Home » Maqaallo, Siyaasad »

Burburkii Qaran ilaa Qoys 2-aad |Mingiste

Burburkii Qaran ilaa Qoys Qaybtii 2aad

(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid  gun iyo baar ah)

ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-

Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qoriga-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.

Berigii hore Soomaalida  shaqsiyaad aan badnayn ayaa wax dooni jiray,damac lahaan jiray oo la odhan jiray hebel wuxuu rabaa in uu Siyaasi noqdo,hebel Suldaan ayuu rabaa,in uu Ganacsade noqdu ayuu rabaa,in uu wadaad noqdo ayuu rabaa.Maanta dhamaan Soomaalida nin kastaa wax buu doonayaa,in uu wax noqdo ayuu doonayaa,dhamaan Soomaalidu waa “wax doon”,Xil iyo Xoolo doon,sidii ay ku heli lahaayeena   wado kasta way u marayaan.

Berigii hore Soomaalidu waxay lahaan jirta Bulsho kala duwan ,si kala duwan u kala nool,waxay lahaan jirtay “reer guuraa iyo reer magaal” mid kastaana halka uu ka nool yahay ayuu ku maareeyn jiray nolol maalmeedkiisa.Maanta Soomaalidu waa isku wada nolol,sida howl maalmeedka loo maareeyana waa isku mid,mana jirto noloshii kala duwaneyd  ee hore u jiri  jirtay.Berigii hore Soomaalidu cidii wax fiican qabata way u hambalyeyn jiray,waana looga mahad celin jiray.Maanta xaalku waa aynu isla wada burburno,waxaana ugu  aflegaado,xaqiraad iyo ceebayn badan cida lagu tuhmo in ay wax fiican  wado.

Berigii hore Soomaalidu,dhaqan bay lahayn, qoys iyo qaraabo lahayd  xidid iyo sokeeyey lahayd, xishood iyo xushmad bay lahayd, dad u kacay lahayd,qaderin Diimeed bay lahayd,madax iyo minjo ayey kala lahayd.Maanta xaalada Soomaalida waynu ka wada dheragsan nahay sida ay tahay iyo halka aynu marayso,dhamaanba waxaa meesha ka baxay dhaqankii ,caadooyinkii,wadaniyadii iyo dadnimadii Soomaalida lagu aqoon jiray.

Berigii hore Soomaalida barashada DIINTU  way ku yarad,balse intii ay Diinta ka yaqaaneed waxay ugu dhaqmi jireen si xalaal iyo xushmad leh,karaamo Wadaad ayaa jirtay,karaamo Masaajid ayaa jiray,cibaado iyo camal suuban ayaa jiray,shaqsida Diinta aqoonta u lahi wuxuu ahaan shaqsi lagu soo hirto.

Maanta oo Soomaalida ay u koradhay aqoon DIIMEED,maanta oo meel walba laga helayo Masaajid,maanta oo meel kasta ay ka jirto Maderasad diimeed,ayaa waxaad moodaa in uu jiro xad gudub badan oo loo geysanayo Diinta iyo ku camal falkeeda.Earayada aynu had iyo jeer maqalo ayaa waxaa ka mid ah,MASAAJID baa dad lagu laayey,nin salad ka soo baxay oo la toogta iyo kooxda halkaa ka dagaalamaysa waxaa hogaaminayo Sheekh hebel.Haddii ay sidaa ku sii socotana waxaa dhici doonta in WADAADKA  marka la arko laga cararo.

Berigii hore Soomaalida MAYD  keedu dariiqyada ma daadsanaan jirin  haddii la arkana ,waa la aasi jiray,waana loo ducayn jiray.Maanta waxaad arkaysaa dad  dhintay oo ,lala kortaagan yahay in sawiro laga qaato,anigu shaqsi ahaan waxaan aad ula yaabaaa sawirada ay soo bandhigaan qaar ka mid  saxaafada qaarkeed.

Berigii hore Soomaalidu isma QARXIN jirin, mana maqal taariikhihii hore  shaqsi Soomaaliyeed oo inta uu BOM isku soo xidhay  Soomaali kale  isku dhex qarxiyey.Maanta  waxaynu wax badan maqalaa,qof BOM isku soo xidhay oo isku dhex  qarxiyey Soomaali kale,runtii waa wax la yaabo ,mana garanayo danta laga leeyahay iyo qiilka loo hayo midna.

Berigii hore Soomaalidu waa is dili jireen,oo waxay isku dili jireen wax iyaga ka dhexeeya sida Deegaanka  ay wada degan yihiin,Daaqa Xoolaha,  Xoolo la kala dhacay,goobaha Biyaha laga cabo, dad la kala dilay, Haween la fara xumeeyey iwm.Maanta intaa midna laskuma haysto balse waxaa ugu muhiimsan waxyaabaha ay Soomaalidu isku dilayso “KURSI”,waxaan ula jeedaa Siyaasad la odhan karo waxay ku soo ururaysaa “ aniga ayaa “Madaxweyne noqonaya”.

Berigii hore Soomaalida marka ay arini ka murugto,oo ay doonayaan in ay wada hadlaan  inta ay GEED hoostii xaadh xaadhaan  ayey ku garnaqsan jireen,waxaana jiri jiray cid gar loo haysto iyo cid jid bixiye u ah.Waxaa loo yeedhi jiray amase la dooni jiray  ragg meelo fog fog jooga oo caan ku ah EEXASHO la,aan iyo kala saarista arinta laysku haysto,waxaa lagu hadli jiray Afsoomaali,waa laysu maahmaahi jiray,marmarna waaba laysu gabyi jiray.

Maanta waxaa taas deleday SHIRAR ay Dowlado shisheeye soo qaban qaabiyaan,kuwaas o lagu qabto Hotelo ku yaala wado aanay inaga dhaxayn wax saaxiibtino ahi iyo qaar aad inoo fog fog,lagana yaabo in aanay xitaa aqoonba u lahayn Soomaalida.Maanta marka ay Soomaalidu shirayso waxaa lagu wada hadlaa afaf kale,waxaa la doonaan ururo Ajanebi ah,shir gudoonkuna wuxuu noqdaa cid aan haba yaraatee wax aqoon ah ulahayn Soomaalida dhinac kasta.

Berigii hore Soomaalidu way kala qaban jiray  haddii laba qof is dilaan, kii gardarana waxaa la odhan jiray “waad gardarantahay ee joog”,waxaa la raadin jiray cid qaban karta, waxaa jiri jiray  SHAF-SHAFO AMASE DHAYMO-DAAWEYN- MAG ama XAQ-ayaa la kala qaadan jiray.

Maanta marka dhibaato dhcado,cid baa dani ugu jirtaa,qaarbaa qado ka hela,qaar baa ka taajira,qaarbaa dhibtii sii fidiya,erayda caanka noqdayna waxaa ka mid “WAA DHAKO KALE-KU JIQSII-WAA MASHRUUC-KA AARSO-WAX KALE A YUU U JEEDAA IWM.

Berigii hore Soomaalidu BEENTA ma sheegi jirin, oo way ka xishoon jirtay,qofka beenta sheegana wuxuu ahaan jiray qof la ceebeeyo,waxaa loo bixin jiray “beeno waas ama beenlow”,ninka runta yaqaanaana wuxuu ahaan jiray shaqsi ay Bulshadu ku soo hirato

Maanta beentu waxay ka mid tahay nolol maalmeedka  waana  mid ka mid  tiirarka ugu muhiimsan  hab nololeedka busho weynta Soomaaliyeed,qofka beenta yaqaanana waxaa loogu yeedha  “hebel waa XARIIF”,shaqsiga  runta sheegtaana waa shaqsi aan dantiisa garaneyn,”BEENTU WAA RUN,RUNTUNA WAA BEEN”

Berigii hore Soomaalidu dhirta waxay  ka cuni jirtay in manaafacadka leh,ee naftooda wax u taraysa,waxay beeran jireen dhirta leh midho manaafacaad u leh bulshada.Maanta Soomaalidu waxay cunaan, ka ganacsadaan  dhir fara badan oo la odhan karo waxay dhibaato joogta ku hayaan naftooda ,maalkooda ,burburka dhacayna dhirtaas ayaa qayb libaax ka qaatdatay,waa dhirta loo yaqaan MAANDOORIYAHA.

Berigii hore Soomaalidu way ka xishoon jirtay Dumarka.dadka waaweyn iyo Caruurtaba,waxaana loo yaqaanay dad BIR MA GEYDO ah,waa la taakuleyn jiray lana taban taabin jiray.Maanta waa  kuwa ugu daagta iyo  tamarta daran,iyagaa loogu hor dilaa ,iyagaa  ugu dayac badan, guud ahaanna iyagaa loo geeystaa gefafka ugu faraha badan uguna baaxada weyn.

Berigii hore Soomaalida wuu ku yaraa burburka QOYSKA,waxaa ceeb ahayd reerkaasi way kala tageen,caruurtoodii way dayacan yihiin.Maanta Soomalidu waxay si laxaad leh uga burburtay Qoyska oo ahaa UNUGA ay bulshadu ay ka unkanto,waxaana jira magacyo badan oo laysugu yeedho.

Hadal iyo dhamaan, waad garan kartaa burburka  jira inta uu baaxad leeg yahay,mana aha mid qalin iyo waraaq lagu soo koobi karo,arimo badan oo aanan halkan kaga hadalna   waxaa ka heli doontaa qoraalada dambe.

Baal eeg  eraday uu tirayey Abwaanka-Qoraaga Ibraahim Yuusuf (Hawd)

Xaajadan dellagantee
tobannaanka dayrood
baadinnimo dilootee
duddo gaalo joogtee
hadba qolo dulsaar ku ah

xaajadan dan seegtee
tol u diira waydee
ku dibbootay kayntee
doofaarka raacdee
bahalaha la deriska ah

xaajadan dadkeedii
lagu duugay iilkee
loo dooray cadawgee
loo diiday khayrkee
dadqallada u maganta ah


xaajadan dul iyo hoos
dulin loo dhammeeyee
halaqyadu degeenee
guggumuhu dalooshee

diigaanyo dhabadka ah


xaajadan la dayrshee
ehelkeedu diidee
dir qalaad la raacshee
laga doorshay midabkee
daayeerka laga dhigay

intaas oo duruufood
iyo qaar ka sii daran
xaajadan u dagatee
duufaantu wadatee
saaran doonta sheydaan


haddaan daacad loo noqon
dakharrada run loo dhayin
deellaydan curatiyo
doodahan ibaha furay
waa iska diirnax caalwaa
xaalku waa dundumo maydh.

—————————-

Burburkii Qaran ilaa Qoys: Qaybtii 3aad

Soomaalida waa dad geesiyiin ah:-

Soomaalidu waa dad geesiyiin ah,sababtoo ah waa ummadda keliya ee shaqsi dad laayey ku faano “ anigaa dadkaa laayey”,Soomaalidu waa dad geesiyiin ah sababtoo ah waa ummadda keliya ee uu ku dhex noolaan karo gacan ku dhiigluhu. ”

Waa qoraalo taxana ah oo aan ka soo qaatay Buug aan xilligan qoraalkiisa wado lana magac baxay “Burburkii Qaran ilaa Qoys. Waa qoraalo aan ku eegayo  sababihii  keenay   burburkii ka dhacay Soomaaliya kaas oo ilaa maanta socda.

Burburka ka dhacay Soomaaliya  waa mid ka  soo bilowday Qarankii wuxuuna  hoos u daadegay ilaa qoyskii,waxaa  burburay dhamaanba qaabkii dhisme ee bulshada,waxaa burbur  baaxad weyne soo gaadhay dhaqankii ,siyaasadii  iyo dhaqaalihiiba,waxaa iyana meeshaba ka baxay waxay la odhan jiray dantii guud iyo dareenkii dadnimo.

Inta aan qoraaladan wado waxaan si kooban idiin fahansiin doonaa erayada ay ka mid tihiin Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga-Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qoriga-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan.

Haddii aynu si kooban u eegno geesinimadu Soomaalidu waa sidan:-

  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah, sababtoo ah,waxay mudo kooban gebi ahaanba burburiyeen dhamaanba deegaankii ay ku noolaayeen ,haday dhir tahay,haday dhisme tahay iyo haddii ay wado tahayba.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah,sababtoo ah waa ummadda keliya ee dalkii ay lahayd gebi ahaanba ku burburisay nudo kooban,ee haddana ku faraxsan sida ay u burburiyeen dalkoodii.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah,sababtoo ah waxay Dowlad la,aan ku noolaayeen mudo dheer,balse waxay rumaysan in aanay waxba ka maqnayn.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah,sababtoo ah iyagoon ciidan lahayn ayaa  waxay jiif iyo joog u diideen Dowlado badan oo sheegta in ay ciidan xoog badan leeyihiin.
  • Soomaalidu waa dad  geesiyiin ah ,sababtoo ah waa ummadda keliya ee 20 sanadood aan lahayn wax Dowlad ah ee haddana weli ku mashquulsan sidii ay Dowlad u yeelan lahaayeen.
  • Soomaalidu waad dad  geesiyiin ah dhinaca DIINTA,waa dad dhaqso u baran kara guud ahaanba Diinta,,waa dad wada Wadaad iyo wada sheekh ah, balse waxa ay maalin kasta faraha kula jiraan waa waxyaabo ka soo horjeeda dhamaan arimaha ay Diintu farayso.
  • Soomaalidu waad geesiyiin ah,sababtoo ah waa ummadda keliya ee shaqsi dad laayey  ku faanayo “anigaa dadkaa laayey.
  • Soomaalidu waa dad  geesiyiin ah , sababtoo ah, waxay gebi ahaanba iska idho tiraan shuruucda caalamka,waxayna isu haystaan in tooduun sax tahay.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah sababtoo ah waa dadka keliya ee qaarada Afrika inteeda badan ku jooga LACAG  iyagoo heli kara  in ay sharci ku joogaan.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah ,sababtoo ah,waad dadka keliya ee isdilayey  in ka badan 20 sanadood iyagoo is wada garanay, qaraabo iyo sokeeyana wada ah.
  • Soomaalidu waad dad geesiyiin ah ,sababtoo ah waa dadka keliya ee loo qabtay  shirar aad u  fara badan,soo dhisay Dowlado badan ee hadda iyagu  mudo kooban ku burburiya.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah ,sababtoo ah,waa dadka keliya ee shirar amase wada hadal u fadhiyi kara 2 sanadood ee haddana go,aanadii ay ku heshiiyeen ku burburin kara maalmo gudahood.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah ,sababtoo ah dhamaantood waa wada Siyaasiyiin,waxayna ka sheekayn karaan  oo xafidsan  yihiin dhamaanba Siyaasada dunida ka jirta ,balse waxay u maaro layihiin toodii.
  • Soomaalidu waad dad geesiyiin ah ,sababtoo waa  ummadda keliya ee yar iyo weynba garanayo ee weliba kuu sharixi kara dhibta haystaa nooca ah tahay ,laakiin aan garanayn si ay u maareeyn lahaayeen dhibtooda.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah ,sababtoo ah waa ummadda keliya ee magaalo hore u jirtay in ay dumiyaan ,mid cusub mudo kooban ku samayn kara .
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah ,sababtoo ah waa ummadda keliya ee mudo kooban ku samaysan kara shirkado ganacsi oo waaweyn balse kuna burburin kara waqti gaaban.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah,sababtoo ah waxay samayn karaan  ururo aad u farabadan oo leh magacyo aad u qurux badan balse lagama yaabo in ay wax weyn ku qabsadaan dalalka ay joogaan.
  • Soomaalidu waad dad geesiyiin ah,sababtoo ah ,waa ummadda keliya ee NABADA ka dooratay ,in ay dagaal uun wado mudo dheer .
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah ,sababtoo ah waxay  u badheedhay TAHRIIBTA, waxay ogyihiin oo ka dheregsan yihiin dhibata ay leedahay tahriibtu ,haddana waa kuwaa ku sii qulqulaya,waana kuwa ugu badan ee maanta ku dhimanaya badaha dunida.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah,sababtoo ah,xilligan hadda la joogo waa ummadda ugu caansan xaga Budhcad badeeda,ee Maraakiibtii dunida .
  • Soomaalidu waad dad geesiyiin ah,sababtoo ah waa ummadda  keliya ee inta yar  ee dibada joogtaa ay masruufto(biiliso) inta faraha  badan ee dalka joogta.
  • Soomaalidu waa dad geesiyiin ah ,sababtoo ah,waa ummadda keliya ee  leh saxaafada ugu badan ee shaqsi iska leeyahay ,   ee  maalin kasta la dhibaateeyo,hadana aan ka daalin in ay warka soo tebiyaan goobaha xabadu ka socoto.
  • Soomaalidu waa geesiyiin,sababtoo ah waxay u badheedheen dhamaanba noocyada dhibta ee dunida ka jira maanta.
    Hadal iyo dhamaan geesinimada   Soomaalidu waa mid u socota jaho khaldan,haddii ay sidaa ku sii socotana waxaan filayaa in ay arimuhu si ka culus sida la moodayo ay isu bedeli doonaan.

Burburkii Qaran ilaa Qoys Q-1aad akhri

F.G. markasta waxaan marti idiinka ahay wixii talo,tusaalle iyo taakulaynba ah.

Mahadsanidin

– la soco qaybta 3aad oo aan u bixiyey Soomaalidu ma dad firfircoonbaa ?—

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.