Home » Maqaallo »

Falsafadda gor-gortanka iyo wada hadalka.

Falsafadda gor-gortanka iyo wada hadalka.

Adduunyadan aynu ku noolnahay waxaa ka jira nidaamyo iyo falsafado loo wada hadlo. Ummad walibana dhaqankeedu wuxuu ku qotomaa mabaadii’da iyo qiyamka ay aaminsantahay. Sidaa awgeed ayaanay u jirin hab kaliya oo loo wada hadlo ama la isu af-garto (haddii dano lakala yeesho).

Waana sababta ay u jiraan dad si gaar ah ugu takhasusa dhaqamada bulshooyinka ama mid gaar ah. Arrinkaasina ma ahan faakihaysi iyo camal la’aane waa daruuri, maadaama aan la kala maarmin dantu waxay doontaba ha ahaatee.

Ummadaha gaalo iyo islaam waa gor-gortamaa. Waxaa laga wada hadlaa arrimo badan sida: dhaqqalaha iyo ganacsiga, isu socodka iyo dalxiiska, xuduudaha iyo amniga IWM. Haddaba waa in qolo walbaa ay leedaha cid iyada ka mid ah oo kuwa kale u dhaqan iyo afba taqaan si danaha la kala leeyahay loo kala fushado. Dabcan way jiraan wax badan oo lawadaagaana.

Haddii aan u soo noqdo hadafka aan qormada ka leeyahay, muqaawamada Soomaaliyeed maanta waxay gacanta ku haysaa laba nin oo faransiis ah oo waliba marka ay ugu yartahay gacan siinayey nidaamkan dagaalku kala dhexeeyo.

Waxaa lagama maarmaan ah marka si fursaddan looga faa’ideysto in ay jirto wuxuun aqoon ah oo aynu bulshadan u leenahay iyo waxyaalaha aynu ka filan karno shar iyo khayrba.

Gor-gortanka aynu la galaynaa nooca uu noqonayo iyo maxsuulku inta uu le ekaan doonoba waaxaa uu u khuduucayaa oo in la inaga helo ay daruuri tahay arrimo dhowr ah.

Sabar/adkaysi iyo dulqaad, deganaansho iyo de-degsiiyo la’aan
Kalsooni iyo fahamka duruufaha inagu xeeran
Aqoonbulshadan wax ina dhex yaallaan aan u leenahay.
Iyo hadaf cad oo inoo qeexan oo aan ka leenahay haysashada nimakna.
Xitaa waa in ay isweydiiyaan nolosha xabaasha kay ku qiimo gooyaan.
Ugu dambeyntana tanaasul la’aan
In lagaa ogaan meesha aad wax ku haysato.

Maka 1ad adkaysiga iyo deganaanshuhu waxay inoo saamaxayaan kasbul waqti iyo mar kasta oo waqtigu dheeraadaba dhanka kale dabaciisa iyo khalkhalkiisa ayaa kordhaya, waxaa uuna ka imanayaa cadaadiska ay bulshadoodu saari doonto oo aysan u adkaysan karin sababo damac siyaasadeed iyo sumcad dartood. midna waa in aan xisaabta ku darsannaa iyo waxa ay inaga aamin sanyihiin oo ay ka duulayaan marka inala xiriirayaan waana guud ahaan mid ay ka siman yihiin gaalada reer galbeedku in aynu nahay dad aan kaadsiiyo iyo kas qumman toona lahayn, caadifadda iyo shucuurtuna hagto. Sidaa awgeed bay dhici kartaa in handadaad iyo rajo galin labadaba la isku garab wado si khalkhal iyo deganaansho la’aan la idinku abuuro.

Kalsoonida iyo fahamka druufuhu waxay inagu saacidayaan in aan sandareero iyo ciyi waa ka baryey ku safaadin iyo wax aan qaadasho lahayn. Waxayna ku imana kartaa marka aynaan garanayn miisaanka waxa aynu gacanta ku hayno iyo sida aynu uga mira dhashan karno.

Hadaf qeexan oo buuran waa in laga leeyahay qabsashada iyo haysashada maxaabiistan. Walibana waa inuusan lacag noqon ee uu noqdaa ugu yaraa laba arrimood agab/qalab millatari oo baahi weyn loo qabo iyo in ay faraha kala baxaan arrimaha soomaaliya. Haddii hadafku aanu sugnayn oo uu kugu soo boodey ka dhasho waa ayaan darro, ceeb mooyee calafna lagama qaado.

Arrimahaas waa in loo saaraa guddi u gaar ah wax walbaana u dhan yihiin. wax tanaazul ahna haba yaraatee laga samayn, waqtigana aan dan loo galin oo aan loo qaadan in waqtigu dheeraaday. waana in laga fogaado in maxkamad lagula deg-dego oo cadaadis bilaa micnaa la isa saaro. Waqti halla iibsado, oo yaamba la helin durba cid lala xiriiro. xad gudubna halla iska jiro iyo waxaan Alle bannayn.

Intaa waxaa dheer in loo tabaabushaysto oo dagaal loo toog hayo (aswa’ul ixtimaalaat).

WabiLlaahi attawfiiq.

Qore.

AbuGaaloEri

abduulkaariim67@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.