Home » AmiinYuusuf, Maqaallo »

Waa La Doogiye Yaan La Dacaroon | Amiin

Waa La Doogiye Yaan La Dacaroon.

Sanadkii 20-aad ayaa foodda la sii gelinayaa, Xaalka Soomaaliya waxa uu noqday mid ka sii liita halkii uu sanado ka hor joogay, taana ma aheyn wax la filayey oo waxaa la is lahaa waxbaa soo wanaagsanaan doona, balse arrintu waxay noqotay mid god ku sii dhaceysa, shacabkuna waxa uu taagan yahay Quus, haddana dadka qaar markaat la sheekeysato waxay hadal ku soo koobayaan “Naxariista Alle lagama quusto”.

“saaxiib anigu waan quustay waxaygana waan ka duuduubanayaa dalkaan aan iila muuqan in uu leeyahay wax rajo ah” ayuu yiri mid ka mid ah labo dhallinyaro ah oo sheekeysaneysay, waxa uuna midkii kale yiri “Saaxiib Naxariista rabi lagama quusto, fiiri miyey niyaddaada kus oo dhacday qabqablayaashii dagaalka ayaa laga adkaan doonaa, waad aragtay meeshii la marsiiyey iyo waxay ku dambeeyeen, marka ha quusan ayaan ku leeyahay, oo qofka muslimka ah looma baahna in uu quusto, quusashadu waa calaamad lagu yaqaan dadka aan Muslimka aheyn, oo markay dhibaato dareemaanba iska quusta”. Iyagoo sheekaddii sii wata ayuu midkii hore ku celiyey “Saaxiib arrintu Hogaamiye kooxeed ma mareyso oo waa laga waaweyn yahay, waxa hadda is haysta waan ku wareeray oo meel loo raaco ma aqaan, waxaana fogaatay in la heshiiyo”, “Maya Saaxiib sidaas ha dhihin oo xag Alle wax kastaah way ka fudud yihiin ilbiriqsi ayay isku bedeli karaan wax walbaa, tusaale ahaan wadamo sanado badan colaad ka dhex jirtay ayaa mudo gaaban ku heshiiyey, marka waxaa laga yaabaa in aan deg degeyno balse barwaaqadu noo dambeyso” ayuu yiri Saaxiibkii kale isagoo u laab qaboojinaca saaxiibkii balse waxa uu isaga oo ku adkeysanaya sida uu uga niyad jabsan yahay xaaladda Soomaaliya yiri “Saaxiib aniga iska daayee, Carruurta aan dhalo kuwa ay sii dhalaan xitaa waxaan u maleynayaa in ay sidaan ku jiri doonaan” “Maya, Maya, war arrinta halkaa ha gaarsiin Saaxiib, middaa oo kale caqiidadaada ayay khatar gelineysaa ee dib sugu laabo, waxaa laga yaabaa in berito arrintu iska dhamaato” ayuu hadalkii ugu soo gunaaday Saaxiibkii.

Kuwaa oo keliya ma ahan dadka ay maskaxdooda ka dhex guuxeyso halka ay ku dambeyn doonto Xaaladda Soomaaliya, waa kuwan laba duqay ah oo ka doodeysa halka uu masiirka Soomaaliya , mid ka mid ah ayaa la soo booday “Jaamacow, anigu waanba waabee Dowladnimo kale ma na soo mari doontaa mise sidaan ayaan ku dhameysaneynaa” Jaamac ayaa hadlay oo yiri “War Duqu muxuu sheegayaa, war heedhe naga aamus, balaayadda aad saraadineyso ayaanba la yaabaye, waxani way iska dhamaanayaan oo marba meel ayay xaaladu ku soo furaneysay, waxayna ila tahay in markaan ay dhowdahay nabad buuxda oo uu dalkaani helo” “War Heedhe Jaamac, waxaanba la yaabanahay 19- sano miyesan ummadda ugu filneen waayo-aragnimo, oo xaggee bay weli noo sidaan, mise waxaa jira duul kale oo aan inoo muuqan?” Jaamac ayaa ku jawaabay “War waa sax haddaad isha ka tuurtay oo waxaa jira faragelin shisheeye oo dooneyn in dalkaan uu cagihiisa isku istaago mar kale, waxayna doonayaan sidaan uu dhulka u jiifo wixii la doono laga fushado, balse aniga waxay ila tahay in ay wanaagsanaan lahayd in Soomaali loo madaxbanaaneeyo in ay heshiiyaan”.

In sidaan ay dadka maskaxdooda uga dhex guuxdo Xaaladda Soomaaliya waxaa sal u ah markii ay xamili waayeen Dagaalada sida is dabajooga ah dushooda uga dhacay Habeen iyo Maalin, iyagoo intooda badan uga firdhaday daafaha dalka iyo waliba wadamada deriska ah, waxaadna arkeysaa dadka oo labo ama saddex uga fadhiya oo ka wada hadlaya xalka uu arinta Soomaaliya marayo, waxayna intooda badan rajo la’aan ka muujiyaan in Soomaaliya hagaagto, waxaana maalin walba dalka ka sii baxaya dad fara badan oo ka quustay sida ay wax ku socdaan, inkastoo ay jiraan kuwo kale iyana isaga adkeystay in ay guryahooda oo burbursan weli ku sii nagaadaan, waxaana inta hartay halkudhig u ah (Waa La Doogiye Yaan La Dacaroon).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.