Xataa Haddii Qalinkii Qalalay!
Abwaanka caanka ah Cabdi Muxumad Amiin (Ilaahey ha u naxariistee) ayaa wuxuu curiyay hees hal-xiraalle ah asaga oo sawir ka bixinaaya xaalada Soomaaliya ee 1969. Abwaanku wuxuu hal-xiraalkaas ku weydiiday su’aalo ay ka mid yihiin “haddii dawadii bukooto maxaa lagu dabiiba”? iyo “haddii dabkii dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa”? Hal-xiraalka hore, waxaa loola jeedaa “[daliilnimada] diintiyo, dastuurkiyo xeerka, haddii dabool la saaro, dawo bukoote weyee”. Hal-xiraalka labaadna waa “ruux hadii la doorto darajadii la saariyo, xilkii daryeelli waayo, dab dhaxamoode weeyee”. Haseyeeshee, abwaanku ma sheegin sida lagu diirin karo dab dhaxamoode, laguna daweyn karo dawo bukootay; laakiin, wuxuu bixiyay tilmaan iyo tusaaleyn aad u fiican. Annaga oo abwaanka tusmadiisa raaceynaa, waxaa soo if-baxay hal-xilaalaha ah “hadii qalinkii qalalo, maxaa lagu qoraayaa? Qalinku wuxuu qalalaa haddii si wax loo qoro la waayo oo wax kasta isku darsamaan, kheyrka iyo shartuna is-dhex galaan, ama qoraalku naftaada khatar geliyo. Maanta labadaas xaaladood ayaa taagan. Waxaan joognaa yaan la hadlin, yaan la qorin, haddii kale ciqaabteedu waa toogasho iyo dil! Alle ha unaxariisto inta geesiyaasha ah oo gardarada loogu dilay hadalka iyo qoraalka ee uu ugu dambeeyay Agaasimaha Idaacadda iyo TV Shabelle mudane Mukhtar Moxamed Hiraabe.
Sida qalmaan badan ay uqalaleen, ayaa qalikeygii qalalay oo qoritaanka waa diiday! aniguna kama aan quusaan oo quusitiinu ma aqaan. Mar kasta oo aan isku dayo inaan wax qoro, waxaan sheego waa waayay. Hadana ma aamusi karo oo waxaan xasuustaa xadiiskii Nabigeynaa (saw): “Ruuxii arka wax munkar ah, haku bedelo gacantiisa, hadii uu kari waayo, haku bedelo carabkiisa, haddii uu kari waayo, haku bedelo qalbigiisa, taas ayaana ah meesha ugu daciifsan imaanka”. Inkasta micnaha xadiiskaan siyaabo kale duwan loogu adeegsaday oo koox kasta oo dagaal ku jirta usoo daliishato iney munkar reebayso, laakiin sida la ogyahay, xoog adeegsi sharciyeysan (legitimate use of force) waxaa iska leh dawlad sharci ah. Xoog adeegsi ma aha hawl utaalla koox aan dawlad aheen, marka laga reebo gobanimo-doonka xaqqa ah. Haseyeeshee, labada qodob oo kale, kuwaas oo kala ah in wixii munkar ah laga hadlo ama qabliga laga naco waa arin ruux kasta lagana rabo. Gaar ahaan, aqoonyahaanada waxaa looga fadhiyaa iney ka hadlaan waxyaabaha foosha-xun ee ka socda koofurta Somaaliya. Waa in laga hadlaa arimahaas si Ilaahey agtiisa cudur-daar looga helo, loona badbaadiyo qarannimada, maatada, sharafta iyo karaamada Somaaliyeed.
Laakiin, maxaa la sameynayaa haddii qalinku qoritaanka diido? Waxey noqotay in qalinka la qur’aan saaro oo Ilaahey loo baryo iyo in loo wardiyo, loona duco qaado. Sidaas darteed, ayaan saqda dhexe dhawr rakco ugu dukaday, waxaan ku baryaayay Ilaah ducada Qur’aanka ku jirta ee ah “ Rabi ishrax lii sadrii, wa yasir lii amrii, waxlul cuqdatan min lisaani yafqahu qawlii” oo ah erayadii uu ku duceystay Nabi Muuse (CS). Micnaha ducadaasu waa: “Ilaahow laabteyda iifur, arinkeyga ka dhig mid fudud, carabkeygana ka fur gunuda si ay hadalkeyga u fahmaan”. Saqda dhexe, aniga oo duceysanaya, waxaan maqlaayay oohinta caruurta cabsida iyo qaajada la seexan waysan oo hooyadood dhabta ku hayso ayada oo Ilaahey u eed-sheeganeysa. Waxaan maqlaayay ayada oo dheheysa“ Ilaahow kuwaan naga qabo”, “ Ilaahow kuwaan naga qabo”, “ ma sidaan ayaa diin ah!” “Ilaahow adiga kale ayaan ku dansheegtay ee naxariistaada nala soo gaar, kuwa daalimiinta ahna naga qabo”!. Waxaa kale oo dhegaheyga kusoo dhacaayay riinka iyo adaarka dhawaaca dawo la’aantu hayso oo waran geedaha hoostooda iyo habaarkooda oo aan kala go’a laheyn! Waxaan maqlaayay dhawaaqa waayeel aan qixi karin oo xanuun iyo daryeel la’aatu hayso oo ashahaatanka iyo subxanalayska aan kala joojineyn!. Waxaan maqlaayay … waxaan maqlaayay …. Waxaan maqlaayay wax kasta oo dhaqaajin kara damiirka aadamiga oo aan marna laga amusi karin!
Markaas ayaan qalinkeygii kusoo jeestay oo aan baryay; fadlan wax qor waqti la amuso lama joogee! wuxuu iigu jawaabay: anigu waxba ma qori aqaan, waxba ma qori karo. Waxaan mar kale ku iri: qor oo hawshii laguugu yaqiinay ee qoritaanka aheed haka fadhiisanin! wuxuu hadan ku jawaabaya, haddii xaalku sidaas yahay, hadaba iisheeg maxaan qoraa? Waxaan ku iri: sanado badan waxaan kuu sheegi jiray wax kasoo qaado, aniga caqligii ayaa iga faaray ee adigu wax soo xasuuso! Wuxuu qalinkii isdaba geliyay su’aalaha ah: oo maxaa la qorayaa? Yaa wax loo qorayaa? Afkee wax ku qoraa? Waxaan ku iri: Somali wax u qor, af-Somaali wax ku qor, wixii la qorayana aniga ha iweydiin. Wuxuu igu yiri: sida aan arki jiray, Somaalida intooda badan wax ma qoraan, waxna ma aqriyaan, inta yar oo wax aqrisana intooda badan wax ma fahmaan, inta yare ee wax fahamtana intooda badan fikirka la qoro dan kama leh ee waxy aqriyaan ruuxa wax qora markii la reebo in yar oo Ilaahey u naxariistay! Qalinkii wuxuu yiri: anigu reerna kama tirsani, kooxna kuma abtirsado, Somaali ma ihi, waxaan ahay aadami, waan ku abtirsadaa Nabi Aadan (CS), waxaan qoraa runta, waxaan ka tarjama nabadda iyo hurumarka, waxaan jecelahay nidaamka iyo dawaldnimada. Hadaba, sidii aan Somalida noocaas ah wax ugu qorayaa, igama dhaaftidoo?
Waxaan ku iri: lagaama dhaafaayo ee wax sheeg, hadii lagu dhaafo, waxey la mid tahay ayada oo la isdhiibay, ayada oo kuwa dagaalada hurinaya loo hogaansamay, ayada oo mustaqbalka mugdi la geliyay, sidaasna ma aha dhaqanka ruuxa muslimka ah oo laga rabo inuusan marna quusan. Wuxuu ugu dambeyntii yiri: hadaba waxaa qorayaa dhawrka eray ee soo socda ee dadka iga gaarsi. (1) Ha isdilinna, ha isku xoog-sheegana, ha isxaqirina, wada-tashada, walaalooba. (2) Wada hadla, shesheeye ha isku kaalmeysana, faragelin shesheeye ka maarma. (3) Dawlad la’aan wax uga daran Somaalida ma laha, dawlad la’aan lama dhaqangeli karo shareecada Islaamka. Dawlad ayaan idinku ogahay.
Waxaan ku iri: intaas Somaalidu waa ogyhiin, hadana waa lagu kari waayay iney ku howlgalaan ee maxaa talo ah? Wuxuu yiri: “madax nool iyo middi saawir ah midna lagama quusto”. Waxaa Ilaahey naga rabaa inaan la quusan oo dadaal joogta ah aan ku jirno oo meel kasta aan ka baadi-goobno xalka. Sidaas ayaa abwaanka caanka ee Somaaliyeed Moxamed Ibrahin Xadraawi si qurux badan ugu cabiray gabagaan aan qeyb ka mid ah soo qaatay:
Markay dani meeday tidhi Maxaan talo meel ka dayey
Markay dani maaha tidhi Weydiiyey qof meel ka dayey
Markay dani maaha tidhi Ku laabtay halkaan ka dayey
Markay dani maaha tidhi Ka sii dayey meel la dayey
Qalinkeygii wuxuu soo gunaanaday qoraalkiisa asaga oo intii hore ka rajo fiican markaan waano iyo duco iskugu daray: “Ilaa dulmigii mudadda dheer la gelaayay laga tooban keenayo, Ilaa inta dawlad diidka ah Ilaahey soo hanuuninaayo ama laga adkaanaayo, ilaa inta dadka wanaagsan madaxda bulshada iyo dalka ka noqonayaan, wax weyn iskama bedelayaan xaalka Somaaliya”. Hadaba, furaha guusha Somaaliya waa inuu dhaco isbedelka caqliga iyo fikirka oo ku yimaada waxbarasho iyo barbaarin. Waxaan ku soo gunaadeenaa qoraalkaan, ayaadda Qu’aanka ah “Ilaahey ma bedelo xaaladda qawn ku suganyihiin [wanaag iyo xumaan], ilaa ay ka bedelaan waxyaabaha naftooda ku jira [khayr ama shar]…”. Waa taas tubta toosan, wadadda guusha, wadda kalena ma jirto! Xataa haddii qalinkii qalayay, ha quusan oo qoraal ha dayn !!!
W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)
Ninkan odayga ah, Mudane Baadiyow, soo qoray maqaalkan wanaagsan; isaga na beri fog ayaan Email u diray, taas oo aan ugu sheegayay: abwaanka heesta halxiraaleha tiriayay in uu ahaa: Xasan Sheekh Muumin (aun); balse aan uu ahayn Cabdi Muxummad Amiin (aun). Anigu halkan ayaan ku arkay: [ http://www.scribd.com/doc/16318102/Haddii-Qalinkii-Qalalay ]. Qof kasta oo xataa ka raadiya, maanta meel kasta ayuu xaqiida ka heli karayaa. Marka ma habboona in qof weliba mutacallim ah, lagana dhowrayo xilkasnimo dheeraad ah, in, isagiiba noqdo midkii “Xuquuda Halabuurka” abwannada u kala dhaxalwareejin lahaa. Anigu kolley, aad xun in faalladan aan halkaan ku qoro; — ogi in ay tahay misana LAMAHURAAN!