Home » Gabay »

XASARAD | Durraan

Maansadan aan ugu magac daray(XASARAD)waxaan sameeyey 11-05-09

ka dib markii dagaalo qaraar oo u dhaxeeya kooxa islaamiyiinta

iyo dawlada ku meel gaarka soomaaliya dagaal qaraar oo lagu hoobtay

uu ku dhex maray caasimadii soomaaliya ee mugdisho

taasoo qalabka warbaahintu ay kasoo tabinayaaan muuqaal aad u fool xun

isla markaana uu mugdi galay sansaankii nabada ee umada soomaaliyeed

baahida u qabtay,ayaan maansadan waxaan ku cabirayaa kulana

kooxaha isku haya caasimada soomaaliya ee mugdisho

waxaanan ku bilaabay sidatan(bismilaahi raxmaani raxiim

xasaradaan iska taagan

xiisadaan maanta aloosan iyo

xasalooni la,aantan

xal ninkii u maleeyo

weli xoogso lahoo

xil u ciil qabobaa

xisaab aaqiro oon

xigaalo aanan lahaynbaa

xabaashaa dabadeed

xaashaa lilee kusugaysee

kii xalaashada dhiiga

islaanku uu xarimoo

xaaraantimeeyey illaah

xadgudub diinta sameeyiyo

xadiiskii nabigii(scw)

xurmaynuu suu raba uun

xero taraar ku sameeyow

sidii xeer dad dhigteen

oo xukuumad samaysay

xaqiiqdii ka tagoo

xaqiraa diinta islaamkow

xarakaadka islaamko

sheeganaya xuquuq iyo

xal inuu raadinayow

xinjira dhiiga hadeer

xamar daadinayo

dadweynihii xabad maanta

ku xasuuqahayoo

xal dagaal u maleeyow

xil inuu ku helaayo

ku xasilaaya u moodo

u xusul duubahayow

maad xisaabtaminoo

adaa xiiqsan unoo

isbiday xoog yara buuxee

xisbiyadaan isku biiriyo

xarakaadka shabaabo

shariif uun ka xayuubsha

is dhahaaya xilkoow

idinkoo xogagaal

ahaynoo is xog waraysan

u xusul duubte dagaale

xiisad keentay colaad iyo

xinjiro daadsan dhulkii oo

xamar cadeey maan dhexdeeda

shacabkii la xasuuqoo

dhaawacii xero buuxshoo

mayd xad dhaafuhu yaalo

xasan daahir aweyska

xisbi islaan maanta hogaanshiyo

xarakaadka shabaab iyo

shariifoow maahan xaltaasuye

xakameeya dagaalkan

xiisa looma qaboo

ku xakaaryey dadkii eh

xeebahaan cadawgaan

maraakiibta ku xoonsanoo

xooganoo dhooban agteena

xeeruu maanta dhulkeena

xansadaa ku yimaado

xarakaadka shabaab iyo

xisbi islaanow marmarsiiyu

ku xalaaleysan dartiinoo

xadka ciidan shisheeye

inuu xoog ku yimaadoo

xabashidiina la keenoo

xaalku uu ka daraa

xarakaadka shabaab iyo

xisbi islaanow iidnu ogeyno

ku xisaabtaminoo

xog kahaynin midaaso

xaqiiqdii aad ka tagteene

la xaajooda shariif iyo

maxaakiintii aad xisbi waa

xigaaladiina ahayd

xorayntii cadowgii iyo

xarbigii dabadiisbaad

is xaasid aad noqoteene

xabad joojin sameeya

inta aan cadow xoogleh

xasaradaan taala dhexdiina

xaashaa lilee gabigiin

xabsi uu idin geynoo

xalaalaysan dhulkii

xayndaab aanu gumaysi

iyo noo samaynin xuduudoo

xukunkaan hanan weynay

naga xayuubin dhamaanoo

xoriyadii naga qaadin

inta aan xarbigaan

xisbiyo sheegan islaan

ku jirnoo dhiiga xalaal

iyo xaaraantaan eebe banayn

xal inay tahay aad

xarakaadka islaamkiyo

u moodaan xasan yaal iyo

shariifkii xaajiga sheegtoo

xilkii aan madaxweyniyo

xukunkiiba u dhiibnow

xabaalbaad calankii

xagaagaan ku wadaanoo

xididadaad qarankii

u siibteen xaalku siduu

xaqiiqdii maanta yahee

xarakaadka shabaab iyo

xisbi islaan kuwa sheegtiyo

xaruntii madaxtooyo

xasaradu maanta dhextaalow

xakameeya dagaalkoo

xabad joojin sameeyoo

dagaal maahan xal maantoo

dadkii wuu ku xakaaroo

xiiso looma hayee

xarbigaan ahligaa iyo

xasaradaan naga daaya.

Abwaan-durraan a shirwa

email.dshirwa@yahoo.com

london/uk 11-05-09

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " XASARAD | Durraan "

  1. C.Naasir says:

    war niyahow maxaa somali u xal ah waxaan kaa codsanaayaa inaad tix cad u tiriso hogaamiyaasha siyaasada somalia qaasatan kuwa doolada