Home » Maqaallo »

Dadka, dalka iyo Diinta Soomaaliya nabad bay doonayaan

NABADDU WAA LAMA HURAAN!

Dadka, dalka iyo Diinta Soomaaliya nabad bay doonayaan

Waxaa Qoray Xuseen Cabdi
hussein_abdi@hotmail.com

Waa lagama maarmaan nabaddu maxaa yeelay nabaddu waxay dan u tahay bini’aadamka oo dhan, bay’adda, badda iyo barriga intaba. Soomaaliya waxay ahaan jirtay meel barwaaqo ah oo lix biloodna roob ka da’o lix biloodna roob la’aan ah, waxay kaloo ahaan jirtay meel dadka iyo duunyada ku nool ay duurjoogtu ka badan tahay, duurjoogtaas oo ah xayawaanaadka hilibkooda la cuno iyo kuwa ayagu hilibka cuna macnaha ugaarta iyo kuwa ayagu wax ugaarsada sida libaaxa, shabeelka, haramcadka, dawacada iyo weerka. Soomaaliya waxay xornimada qaadatay sanadkii 1960kii ayada oo ay xornimadaas usoo dagaalameen dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sh Xasan Barsame, Xaawo Taako, Leegadii iyo kuwo kale oo badan kulligood AUN. Sidii aan ku soo dhiganay iskuulada Soomaaliya, Soomaaliya waxay soo martay afar (4) kacaan oo kala ahaa

· Kacaankii Axmed Gurey

· Kacaankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan

· Kacaankii SYL eel dhallinyarada

· Iyo Kacaanka 21 Oktoobar

Sanadkii 2004 Soomaaliya waxaa loo soo dhisay dawlad loo dhan yahay goleheeda shacabka ama baarlamaanka, waxaa la sameeyey, dastuur loo bixiyey charterka dawladda federaalka kasoo ku saabsan in habka dhismaha dawladda uu noqdo mid ku dhisan habka federaalka oo ah inay goboladu sameystaan maamullo hoose isla markaana ay dadka ku nooli doortaan dadka iyaga xukumaaya. Dadkeennu waa dadka ugu gaajo, faqri iyo jahli badan adduunka taasina waxay ka dhalatay muddo badan oo dawlad la’aan, nidaam la’aan iyo kala dambayn la’aan ah isla markaana fowdo, dil, dhac iyo barakac hor leh marba marka ka dambeysa dhalinaysay.Soomaaliya waxaa xero qoxooti ku jira oo ay hay’adaha gaaladu wax siiyaan in kabadan 2 million, waxaa wadanka gudihiisa nafaqo daro ku haysaa in ka badan 3 million. Markaa su’aasha meesha ku jirta waxaa weeye dal isaga oo dhan dadkiisa tiradiisu tahay 7 million ama 9 million oo 1.5 million iyo bar ay dibadda wadanka ku maqan tahay, 2 million ay xero qoxooti ku jirto, 2 million ay wadanka gudihiisa ku barakacsan yihiin 3 million ay faqri iyo macluul u go’ayaan marka wali xabad lagu sii wado maxaa ka soo haraya. Soomaaliya waxaa wadamada adduunyadu u qabteen illaa 15 shir oo dib u heshiisiin midkastana la lahaa waxaa loogu danaynayaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed midkasta oo ka mid ah shirarkaas waxaa lagu soo dhisayey nidaam cusub oo ay Soomaaliya yeelato isla markaana la isku dhaarsado laguna qaado heesta caanka ah eel SOOMAALIYEY TOOSOO. Soomaaliya waxay noqotay tusaale qofkasta uu mathal uga dhigto wax kasta oo xun hadday noqon lahayd dad heshiin waayey, dal baaba’ay oo dawlad la’aan ah muddo dheer iyo dad faqri baabi’iyey oo gaajo, arad iyo xanuun ay ugu dhimanaya ayagoo ku nool dalka adduunka ugu qanisan xag walba sida beeraha, biyaha, bacrinaanta iyo barwaaqada dhex jiifta baddiisa, barrigiisa iyo buurihiisa.

Qofka Soomaaliga ah maanta waa qofka loogu qaddarin liito adduunka maanta aynu ku nool nahay xag kasta oo bani’aadamku ku tacaamulo mana haystaan wax xushmad, tixgalin iyo sharfid toona bal’e waa laga yaqyaqsoodaa, laga faanaa, lagana fogaadaa mar haddii loo gartaba inuu Soomaali yahay qofkaasi midkuu doono ha noqdo rag iyo dumar, culumo, caamo iyo caaqil iyo caruurba.

Waxa sidaas ay ku dhacdayna waa wax aan kasbanay ama la nimid iyadoo sidaas oo ay tahayna Ilaahay SWT sheegay inuu wax badanna noo dhaafayo, Ilaahayna adoomada ma dulmiyo laakiin adoomadu ayagaa nafsadohooda dulmiya, sida uu Ilaahay Quraankiisa Kariimka ah ku sheegay. Sidaa daraadeed sida Culimada Soomaaliyeed sheegeen, sida wax garadka iyo aqoonyahanku sheegeen iyo sida caalamku ictiraafsan yahay waxay ahayd in dawladda hadda jirta la siiyo waqti iyadoo waliba waqtiga ay qabsatay uu yahay 2 sano isla markaana qofkii mucaarad ku ah aysan ahayn inuu xabbad ku mucaarado laakiin uu fikrad ahaan ku mucaarado diyaarsadana ajandihii uu uga guulaysan lahaa marka ay dhammaato mudada labada sano ah. Laakiin haddii ay sidaan ku sii socoto xaaladdu maalin kastana ay dadka soomaaliyeed noqdaan kuwa ku aafoobaya ama waxyeelladu ka soo gaarayso isla markaana uusan dagaal waxaan burburin hantiyeed, dil dad rayid ah iyo mid dagaal ku jiraba maadaama labada xabbadda iskala soo horjeeddaa ay labaduba yihiin dad Soomaaliyeed ayaa waxaa lagama maarmaan ah in qofkasta oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo diintiisa u naxayaa uu fadhiga kaco isla markaana xal deg deg ah raadiyo. Dadka Soomaaliyeed waa ka soo daaleen dagaallo qabiil iyo mid qabqable ku danaysanayo, inkasta oo ay hadda ugu rajo xun tahay maxaa yeelay dawlad islaam ah oo baarlamaankeedu ansixiyey in sharciga Islaamka lagu dhaqo wadanka iyo ururo magacyo diimeed wata ay dagaallamayaan.

Ugu dambayntii waxaa la gaaray waqtigii ay dadka Soomaaliyeed ee ka damqanaya waxa wadankooda ka dhacayaa ay istaagi lahaayeen, midoobi lahaayeen, cod midaysanna farriin ugu diri lahaayeen qolyaha dawladnimada iyo nidaamka diidan inay nabadda qaataan oo xabada ku badalaan wada hadal iyo inay u soo jeestaan inay dhisaan waxay burburiyeen Ilaahay SWT u toobad keenaan.

Waxaa Qoray

Xuseen Cabdi

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.