Home » Gabay »

Gabay: Qiil maleh Qabyaalidi|Durraan

Gabaygan la yiraahdo Qiil maleh Qabyaalidi waxaan sameeyey markaan dib u xasuustay

sidii loo qaban qaabin jirey looguna qiiroon jiray xafladana loogu sameyn jirey maalmihii qaranimada

iyo xoriyada aan qaadanay oo ahayd 26kii juun iyo 1dii luuluyo oo israacday waqooyiga iyo koonfurta

soomaaliya oo ay noqdeen qaran midah oo taagan,sanadkii 1960kii, sidaas awgeed waxaan tabay inaan si guud loo samayn xafladihii qiirada lahaa iyo damaashaadkii loo samayn jirey maalmhaas AAN CALANKA QAADANAY,TAASOO AY SABABTAY QARAN DUNKII NAGU DHACAY.

MUDADA 19KA SANO KUBA DHOW,WAXAANA QARAN DUNKAA XUDUN U AH OO UU EERSADAY

QABIIL,QABYAALAD,QABWEYNI,KU QARAABASHO DIINEED IWM,WAXAANAN KU FALANQAYN DOONAA

QAAB DARADAAS OO DHAN GABAYGAN INSHA-ALLAAH

QAYMAHA XORIYAD LEEDIHIYO- QARAN ISKII TAAGAN

QOONKIYO DADKEENII HADEER- QAAR YAR BAA GARANE

DARAADEED QABUURAHA RAGII- IILKA LOO QODAYNA

CADOW UU QASAASOO NAFTII- QAALIGAA U HURAYEY

INAY QARAN HELAAN AAWADEED- QADAYEY OON QUUDAN

GUMAYSIGA QABKIISII RAGII- QAADAN KARI WAAYEY

GAARSIIYEY QUUSTOO HADANA- QIIRO DIRIRAAYEY

GUMAYSIGA JIDKUU QAADO OO- QODAXDA DAAD SHAABA

QATAR BADAN LEH OON AAN LAMARIN- QODAYEY RAADKIISA

QALBI JABIN HADUU CADOW QABTIYO- HADUU QASAASABA

CIDLA LAGAMA QAATEEN XORIMO- DHIIG HADUU QUBANE

CALANKII MARKII QARAMADII- CODAD U QAADEENA

QANCI WAA GUMAYSIGU MARKAA- QAADAN KARI WAAYE

INUU QAYBIYUU GOOSTAY OO- QAATAY TALADEEDE

QOWLAYSATADI UU DHULKII- QOLABA QAYB SIIYO

IN LASII QOQOBO OO MAR QURA- CALANKA AY QAADAN

QORSHAHII GUMAYSIGU LAHAA- QARAMADII GEEYEH

QAADOO DHIGOO DOOD AYAA- YIMID QARAARKAASE

QABYO WEEYE MAY ORAN IYANA- QALAD SAX MAY KEENIN

DHULKII OO QOQOBQN BAA BARKII- QAATAY CALANKII EH

LABO QURA AYAA QARAN NOQDOO- LOO QIREE MAGACE

SADEXDII KALANA CADOWGIBAA- QAYB U HELAY TAASE

QARNIYAAL HALGAMAYAAL XORIMO

QARANBA DOONAAYEY

OO GALAY QABUURAHA ALLOOW

QABARKAN YAAW U SHEEGA

HALGAMAA MA QUUSTAAN ILAA- IILKA LOO QODA EH

INKASTUU QASHUUCOO QALBIGU- OOHIN UU QUBE EH

QAARKII KASOO HARAY MARKAY- JUUN CALANKA AY QAADAY

LABADII INUU SII QOQOBO- QAYBSHO CADAWGIINA

DADKII QAADAN WAA OO MID QURA- QAATE TALADEEDE

KUMA AY QASAARINE ILLAAH- QAADIR BARAKEEYE

QUWAD IYO AWOODBUU DURBABA- YEESHAY QARANKII EH

HORMUUD QAARADII NOQOY DALKOO- QARAN BARWAAQAA EH

GUMAYSIGI QASHUUC OO HADANA- QOOMAMEE CADOW EH

QOWLAYSATIYO XAASID BAA- QAATAY QALABKII EH

IN LA DUMIYO QARANKII AYEY- WADA QORSHAYSTEENE

QATAR INUU KU YAHAY QARAMADIYO- QOONKA DARISKAANA

SOOMAALI QARANKEEDUBAY- CADOW QIYAASEENE

QIBRADUU GUMAYSTUHU LAHAA- QAATILNIMADIISA

IN QABYAALAD LAGU QAYBIYIYO- QOLO UN MOOYAANE

OO QAAB QABIIL LAGU DUNSHOO- LAGU QASAARSHAA EH

QIIL AAN MIDKAAS AAN AHAYN- QAADAN KARI WAAYE

QORSHAHII GUMAYSIGU U NOQOY- QAABKI UU RABAY EH

QABQABLIYO DAGAAL OOGAYAAL- MAGAC QABIIL SHEEGTA

QARASH IYO HUB CADOW SII DURBOO- DADKII QIIRO KU ABUUREH

XUKUN AAN SAXAYN QALADKA OO- QOONSADEEN SHACABKU

MID WALBAA KAN KALE QUURSANOO- QOLO KU FAANAAYO

ISMA QABATO OO WADA QALDANI- EERSAY QARANKIIYE

QARNI RUBICI DADAAN QARAN LAHAYN- IYO QULQULAD TAAGAN

QARAX IYO RASAASTIYO QUR GO,I- QIIL LAHAYN SOCOTO

QUUSTOO IS QABANO HESHIIS- QAADAN KARIWAAYEY

CADOWGOODU QAABKUU RABIYO- WAA QORSHIHI TAASE

QARNIYAAL HALGAMIHII XORIMO

QARANBA DOONAAYEY

OO GALAY QABUURAHA ALLOOW

QABARKAN YAAW U SHEEGA

INTII QIIRO AWGEED HALGAME- IILKA LOO QODANA

QARANIMADA CALANKII DHASHEE- QABAN ISHOODIINA

BAL INAY QASHUUCAAN HADEER- EHEL QABUURAADKU

OO QOOMAMEEYAAN LAFIHI- QOLOFTU OOYDAABA

BAL INAY KU QUUSTAAN KUWAAN- AAN IS QABANAYNIN

OOY QIIRO SAAQDO IYANA- QALAD SAXAAN MAANTA

QALBI FIICAN EEBEHA MIDKUU- UU QALUUB GALIYEY

KUWII AY ILMADU QOYSAY OO- QUBAYEY OO JOOGAY

QARANKII DHARAARTUU DHASHOO- CALANKA AAN QAADNAY

ADUUN WAA QIYAALIYE HADII- QAAR LASOO CELIYO

LA TUSAA QASAARAHA DHACOO- SABABAY QOONKOODU

QABIILKIYO QURAANKII HADEER- LAGU QARAABTAANA

QARANKIYO KA DOORTEEN MIDAA- DAWLAD QAYMA LAHE

QAYMAYNA CALANKII U HAYN- OOY QADARINAYNIN

ABWAANKII KASOO QAAD MURTIDA- QOONKAN WAX U SHEEGAY

DUGSI MALEH QABYAALADI YIROO- QIRAY OO NOO SHEEGAY

QIYAALAY DAD QAAR MOODAY OO- UGU QOSLAYEENE

QOLO-QOLO ILAA AAQIRKII- QALABKA LOO QAATAY

OO LAYS QUR GOOYO DAD BADAN- GEERI WADA QAADAY

QARANKII DADKIISI NOQDAA- QAARKI DUMINAAYEY

WADAADKII QURAAN DHIGI JIRANA- QALINKI UU TUURO

QABQABLUU SIDIISII HADEER- QAATAY QORIGII EH

QARAX AAN U JEEDABA LAHAYN- SUUSAAD WAA QALADE

QAXII IYO COLAADII HORAA – DHAAMAY QAXARKAANE

QARNIYAAL HALGAMIHII XORIMO

QARANBA DOONAAYEY

OO GALAY QABUURAHA ALLOOW

QABARKAN TAAW U SHEEGA

XAFLAD QAYMO BADAN IYO- QABAN QAABO HEER SARE

QAYMAYNTA JUUN IYO LUULIYO LA QABAN JIREY

QOSOLKII DADWEYNAHA- OON LA QIYAASI KARA HAYN

DHARAARIHI AN QARANIMO- QAADANAYD AHAY CALAN

QAMUUNYAA WADANIGII- XASUUSTOO DHAN QABATOO

QOORAANSI EEGAA- QOOMA MEYN SIDAAN WAA

U AHAYN DAD QARANOO- QUWAD IYO AWOOD LAHE

SIDA UU QABIILKII- NOO KALA QOQOBAY OO

QAYB QAYBINTII- IYO- QOLO QOLO U DIRIRKAA

QAYRKEEN NA DHAAFSHO-QADKA NAGABA SAAREE

QARANKII SIDUU U DUMAY- XAFLAD QIIRA LOO WACAN

IYO QADARIN LEH JUUN- QABAN QAABSHAY LUULIYO

QABTAY OO DHARAAR QURA- U QIIROODAY MAALMAHAS

SOOMAALAAY ISMA QABATAAY- QOONYAHOW DAREENKA LA

ISU QOORA BUURANO- QAAWANOO AH CAYRTOW

QARNI RUBICI DIRIRTAAD- QARANKII KU DUMISEEN

QABQABSIGII SOKEEYO- AHAA MAGAC QABIILEED

ANAA KAA QABWEYN IYO- BOWDYA QAAWINTII HORE

HADAAD QUURSIGII WELI- QIIL AAD U MOODAAN

DHULKIINAAN QABUURAHA- NOQDOO QAAWAN GABIGII

QOONYAHOW HADAAD WELI- QORIGII AD SIDATAAN

SHEEKADI QABIILKIYO- AAD QABYAALADII WELI

QAABKII XUMAA IYO – AY QURGOOYADII TAAL

DHIIGII LA QUBAYOO- QAYLO DHAANTI SOCOTAA

DIINTII WADAAN QAAR- KU QARAABANAAYA

INKASTOO MID QIILOO- QANCIYAA NASOO MARIN

QOLO QOLO COLAADII- QABQABLAA TAN DHAAMEE

HADAANAAN ISQABANOO- QOONYAHOW DHULKEENII

QARANIMO LASOO CELIN- IN QARIIRADEENII

QAARADOO DHAN- LAGA JARO

QUWADAHA SHISHEEYIYO- QOWLAYSATAA WELI

QABANQAABINAYSEE- U ISTAAGA QARANIMO

QAXARKIYO DHIBKAAN BA,AN- NAGA SAARA GOOR QURA

QARNIYAAL HALGAMIHII XORIMO

QARANKI DOONAAYEY

OO GALAY QABUURAHA ALLOOW

QABARKAN YAAW U SHEEGA

DURRAAN A SHIRWAC

EM- DSHIRWA@YAHOO.COM

LONDON/UK 16-06-09

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.