Home » Maqaallo, Waxbarasho »

Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan|Shaaciye

Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan iyo dhibaatada ay ku hayso ardayda dalkaas waxkabarata.

Mahad oo idil waxay u sugnaatay Allah abuuray koonka, cirkana taagay tiir la’aan. Naxariis iyo nabad galyo nabi Muxammad dushiisa ha ahaato.

Hordhac

Dalka Pakistan wuxuu ka mid yahay dalalka ardayda ugu badan ee Soomaaliyeed wax ka barato. Waxaana lagu qiyaasaa ardayda wax kabarata ku dhawaad 1000 arday oo dhigta jamacadaha kala duwan ee dalka iyo qaybaha kala gadisan ee waxbarashada ( Arts & Science)

Waa dal xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyay dowladihii soo maray Soomaaliya, Soomaaliduna waqti hore ayay ka furatay safaarad.

Ardayda wax kabarata Pakistan waa arday kasoo xaraysta jamacada dalka dibaddiisa oo ay u xareeyaan arday saaxibadood ah iyo arday dalka ku soo gala visa waxbarasho (Study Visa), dabadeedna sidaa ku galo imtixaanaadka qubuulka ee jamacadaha. Ardayda ugu badan ee dalkan wax kabarata waa kuwa lacagaha ka bixiya jeebkooda (self-finance) , waxayna u badanyihiin kulliyadaha Arts ka ah. Kuwa kale ayaa barta culuumta sayniska ah (Medical & Engineering). Qaybtan dambe, waxay ka haleen kuraasta jamaacadaha iyaga oo u maraayo Safaarada Soomaalida ee dalkan oo iyada lafteeda ka hesha deeq waxbarasho oo bilaash ah dawlada Pakistan iyo safaaradaha dalalka Carbeed oo taakuleeya safaarada.

Dalka Pakistan wuxuu siiyaa dhammaan dalalka Muslimka ah deeq waxbarasho oo u badan Medical iyo engineering. Safaarada Somalida waxay qayb ahaan u heshaa 10 Kursi oo Medical ah iyo 15 kursi oo Engineering ah. Sidoo kale waxaa jira kuraas kale oo ay siiyaan waddamada Carabta ah ee safaaradaha ku leh dalkan oo intooda badan ardaydoodu aaneey waxbarasho u imaan karin dalkan, sida Saudi Arabia, Kuwait, iyo Qatar.

Haddaba dhammaan ardayda iyo bulshada ku nool dalka Pakistan waxaa soo wajahay wayahaan dambe dhibaatooyin isi soo taraya oo ay ku qabaan safaaradda, kuwaas oo iskugu jira musuqmaasuq, xarig, handadaad, forgery(bug), iyo lacaga fara badan oo laga qaado ardayda

Waxaan qodob qodod uga hadli doonaa dhammaan dhibaatooyinkaas:

1. Musuqmaasuq:

Waxaan kor ku xusnay in dalka Pakistan iyo dalal kale oo Muslimiin ahi ay ugu deeqaan safaaradda Soomaalida ee Pakistan minxooyin-daraasi ay ku bixiyaan magaca Soomaaliya, haddaba su’aashu waxay tahay sideey u maaraysaa safaraaddu deeqdaas?yaysa siisaa? Ma ardayda ayaa si toos ah loogusoo gudbiyaa mise gacma kale ayaa sacabada u dhigta?. Su’aalahan waxay ka dhax guuxayaan madaxayada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan, balse xaqiiqdu waxay tahay in deeqahaas ay si toos ah u maamushu safaaraddu, ardayda xaqqa u lahaydna looga iibiyo lacaga aad u badan iyadoo xiitaa iibintaas nafsad ahaanteedu aneey cadaalad ku dhisnayn oo ay dhacdo in lagu bixiyo qaab qabiil, nin jeclaysi iyo waji garasho.

Kursiga caafimaadka ah waxaa ardayda looga iibiya lacag dhan 6000$ ilaa 7000$.

Sidoo kale kan engineering ka ah waa 3000$ ilaa 3500$

Tiiyoo ay jirta dhaqaalaha badan ee kurisga la dul dhigay waxaa intaa sii dheer in ardayga raadiyaano cilmiga caafimaadka iyo handasada laga rabo shuruudo kale oo macnaha ahaan maldahan balse aad ka dheehan karto hab dhaqanka safaarada. Waa inaad isku reer/qabiil tihiin safiirka ama dadka la shaqeeyo. Ardayda ka soo qalin jabisay ama hada jamacadaha dhigta waxay u badanyihiin laba Reer oo kaliya taasoo kuu muujinaysa inaysan meesha ka marnayn nin tooxsi iyo qabyaalad indha la’.

Mararka qaar waxaa dhacda in arday la baxay lacagta oo in muddo ah sugayay kursiga aan la siin balse loo gacangaliyo arday cusub oo dalka markaas soo galay xitaa laga yaabo in uu joogay maalmo ama bilo qura.

Waxay carabtu tiraahdaa (Al-musaawatu bi-dulmi cadlun.). Dulmiga oo loo wada sinnaado waa caddaalad. Waxaa xaqiiq ah haddii dulmiga iyo dhibaatada dadka oo idili u wada simanyihiin oo aan qolo ama dad gaar ah la dulminayn in ay lamid tahay iyadoo caddaalad la sameeyay.

Dhammaan kuraasta (seats) waxaa qaybsada ama qaybsanjiray safiirka iyo ku xigeenkiisa. Inta badan boosaska caafimaadka waxaa xaq u leh safiirka maadaama uu yahay madaxa sare ( Ra’isul-afcaa). Wixii kasoo harana waxaa si toos ah u maamulo ama u maamuli jiray safiir ku xigeenka oo muda yar ka hor shaqada laga eryay kadib markii ay isku dhaceen Safiirka.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa labadii xaq darro ku heshiiso xaq ayay ku dirirtaa, waxaa dhacday in khilaaf xoogani uu soo kala dhaxgalay safiirka iyo safiir ku xigeenka kaas oo markii dambe isu badalay gacan ka hadal, safiirkana gacani uga jabto safiir ku xigeenkana ay jug aad u xuni madax ka gaarto. Gacan ka hadalkaa kadib safiirka waxa uu xabsiga u taxaabay saaxiib ay in muddo ah xaqdarro ku saaxiibeen. Arrintii waxaa ku soo baxay odayaal iyo aqoonyahan uu hormuud ka yahay Dr. Khaliif Bile oo ah aqoonyahan aad looga yaqaan loogana qaddariyo dalka Pakistan ahna madaxa hay’adda WHO qaybta koofur bari Asia.

Ugu dambayntii waxaa lagu guulaystay in xabsiga laga soo daayo safiir ku-xugeenkii iyagiina lagu dhaxdhaxaadiyo in ay wada joogaan , deeqdii ay magaca soomaaliyeed ku heli jireena ay qaybsadaan. Balse heshiiskii sma noqon mid waara oo waxaa dhacday in meeshii kasoo baxdo laba safiir oo mid walba uu sheeganayo in uu yahay safiirka xaqqa ah .

Ku xigeenka Axmed C/raxmaan wuxuu warqad kala yimid dowladda ku meel gaarka ah halka Cabdi Salaan xaaji oo safiir ku magacaabnaa isna warqad kale kala yimid isla dowladda. Isjiid jiid dheer kadib waxaa u haray safaaraddii safiirkii hore, C/salaam xaaji liibaan.

Intaa waxaa dheer waxaa dhacday in safiirku uu heshiis la galay dallad kamid ah dalladaha waxbarasha ee kajira dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho Dalladaas oo ah FPENS. Heshiiskaas wuxuu dhigayay in aanan jamacadaha Pakistan laga aqbalin ardayda aanan haysanin shahaada dallaadaas. Ardayda wax ka barata dalkan kama aneey wada imaan magaalada Muqdisho, ee waxay ka yimaadaan dhammaan dhulka Soomaaliyeed, sida Somaliland iyo Puntland.

Waxaa kale oo jira arday ka timaada killilka 5aad ee Ethiopia iyo gobalka woqooyi barri ee Kenya. Marka in safiirka FPENS ku xiro ardayda waa shay guracan oo waxyeelaynayo jiritaanka dallado kale iyo waliba in tiro badan oo arday Soomaaliyeed ah oo dalkan wax ka barto laga eryo jamacadaha ay dhigtaan.

2. Xabsi iyo handadaad:

Handadaadaha ugu badan ee ardayda soo wajaho waxay yimaadaan markii ardayga dani kasoo gasho safaaradda. Tusaale haddii ardayga baasaboorka uu ka dhaco waxaa qasab ah in la bixiya lacag 50$. Waxaa lagayabaa in arday badan aneey awoodin sidaa darteed haddii aad hadal ka keento waxaa laguugu hanjabaa in Police laguugu yeerayo. Meeshu maba aha meel Soomaali loogu adeego. Waa meel u muuqata goob ganacsi oo laga radinaayo in laga helo faa’iido.

Dhanka xariga waxaa dhacday in uu xiray safiirku laba arday oo kamid ah ardayda jamacadda International Islamic University. Xiritaanka ardaydan ayaa yimid kadib marki arday kamid ah labada arday ee la xiray uu baasaboor u soo dhiibtay arday kale oo kadhigta jamacadda Karachi maadaama safaaraddu ay Islamabad ku taal. Marka labada arday ee la xiray midna wuxuu waday passportka kan kalena waa uu wehlinayay oo ardaydan ma aanay garanayn waxa ku qoran baasaboorka inuu saxyahay iyo inkale maadaama ay si walaaltinimo ah ay u saacidayeen ardayga kale tiiyoo ay jirto in labaduba ay dalka ku cusbaayeen. Balse nasiib darro labadii ardayba waxaa loo taxaabay xabsiga iyagoon garanayn waxaa loo xiray. Waxay xabsigii ku qaataeen muddo bil iyo bar ah sidaasna waxaa ku dhaafay imtixaanki jamacadda. Labada arday mid ayaa sanad jamacaddii dib uga dhacay, halka kii kalena semester sidaa ku dhaafay.

Muddo 2 bil kadib ayaa ardaydii lagusoo daayaya damiin.dammaanad lacageed (security bound) oo gaaraysa 1000$(80,000) lacagta dalkan ah,iyadoo bil waliba maxkamadda looga yeero ayna ku baxdo lacag kale oo uu qaadanayo Qareen wiilasha difaaca.

Waxaa nasiib darro ah in arday jamacad dhiganayso lagu xiro baasaboor waxyar ka qaldanyahay oo aneey wax shaqa ah ku lahayn halka aan la socono in safiirka nafsad ahaantiis uu 12 arday oo ku soo galiyay waddankan si sharci darro ah iyagoo kusoo galay dal ku gal bug ah oo ay soo saaran Mukhallasiin dhibaata ku haya bulshada ku nool dalkan.

3. Forgery (bug)

Dhibaatada ugu weyn ee arday Soomaaliyeed soo wajahday waxay tahay sal ku gal (Visa) sharci darro oo ay soo saaran qandaraas layaal aanan lahayn wax damiir ah ilaa ay gaartay in dowladda Pakistan ogaato oo ay joojiso dhammaan visooyinkii loo soo saari jiray ardayda jamacadaha ka helo dalkan.

sida ay ii sheegeen madaxda Ururka Arday Soomaaliyeed (UGAS) waxaa visa la’aan ah arday kor u dhaafaysa 300 oo ka helay Admission jamacaha kala duwan ee dalklan, taasna waxaa sabab u ah visooyinka sharci darrada ah.

Haddaba waxaan qarsoonayn in soo saaridda viisooyinkaas ay lug ku leedahay safaaradu maxaa yeelay ilaa maantadan waxaa si toos ah visooyinka u soo saaro mid kamid ah shaqaalaha safaaradda, laguna magacaabo Cali Bidaar oo dadka ka qaata lacag kor u dhaafaysa 600$ oo mararka qaar ay dhacdo in qofkii visaha helay laga celiyo airport ka.

4. Qaadista Lacago sharci darro ah:

Waxaa jira lacaga fara badan oo siyaaba kala duwan ardayda looga qaado. Ardayga marka uu cusboonaysiinayo baasaboorka waxaa laga qaadaa lacag gaaraysa 50$.Marka uu Visaha soo qaadanaayo waxaa laga qadaa lacag 10$. Marka uu jamacad xaraysanaayo waxaa laga qaadaa lacag gaaraysaa 40$, halka jamacadaha qaar ay ka qaadan ardayda lacag gaaraysa 50$, o ay sii dheertahay lacagta safaaradda.

Markii hore ardaydu waxay si toos ah u xaraysan jireen jamacadaha iyadoo aanay u baahnayn wax warqad ah balse nasiib darro safiirka C/salaan Xaaji ayaa dhammaan ka dhaadhiciyay jamacadaha ardayda ugu badan ee Soomalaiyeed ay dhigtaan, in ardaydu warqad kala timaado safaarada. Warqadaa waa mid looga gol leeyahay in lagu qaato lacago oo kaliya.

12/05/09 wuxuu la kulmay safiirku Madaxwaynaha jamacadda International Islamic university, Proff..Anwar H. Siddiqi, isagoo kala hadlay kana dhaadhiciyay in ardayda jamacadda xaraysanaysaa ee admissionka ka heshay ay warqad kala yimaadan safaaraddaa maxaa yeelay kulankaan ka hor wax warqad ah loogama baahnayn arday jamacadda xaraysanaysa ama kuwa jamacadda dhameeyay ee master ka bilaabayaa isla jamacaddaa taas oo ku noqotay ardayda jamacadda dhigata isbaaro cusub maxaa yeelay waxaa lagu kordhiyay lacagtii admission formka oo marki hore ahayd 500 Rupees oo I dhiganta 7$ balse hadda la gaarsiiyya ila 45$, taas ay u sii dheertahay lacagta safaaradda.

Sidoo kale wuxuu la kulmay madaxda jamacadaha kale sida Preston iyo Iqra. Dhammaan madaxdaas wuxuu kala hadlay kuna qanciyay in ardaydu ay warqad kala yimaadaan safaaradda ,taas uu uga golleeyahay in uu ardayda lacag kaga uruursado. Waxaa intaa dheer haddii aad uga baahatid saxiix safaaradda waa in aad bixisid lacag lagu sheegay khidmad taas oo ah arrin cajiib ah.

Gunaanad:

Haddaba safaaradda soomaaliya ee Pakistan waxay ardayda soomalaiyeed ku haysaa dhibaatooyin aan lasoo koobi Karin,handadaad, xarig, mararka qaar waxaa dhacda in ardayda loogu goodiyo in ay argagaixiso xiriir la leeyihiin, oo loo sheego ardayga in laga shakisanyahay. sidoo kale waxaa jira shakiya iyo tuhun fara badan oo ardaydu ka qabto safaaradda taas oo ah in safaaraddu la shaqayso sirdoona waddama shisheeye.

Dawlada kumeel gaarka waxaan ugu baaqaynaa in dhibka ardayda haysta ay wax ka qabato. Waxaan ka codsanaynaa in ninkan safaaradii Soomaalida ka dhigay goob ganacsi nalaga qabto maadaama uusan u adeegin shacabka ee uu safaraadii loo sinnaa ka dhigay goob qabyaallada sal looga dhigay cadaalada.

Cabdi Xaaji waxaan ka codsanaynaa in uu Allah ka cabsado oo ardayda u cadaalad sameeyo. Hadii ay ka tahay ka fara qabso fursad ayaad haysataana in uu booska baneeyo ileen inta lacag ee uu qaatay waa kaafisaaye.

Qore: Maxamed Axmed Shaaciye.

Lahore/Pakistan

Email:shaaciye_11yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan|Shaaciye "

  1. Asc. Horta ma aha markii ugu horaysay ee aan arko Maqaal kan oo kale Waxaana odhan karaa Safiirada Soomaalida u jooga dalalka shisheeye waa kuwo laga quustay oo halkaas lagu awday bas. Magaca Safiirna aan garanayn waajibaadka uu leeyahay iyo Wax loogu idmay. taasina waa mid aan odhan karno waa ayaan daro
    Waxaan ku baraarujinayaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo ay waxkabartaan Noqda kuwo usamra waxyaalaha la soo darsa. hana ku xisaabtamina Nin Qabiili ah kuna hoos dhuumanaya Magaca Safiir Maalinka aakhiro ayuu ka shalaayi doonaa..
    Tani waa aduun wax lagu xisaabtamana ma aha Safiir haddii uu ku xisaabtami waayey Soomaalinimo Safiirnimo wadaniyad Nimo waji wanaagsanaan intaba Wixii uu khalday Isaga iyo aakhiradiis Illaahayna waxaan ka baryayaa qofkii Soomaalinimada wax udhima ama Qof soomaali ahba dhiman Illaahay ha dhibo.

    Cabdillaahi Jaamac(Shiine)

  2. fahad says:

    waa uu kusaxanyahay 100% waana wax jira oo always lagu sameeyo ardada waloow ay hadda ka soo dareen

  3. Burhaan says:

    Mr shaaciye 100% waa ku saxan tahey waxa aad qortey aniga waxaan ahey ardey jooga islamabad pk yimid 2003 markaas oo aan ka heley admission jamacada pk xataa visa waxaan ku heley lacag la,aan. maanta tana admission iyo visa mid ma heli kartid adigoo aan lacag baxin.safirrka iyo kuxikeenkiisa hore ahmed iyo Abdi xaaji labaduba markii hore waxey ku heshiiyeen xaqdaro isla xaqdardii bey ku diriireyn labaduba .waligey ma areg nin dadka uu masuulka ka haaa ka hor istaagaya hor marka . waxa ugu yaabka dadney waxey ahedh markii safiirka somalia Abdixaaji uu utegey wasaarada waxbarashada oo uu ku yiri shahaada aad wax ku bixinayaa waa buk markaas ayaa waxaa joojiye dhamaan shahaadooyinkii hore ee somalia.Dr khaliif bile ayaa waxuu dabcey in uu kala hadlo dowlada pk kadib ayaa dowlada pk waxey ku dhaheyn ninka somalia wakiil uh baa noo sheegeyn in somalida inta badan wataan shaahaadooyin buk. tasoo joojiyen in somali badan wax barasho ka helaan wax barasho wadanka pk.taa waxaa kasii daran malin ayaa gabar somaliyeed uteg ninka isku sheegey safiirka waxey tiri safiir waxaan kaa rabaa in aad isiiso seat medicine ah waliba aan lacag iska baxsho inta aad doonto. kadib ayuu waxuu ugu jawaabey naa orod teg nin guurso madicine ma aqaane, halkaa ayaa gabadhii boohin ku waa latey. Illah baan idinku dhaarshey ninkaa ma uqalmaa safiir.taa waxaa kasii daran ninka lagu magacaabo ahmed oo hada la caarshey wadanka pk, in uu malin ardada waxii qabiilkiisa ah si gaar ah unaas nuujiyo. waa yaabka yaabkii waxey sameeyaan Abdi xaaji, Ahmed oo hada mesha laga caarshey iyo gacan yarah Ali bidaar.hada waxaa share ah Abdi xaaji iyo ali bidaar. Abdi xaaji wuxuu qaataa waxii deeq wax barasho ah ali bidaar waxuu qataa in qofkasta oo visa raba in uu ka qaato ugu yaraan 300 oo dollar xataa hadii aad hesho admission visa lagu siin mayo ilaa aad $ 350 bixiso waliba sugto wakhti badan waliba la iska kaa dhigo nin kuu dalaaley .Abdi xaaji hada waxaa fahantey dowlada pk oo tiri dadka aad jamacada keento waa hal school maxaa dhacey this information is recely and secreat information .ceeba c/xaaji sameeyey waxey aheydh waxaa dalka pk boqasho ku yimid wasiirka arimaha dibada ee somalia Xuseen celeeba faahiye, kadib ayaa casho sharaf waxaa somali iyo madex timdi usameeyey dr khaliif bile. Abdi xaaji oo is leh aad wasiirka dufooto ka heshid ayaa wasiir gabar somaliyeed oo U.N iska dhiibtey ayaa loo diidey in sharci la siiyo ayadoo lagu eedeynayo in aay somali aheyn aad iyo aad baan ugu dooney gabadhaa kadibna UN wey aqbley merican beyna uqaadeyn gabadhaa hada Gudabiirsey bey ahedh. wasiirkii nin somali buu aha waxuu aniga nin somali baan ahey ee ma ahi nin qabiili ah tasoo ceeb ku noqotey abdi xaaji.
    waxaan halkaa aniga iyo sxb shaaciye ku qorney waa run hadii aad islamabad ama pk timaado baaad arkasaa waxaan iyo wax kadaran.