Home » Maqaallo »

Nabadda Iyo Muhimadda Islamku Siiyay

Nabadda Iyo Muhimadda Islamku Siiyay

24 July 2009

ilaahay ayaa mahad leh nabad galyo iyo naxariis rasuulkeena muxamad ah dushiisa ha ahaato.

intaa kadib waxaan rabaa inaan kahadlo muhimada ay nabaddu kuleedahay islaamka dhexdiisa oo an doonayo inan waxyar ka iftiimiyo,markaan sidaas leeyahayna uma jeedo inan la ogayn ama aan lagaranaynin ahmiyada nabadgalyadu leedahay ee waxaan isleeyahay sidi loo baahnaa looma fahmin.

hadii aan muwduuca kusoo dhowaado walaalayaal nabadgalyadu muhimad khaas ah ayay uleedahay jiridaanka aadanaha,xayawaanka,iyo jamadaadka(manolaha),waxabana ladhihi karaa waa tiirka koowaad ee nolosha,hadaan nabadi jirin nololi jirimayso sida layiri marar badan.

sharaxaad badan uma baahna arintaas,aadanahu wuu ka qaxaa meeshii uu nabad kuwaayo sikasta oo ay qiimo ugu lahayd noloshii uu kuhaystay,xayawaanku wuu kahajiraa halka lagu waxyeeleyo barwaaqo kasta oo uu kuqabay,jamaadaadkuna jiri mayaan hadii ayan helin nabad iyo daryeel,taasina waa wax marag madoonto ah oo ay fahmi karto cidkasta.

sidaas darteed ayuu islaamka dowr weyn kaciyaaray adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinteeda waxabana ladhihi karaa waxay kamid tahay waajibaadka shareecad uqasdiday in laxifdiyo.

islaamku isagaaba nabad galyo ah sida ku cad magaciisa,magacyada ilahay waxa kamid ah (Assalaam) oo micnaheedu nabadgalyo tahay,nabi muxamad(scw)waxa nalafaray markaan kusalinayno inaan niraahno(salalahu calayhi wasalim)oo micnaheedu yahay nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato,salaadaha markan kabaxno waxa nala faray inaan niraahno (allahuma anta salaam waminka salaam) oo micnaheedu tahay ilahow adaa nabad ah xagaada ayayna nabadgalyadu katimaadaa.

arimahaasoo dhan hadii aynu ilgaar ah ku milicsano waxa ay ina tusinayaan martabada ay nabadu islaamku kajoogto iyo qiimaha gaarka ee ay leedahay.

Diintanadu waxay nafaraysaa inaan adkayno nabadgalyada kuna dadaalno sidii loo ilaalin lahaa,waxay na amraysaa in nabadkuwda noolaanshaha mujtamaca ay tahay wajib muqadas ah oo mudan in la dhowro,alle(sw)waxa uu quraankiisa kariimka ah kuyiri (QOFKII NAF DILA WUXUU LAMID YAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN DILAY,QOFKII NAF NOOLEEYANA WUXUU LAMIDYAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN NOOLEEYAY) wuxuu kale oo yiri (HA DILINA NAFAFYAALKIINANA)micnuhu ha isdilina wuxuu kale oo yiri (QOFKII U DILA QOF MUMIN AH SI ULAKAC AH, ABAALKIISU WAA JAHANAMO XAAL UU KUWAARAYO,ILAAHAYNA WAA UCAROODAY KORKIISA WUUNA NACLAY WUXUUNA UDIYAARSHAY CADAAB WEYN)waxa kale oo isla aayadaas mida kahoraysa ilahay kuyiri (SIDEDABA UMA SUGNAANIN QOF MU’MIN AH INUU DILO MU’MIN KALE ILAA SI KAMA AH MOOYEE)wuxuu kale oo yiri(KALIYA WAXA ABALKOODU YAHAY KUWA LADIRIRAYA ALLE IYO RASUULKIISA OO KUFIDINAYA ARLADA FASAAD IN LADILO AMA LASALBIYO AMA GACMAHOODA IYO LUGAHOODA ISDHAAF LOO JARO AMA ARLADA LAGA MASAAFURIYO,SIDAS AYAY WAXAY KU LEYIHIIN ADDUNYADA DULLI IYO HOOG AAKHIRANA WAXAY LEEYIHIIN CADAAB WAYN)Rasuulka(scw)wuxuu yiri (muslim waxaa ah qofkii ay dadka kanabad galaan afkiisa iyo adinkiisa)wuxuu kaloo rasuulka(scw)yiri(aduunyada oo suusha ayaa ilaahay kala fudud in qof muslim ah ladilo)wuxuu kale oo yiri rasuulka(scw) xadiis micnahiisu ahaa (qofkii dila gaal ay muslimiintu nabadgaliyeen galimaayo janada mana urinayo carafteeda waxaana carafteeda laga uriyaa masaafo loo socdo afartan sano)wuxuu kale oo yiri(qofku kama suulo in ay diintiisa waasac utahay hadii uusan galin dhiig xaraam ah)wuxuu kale oo yiri(ha isdulminina,ha isxasdina ha isu caronina ha isu dhabarjedinina oo noqda adoomada alow walalo)wuxuu kale oo yiri(kadhowrsada qofka la dulmiyay habaarkiisa,maxaayeelay uma dhaxeeyo qofka ladulmiyay habaarkiisa iyo alle xijaab)Riwyad kale waxay ahayd (ka dhowrsada qofka ladulmiyay habaarkiisa gaalba ha ahaado haduu doonee).

walalyaal sidaas aan ku arkayno aayadaha quraanka iyo axadiista rasuulka ee arintan kahadlaysa oon ahayn intaas aan tusalaha usoo qaatay oo kaliya nabadgalyadu waa rukni asaasi ah oo muhiim u ah min qof ilaa mujtamac ummadda,marka waxaan shaki kujirin jiilka ku barbaara qawaaniintan,aamina oo si dhab ah urumeeya inay liibaanayaan adduun iyo aaqiro kuna naaloonayaan nolol farxad iyo raaxo leh,waxase nasiib darro ah in maanta markaad muslimiinta ufiirsato in badan oo kamid ah ayan ku dhaqmin kana faa,iidaysanin dadka ayan oga faa,iidaynin dastuurkan rabaaniga ah ee damaanad qaadaya badbaadinta basharka iyo bani aadamka idilkiis,waxaad arkaysaa meelo badan oo dunida muslimka ah oo ay soomaaliya kamid tahay in banaysiga dhiiga oo sifudud loo daadsho uu nololmaalmeedka kamid noqday iyadoo si aan kalasooc lahayn maalinkasta umada maydadkooda loo waro dariiqyada,iyadoon la ogayn kan wax dilay sawabta uu udilay kan ladilayna sawabta loo dilay,runtii waa musiibo laga anfariiro iyo munkar aan loo garaabi karin mashaqada muslimiinta maanta kuhabsatay,waxase intaas oo dhan kadaran in faldambiyeedkan aan laga fiirsan iyo fadeexadan ay musliminta maanta nool magaca kula baxeen ay kula soo galgashaan diinta iyagoo utiirinaya in waxa ay falayaan diintu amrayso,sida iyagoo marka qolo qolo kale weerarayso ama koox koox kale ladirirayso ama qabiil qabiil kale kuduulayo qaata magaca mujaahid,mujaahidiin,xaq udirir iyo wixii lamid ah kuwa kalana ku tilmama inay yihiin daalimiin in ladilo mudan oo dhiigooda banaan yahay.

waxaa waxasoo dhan kasiidaran kuwo magac diineed huwan oo mujtamaca ama qofka ku gaalnimo xukmiya si ay udilaan halka kuwo kale oon ka agab sokaynina uu qumanahooda qoorta ugu jiro iyagoo fadwo diineed daliishada marka ay doonayaan in ay meel qarbudaad kagaystaan,tiiyoo ay jiraan kuwo kale oo kuwaas kusii kufrinimo xukmiya,qabanqaabada ugu horaysa oo ay galaan qolooyinkan dambe ayaa waxay tahay sidii ay marka hore bulshada oga raaridi lahaayeen in ay qoomkan yihiin khawaarij bidco ah oo in ladilo mudan.waa amakaag.

Akhristow waxa la ogyahay in diintanadu tahay diin samaxaad diin cadaaladeed oo caadifo kamaran iyo laablakac,diin basharka oo dhan udamaanad qaadaysa nabad iyo nolol,diin aan ogolayn dulmiga iyo jowrka,diin faraysa macruufka,munkarkana reebaysa,diin siinaysa qofkastoo xaqleh xaqiisa,diin gacanta kudhagaysa dulmiilaha doonaya inuu dunida fasaadiyo,diin dadka kaxoraynaysa inay dad kale adoomo u haadaan,diin kor uqaadaysa qiyamka,karaamada iyo sharafta qofka,diin dhiiri galinaysa horomarka,cimiga iyo aqoonta,diin ladiriraysa jahliga iyo dib udhaca,diin doonaysa inay dunida kufaafto cadaalada,sinaanta,iyo kala dambaynta,diin aan ogolayn in qaanuunka lagu xadgudbo oo dhowraysa xuquuqul insaanka,diin ciqaabaysa dulmiilaha sharkiisana kabadbaadinaysa umadda,Diin…..diin….diiin.

runtii maanta dhaqanka dadka muslimiinta ah ee xaqiiqatan ku salaysan nacaybka waa mid ka fog diinta ay sheganayaan waana kan sababay cadaawada heerkeeda sareeyo eeloo qaaday iyaga iyo diintoodaba,halkii ay awal kadhici jirtay in qaabdhaqameedkii muslimiintii hore oo kali ah ay ku soo islaami jireen mujtamacaad dhan oo malaayiin ah,sida ay sheegeen dadka taariikhda islaamka ukuur gala ee loo yaqaano mu,arikhiinta badankood.

Taariikhdu waxa ay marag katahay in inta islaamka ku gaaray sida nabadgalyada ah in la eg uusan ku gaarsiinin seefta tiiyo la ogyahay dhulalka islaamka kufurtay jihaadka xitaa uusan marna kadhicin cid lagu jujuubay diinta ee ay iyaga iskood si akhtiyaari ah uqaateen mabaadiida islaamka kadib markii ay arkeen inuu oga fiicanyahay dastuuradii dulmiga kusalaysnaa ee ay dowladihii laga xoreeyay kula dhaqmi jireen,sideedana marka aad udhabo gasho hadafka jihaadkii ay dowladaha islaamka ah kufurteen dunida dacaladeeda waxa aad arkaysaa in waxa ay kudduleen uu ahaa Nidaam dulmi iyo jowr kusalaynaa ee uusan ahayn waxa ay kuduuleen xoriyad iyo caqiido sida dad badani moodaan,taasina waxa daliil marag madoonto ah ugu filan inaan meelihii uu islamku qabsaday marna laga burburin dadkii ahlulkitaabka ahaa goobihii ay wax kucaabudi jireen diintoodiina aan lagu faro galin.runtiina waxa maanta haboonaan lahayd inay muslimiinta ku dhaqmaan nuxurka diinta ay sheeganayaan oo aan xaqiiqdii ahayn sida ay ufahmeen iyo inay badalaan wax naftooda kujira ee ay ku hoobteen si uu ilaahayna ubadalo xaaladooda maanta iyo ducfiga haysta ugu dambaystii waxaan ilaahay kabaryayaa inuu dadka muslimiinta ah tubta toosan waafajiyo.

waxaa diyaariray c/llaahi galinsoon.
gelinsoon@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.