Home » Warar »

Sweden – Taageerida Nabad Loohelo Soomaaliya

Munaasabad Loogu Magacdaray Taageerida Nabad Loohelo Dalka Soomaaliya Oo Kadhacday Wadanka Sweden Gaar Ahaan Magalada SÖDERHAMN,

Haddaba Munaasabado lagu maamuusayay magalada Soderhamn ee Dalka Sweden waxaana ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ee Soomaalida kudhqan magaladani Soderhaman,

Munasabada oo aay soo Agaasimeen Jaaliyada Soomaalida ee Soderhamn ayaa waxey oogu magac dareen Aan Tageerno Nabada Soomaaliya waxaana ka soqeyb galay Kamuunka Qaabilsan Somalida iyo dad badan oo udhashay Wadanka Sweden iyo Qaar kamid ah Muslimiinta Magalada Soderhamn ,

Ogu horeyntii waxaa xaflada lagu furay Astaanta Calanka Soomaaliya ayadoo daadkii wajiyadooda laga dhehanayaay Tiraanyo Nabad jaceyl iyo Ilmo kada,eeysay Indhahooda ayaa mar un waxaa lagu baraarugay in Kor loo istaago kadibne la qaado Heesta Aastaanta Calanka Soomaaliya ,

Sido kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Ruwaayad katurjumeysay dhalinta Soomaaliyeed iney Qoriga dhigaan Qalinkane qataan Si loogaro Nabad waarto Ruwaayadani oo aay sameeyeen dhalin yaro,dhoowr ah oo Soomaali ah ayaa waxaa lagu arkayay wajiga Holka ee daawada yaasha hortooda ayagoo Qaarne wato Qori Noociisa yahay Ak47 Qaarne aay wateen bogaag iyo qalimaan oo aay kuwa kale kula dardarmayeen Qoriga dhiga oo Qalinka qaata .

Sidoo kale waxaa ayne Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Ismaciil Cali raage ogu horeyntiina waxuu warkiisa ku bilaabay in maanta aay tahay malin wanaagsan dhalinta Soomaaliyeedne aay farxad u tahay iney istusaan dhibka iyo Nabad la,aanta qof walbane oow kuwanagsan yahay Dalkiisa Hooyo balse waaxaan ka xunahay ayuu yiri Ismaaciil in lagu adeegto ilmaha Soomaaliyeed oo midba midka kale oow Qori uheysto walidintodane aay tabar uheynin Xakameynta Caruurtooda..

Waxaa kamid ahaa Mas,uuliyiinta Munaasabada kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Muslimiinta Soderhamn ee wadanka Sweden Rizvi Ismail Mudanahaan u hadlayaay Muslimiinta magalada Soderhmn ayaa isgane sheegay inow ku faraxsan yahay Isu,imatinka Dadka Soomaalida ee kaxun dhibka Dalkooda iyo wali inaan Kaxunahay ayuu yiri Falalka Arxan darada ah ee lagula kacayo daadka masakiinta ah ee shacabka ah lakiin waxaan ilahay ka rajeyneynaa ayuu yiri in mar un arinta Soomaaliya ayaa wax iska badalidonaan waa sidow halka udhigaye .

Sodo kale dadkii Xafladani gahadlay ayaa waxaa kamid ahaa Cabdi Maxmed Maxamuud (Gaadaay) oo ah Gudoomiyaha Uruurka Dhalinta Soomaaliyeed ee Soderhamn mudane gadaay ayaa ka hadlay ogu horeyntii dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurba joogta oo ka qeyb qaadanayo dhibka Soomaaliya sidaana ognahay Dagaladii ogu dambeyayaay waxaa kudhintay ayuu yiri dhalin Soomaaliyeed oo ka tagay wadamada Qurbaha taasine waxeey kenaysaa ayuu yiri gadaay dhib hor leh iyo inaan sii murjino xalada adag ee Soomaaliya marka waa inaan ka digtonaanaa waxii dhib ku keeni karo dalkeena ,

Ogu dambeytii waxaa Munaasabada lagu sogabagabeyaay Hees aay wada qadayeen dhalinta Soomaaliyeed ee Soderhamn Sweden

Soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku Tiirsada oo,
Hadba kiinna Taagdaraneey
Taageera weligiineey!
Ummadyahay mar kale toosoo
Calankiinna wada tiirshoo,
Danta guud ku taagsada oo
Isku wada tanaasula ee!

Soomaaliyeey Toosoo …
Soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku Tiirsada oo,
Hadba kiinna Taagdaraneey
Taageera weligiineey!

Tawaabtoo quraa bixiyoo
Gobannimada taam ka dhigee,
Rabbi toobad weyddiistoo
Talo saarta Weynaha eey!
Soomaaliyeey Toosoo …
Soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku Tiirsada oo,
Hadba kiinna Taagdaraneey
Taageera weligiineey!
Qabiilkaad tixgilineeysaan
Qawmiyaddaada kaa tira oo,
Tayo li’ida qoys-qoyskaa
Idin bada tabaalaha ee

Soomaaliyeey Toosoo …
Soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku Tiirsada oo,
Hadba kiinna Taagdaraneey
Taageera weligiineey!.

Cabdiraxmaan Diiriye Nuur,
Nuure1000@hotmail.com
Söderhamn Sweden

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.