Home » Warar »

Minneapolis- Dalxiiska dhallinyarada da yarta

MACALIMIINTA ABUUBAKAR SADIIQ IYO WAALIDIINTA DHALINTA
DA’DA YAR OO DALXIIS  KU QAATAY BEERTA MINNEHAHA PARK EE
MINNEAPOLIS

Sawiro ka fiirso halkan

Macaliinta iyo Maamulka abuubakar Sadiiq iyo Waalidiinta Dhalinta da’da yar
ee qurbaha ku koray  ayaa Dalxiis ku qaatay
beer/jardiino ku Taala Minneapolis oo la yiraahdo Minneahaha Park waxay ahayd maalin ay
waalidiintu farxad la qaaten ilmaha ay dhaleen iyo macalimiintoodii Qur,aan
Baraysay  waxaa Geedaha hoostooda fadhiyey Marwooyin, Aabbayaal iyo
dhalintooda. dadku kooxo kooxo  ayey u wada socdeen   Cayaaro
kubbada oo kala gadisan Ayaan meesha ka marnayn Dhalintu waxay ku ciyaarayteen Wiifooyada iyo Walxaxa laga soo dilin diloodo sida
buuraha.

Waxayna oga soo boodayeen sida dudumaha looga soo boodo, waxay ku
dabaalaneyeen
Baraagaha lagu dabaasho ee dhalinta qurbaha joogta ay u taqaan swiming Pool
waxaa ka loo la keenay goobta Baabuur sida Cunada Dhalinta Qurbaha ku koray ay
aad u xiiseeyaan oo ah Pizza.

Halkaas waxaa lagu tukoday Salaaddi jamce waxaana Tujiyey Sh Mohamed
Cabbaasi oo ka mida Macalimiinta waxuuna khudbadiisa ku Xusay in Nabigu Galay
Tartan Xagga oradka ah oo uu la tartamay Xaaskiisa isla markaana damaashaad kaan
iyo Cayaaraha soo socda ay yihiin kuwo waafaqsan Shareecada Islaamka ahna kuwo
Asluub iyo Tarbiyad Diineed wata Taas oo ka imaanaysa macalimiinta iyo
Waaridiinta ilmahooda la jecel Khayrka

Dhammaan Waaridiinta iyo Macalimiinta iyo Dhalinta waxaa ka muuqatay farxad.

WARAYSIYO  KU SAABSAN CIDA ABAABULKAAN KEENTAY

Waa kan Sh Mohamed Cabbaasi oo ka waramaya cida fikarkaan keentay iyo waliba
cayaaro dhex maray sanadkii hore Macaliinta Dhalinta Qur’aanka Barta Iyo
Waaridiinta ilmaha dhalay waxuu Sh Mohamed Qiray in laga raayey sanidkii hore
sidoo kale waxaa galabtayna Guushu raacday Waaridiinta oo haantan u Eg laacibeen
sida dhalinta qaarkood ay isla dhex marayeen
Halkan ka
Dhagayso
Sh Mohamed Cabbaasi

Sh Mohamed Cabbaasi

Waxaa kaloo Dhinaca waaridiinta u Hadlay Gudoomiyaha Waaridiinta Aadan
C/qaadir oo looyaqaano Indhageele

Aadan C/qadir Indhageele  Waxaana Hadaladiisi ka mid ahaa waaridiin haddii
aan nahay waan faraxsan nahay Culumada iyo Maamulkana  Abuubakar

Sadiiq Islamic Center waa u mahad celinaynaa
Halkan ka Dhagayso Hadalka  Gudoomiyaha
Waaridiinta ilmahoodu ku xiran yihiin Masjidka Abuubkar iyo Madarasada ay
ilmahoodu Dhigtaan Waxaa kaloo noo suurta gashay in aan waraysano Gudoomiya Ku
Xigeenka Waaridiinta

Mire Mohamed oo asna ka Hadlay Cayaaraha iyo

Isku soo baxaan balaaran
Halkan ka dhagayso
Sidoo kale waxaa noo suurta gashay in aan Waraysi ka qaadno Abdirahman Dalmar oo
ka Mida waaridiinta Masjidka Abuubkar ku xiran  oo Abdirahman Dalmar ayaa
Goobta farxad iyo damaashaad kula Qaatay Qoys kiisa asaga oo Caruurta ku Ruxayey
Wiifowga
Halkan ka dhagayso waraysiga Dalmar

Sidoo kale
waxaan waraysanay Tababaraha ku badda cagta Dhalinta Da’da yar

Cigale Jaamac Carab oo si iskaa wax u qabso ah u bara Banooniga Dhalinyarada
sidoo kale waxuu ka mid yahay Waaridiinta isla markaana waa laacib u Cayaara
Waaridiinta
Halkan ka dhagayso

CAAYARO DHEX MARAY MACALIMIINTA IYO
WAARIDIINTA

Waxaa la oran karaa Munasabadaan oo kale waa yar tahay in ay dunida ka dhacdo
Macalimiin iyo Waaridkii   Cayaaro ku tartama   Arintaan
ayaa ah mid Xoojinaysa Saaxiibtinimada ka dhaxaysa Waaridiinta iyo Macalimiinta
waxayna aad iyo aad u farax galinaysaa Dhalinta Dada yar ee qurbaha ku koray.
Waxaadna moodaa arintaan in ay tahay mid Tartan dhab ah oo ay la tartamayaan
Macalimiinta kale ee iskoolaadka dhigta Waaridiinta Somaliyeed ayaa la Soo
baxaya Khibrado hor leh oo ay Tarbiyad ku siinayaan Ilmahooda Sidoo kale
Macalimiinta ayaa muujyey Dadaal dheeraada

Kooxda Dharka Cad Qabta waa Macalimiinta Masjiddu Abuubkar Sadiiq oo maantay
looga Badiyey Saddex Gool halka ay ayaguna Laba gool ay dhaliyeen

Kooxdaan waa Macalimiinta Abuubakar Sadiiq oo Saddex

Gool looga Badiyey halka ay laba gool ka dhaliyeen

Kooxdaan Waa Waaridiinta ku Xiran Masjiddu Abuubakar

Oo Maantay Saddex Gool kaga Badiyey Macalimiinta Qur,aanka ilma hooda barta. Ma
ahan Guushaan tii ugu horaysay ee sanadkii hore ayey ka badiyeen Macalimiinta…

CAYAAHA DHEX MARAY DHALIN YARADA QUR’AANKA XIFDISAN IYO KUWA
HADDA XIFTINAYA

Laba kooxood ayaa ayaguna galabtay meesha isku hardiyey oo la kala yiraahdo
TAHFIID oo loola jeedo kuwo Qur.aanka Xiftiyey iyo QUR’AN LOVER’S oo laga wado
kuwa hadda Xiftinaya Qur’aanka



Kooxdaan Waa
Tahfiid oo ah Kooxda Qur’aanka Xifdisan oo maantay  ka guulaysatay Kooxdii
kale ee la tartamaysay Qur’an Lover’s waxayna ku badiyeen 2 gool halka ayagana
gool laga dhaliyey

Kooxdaana
waa Qu’raan Lover’s oo maantay laga badiyey waxaa laba Kooxoodba La Taagan
Cigale Jaamac Carab oo ah Tababare dhalinyarada Ku Badda cagta bara isla
markaana ka mid ah sidaan horay u soo sheegnay Waaridiinta

SIDA AFKA SOMALIGU UGU ADAG YAGAY DHALIN YADA QURBAHA KU
BARBAARAY

Ma jirto inta aan ogahay cid xil iska saartay eray bixinta Af Somaliga intii
Dowladd la,aanta la.ahaa Maantay ayaan Nin oday ah oo waaridiinta ka mid ah
Weydiiyey walxaha ama qalabka ay ku cayaarayaan dhalin yaradu sida Jaran
Jarooyinka la dhisay  iyo al walada la isku rakibay ee  dhalin yaradu
ka soo Siibanayaa Ama ay ku siqayaan ayaga oo Salka ku ordaya waxuu igu yiri
Waxaan dhihi laa Waa Dudun ama Taalo Dalcad  waxaan gartay in ay u dhow
Dahay laakiin kuma Qancin..

Waxaan dhalin yaradii Goobta Joogtay la dhex maray Sameecadda wax lagu
duubo ayaga oo Taagan Goobtii Riigada ee lagu cayaari lahaa Labada kooxood
Ayaan waxaan weydiiyey Erayga Swimin Pool AFSomali ahaan in ay ku sheegi karaan
iyo in kale wayse suurta gali weyday in ay sheegaan maadaama aysan Jirin cid
eray bixisay waxaanse dhalintii weydiiyey Bali iyo Baraag ama barkad in ay
yaqaanan nasiib daro ma dhicin in ay sheegaan Codod aan ka Duubay Ayaga oo
su,aalaha aan weydiinayo ka jawaabaya oo aad u qosal badan Halkan ka dhagayso
waxaase dhacday in Dhalintu ku Qosleen Barkad ama Baraag iyo Bali  Kooxda
Tahfiid
Halkan ka Dhagayso sidoo
kale Halkan ka Dhagayso Kooxda Lover’s

C/raxman Dalmar
oo ka mida Waaridiinta oo ku  Cayaar siinaya Wiifow Caruurtiisa

Haddii aad Tahay dad ka wax qora ama Afsomaliga Akhriya Maxaad aaladaan
Casrigaa oran lahayd Magaceeda  Ma  Dudan mase darbi waxaan Xasuustay
Waagii aan Dhalaanka ahaa waxaan oran jirnay Waagaan yaraa waan Boodi Jiray waan
Bari Cadaa damcan meel dheer oo darbiya ayaan ka soo boodaynaa

Haddii Swimin pool
lagu weydiiyo Barkad ama baraag miyaad oran lahayd Mase bali koley Haro kayar

Ustaad Abdiwali Bashir Warsame (Dalboon)

cdalboon@hotmail.com

Minneapolis, Minnesota

Minnehaha Park

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Minneapolis- Dalxiiska dhallinyarada da yarta "

  1. sxb waad kumahadsantihiin maqalkan aadka u qurux badan adna ku xasuusan karto xasuus hore ama waxa la dhihi karo dhalanka hada casriga uu haysto iyo kii hore xaladaha uu ku sugna waxan halkan ka dhadhansan kara erayoa ad u muhiim ah runtiina hada ka cara guray dhalankena soo koraya sida ustadku qoray ad baan ugu faraxasanahay
    run ahanti marki aan yara mesha hada aladan ay caruurtu ku sabiibixdan ka ciyaraayo waxa aan ku ciyari jiray (DUNDUMO) bahal ladhoho oo uu sameeyo bahalka lo yaqan (Aboorka )

    Qabo soo soo wadaa