wada hawshiina oo qora taariikhduna way idin qori.

  37. Hambalyo webka Somaliyeed

    Waxaan u hambalyo u dirayaa qoraayasha iyo dadka ku howlan webkan Somalitalk oo iyagu u haya shacabka Somaliyeed shaqo wanaagsan oo ey ku dheehan tahay wadaniyad iyo aqoon xeel dheer waxaan idin leeyahay Alle ha idin garab galayo waxaan kaloo idin weydiin lahaa naqshadii hore maxaa loo badley waayo iyada ayaa ila wacneyd

  38. saciid barre says:

    long live somalitalk——— you lead the fight to return our beautiful ocean….. It was, it will best website on the horn of africa

  39. Asalaamu calaykom … Kula Caan wa Antom Bikhyar, hambalyo Hambalyo Hambalyo waxan si guud ugu mahad celin Maamulaha Guud ee shabakada SomaliTalk Eng Mohamed Ali Aadan iyo waliba sidoo kale walaalihiisa shaqada adag la waday 10kii sano ee aanu soo dhaafnay Ajar iyo xansanad fara badana eebe ha ka siiyo Khidmada kartida leh sharafta leh ay umada somaliyeed u hayeen .

    Arimaha Xasuusta Mudan ee aan SomaliTalk ku ilaabi doonin waxaa ka mid ah

    1-Ololihii sii daynta gabadhii Yareed ee Samsam Axmed Ducaale .

    2-ka soo bandhigista macuuladka rasmiga ah ee Colaada Itoobiya Somalia

    3 Dhibka ku haysta Qurbaha Somalida

    4-Tusinta sirta umada ka qorsoon sida Sunta Badda lagu aasay ,Khayradka Dalka ee ay ragi si gaar ah u doonaan in ay u dhacaan sida Shidaalka .

    Waxaas oo dhan waxaa uga sii jeclaa arinta ku aadan soo bandhigida Hishiiskii Somalia iyo kenya dhinaca Xadaynta badda oo ay soomaalidu iyo masuuliyiinta baarlamaanka KMG ay ku baraarugeen dadaalkii ay sameeyeen Bahada SomaliTalk.

    Hadii aan irhaado an soo koobo ma dhamayn karo

    Hamblyo Sanad Guuro wacan iyo Guul

    Walaalkiin Mohamed

  40. Abdiwali Dalboon says:

    HANBALYO HANBAYO SOMALITALK Waan idin Hanbalyeynayaa Bahda Somalitalk aniga oo isla markaana ka mida Somalitalk Akhristayaasheeda iyo dad ka wax ku dhex Xariiqa walow aanan Tobankaan sano aanan Bilow ilaa dhammaad aanan la socon waxaan ku soo biiray somalitalk 2001 oo aan ku Qoray Maqaal kaygii HANOO TALIYEE TUUG MAHAYSAAN Somalitalk waanu oga mahad celinaynaa Hormarka iyo Aqoonta iyo Kobcinta Wax tarka Umadda iyo dhiiragalinta Aqoon yahanada Mar labaad Hanbalyo ayaan Somalitalk Hawada u Soo Marinayaa

    Ustaad Abdiwali Dalboon MN MPls