Burburkii Qaran ilaa Qoys: Qaybta1-aad
“Berigii hore dhibtu soomaalida dhexdheeda ayey ka iman jirtay,waxayna isku dili jireen wax iayaga dhex maray,laakiin maanta arimuhu meelo Soomaalida ka fog ayey ka imanayaan”
Waa qoraalo taxana ah oo aan ka soo qaatay Buug aan xilligan qoraalkiisa wado lana magac baxay “Burburkii Qoys ilaa Qaran. Waa qoraalo aan ku eegayo sababihii keenay burburkii ka dhacay Soomaaliya kaas oo ilaa maanta socda.
Burburka ka dhacay Soomaaliya waa mid ka soo bilowday Qarankii wuxuuna hoos u daadegay ilaa qoyskii,waxaa burburay dhamaanba qaabkii dhisme ee bulshada,waxaa burbur baaxad weyne soo gaadhay dhaqankii ,siyaasadii iyo dhaqaalihiiba,waxaa iyana meeshaba ka baxay waxay la odhan jiray dantii guud iyo dareenkii dadnimo.
Inta aan qoraaladan wado waxaan si kooban idiin fahansiin doonaa erayada ay ka mid tihiin Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga-Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qoriga-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan.
Ma jirto cid garanaysa burburka ka dhacayey Soomaaliya 19 kii sano ee ugu dambeeyey inta uu baaxad leeg yahay,lama garanayo inta uu leeg yahay qasaaraha naf iyo maalba leh ee dhacay 19 sanadood ugu dambayeey.Ma jirto cid garanaysa xilliga uu dhamaan doono burburkaa ilaa maanta socdaa,kaas oo la odhan karo xilligan wuxuu galay weji cusub oo kii hore ka dhib badan,ka qasaare badan,weliba ma jirto cid garanaysa ujeeda uu leeyhay kan hadda soconayaa.
Soomalida badan keedu waxay isku raacsan yihiin in dagaalkaa 19 sanadood ka soconayey Soomaaliya in uu salka ku hayo “XUKUN DOON”,jidkii la doonaba ha loo mare, waxaa jira dad aan sidaa u badnen oo rumaysan in arinku aanu ku koobneyn oo keliya xukun doon balse uu ka qoto dheer yahay.Dadka qaar ayaa iyana rumaysan in burburka ka socda Soomaaliya uu salka ku hayo fara gelin shisheeye, waa laga yabaa in ay sax tahay,waana wax dhici kara in haddii Soomaalida laysu daayo in ay is afgaran lahaayeen.
Dadka qaarna waxa Soomaaliya ka socda waxay ku macneeyeen abaal marinta ,dunuub ay hore ummadda Soomaaliyeed u gashay,balse aad moodo in cida dunuubtaa gashay qaarba si u macneynayaan.Dadka qaarna waxay rumaysan yihiin in burburka jiraa uu salka ku hayo Qabiil iyo Qabyaalada, dadka sidaa u fekeraya waxaan xasuusinayaa in weligeedba ay Soomaalidu u dagaalami jirtay qabiil balse waxa hadda socdaa way ka baaxad weyn yihiin Qabiil iyo Qabyaaladba.
Dadka qaarna waxay rumaysan yihiin,sidan ay dani ugu jirto oo ay ku helayaan hanti iyo xoolo fara badan,waxaana u badan dadka loo yaqaan ganacsatada.Dadka qaarkoodna markay meel ay u qaadaan garan waayeen sida wax u socdaan,afka ayuunbay gacanta saareen, oo waxay miciin moodeen aamus.Dadka qaarkoodna waxay ka badin waayeen in sheegaan sida wax u gaadheen iyo sida dadka rayidka ah wax u gaadheen,hadalkoodana waxay ku soo koobaan xabada joojiya.
Dadka qaarkoodna waxay miciin moodeen in ay shiriyaan Beelo,hadaladoodana waxaa ka mid ah haddii aanu nahay odayada beesha reer hebel,balse waxaan jirin wax ay qaban karaanba. Dadka qaarna waxay hadda isweydiiyaan suaasha ah waar yaa na dilaya?,taas oo aan filayo in loo baahnaa in mar hore lays waydiiyo.Dadka qaarkoodna waxay taageero hagar la,aan ah la garab taagan yihiin Kooxo iyo shaqsiyaad aanay xataa fahan sanayn waxa ay aaminsan yihiin iyo waxa ay doonayaan midna.
Dadka inta soo hadhayna waxay taladoodu noqotay FADHI KU DIRIR,suaasha keliya ee ay isweydiiyaana waa “maxaad wax war ah haysaa?”,marka qaarkoodna hadalka ayaaba ka duula oo waxaaba laga yaabaa in ay ku dagaalamaan suaashii ay isweydiiyeen.
Mudadii 19-ka sano ahayd ,waxaan moodayey in waxa keliya ee u badbaaday Soomalida ay DIINTA ahayd,laakiin xilligan aynu hadda ku jirno waxaa soo if baxaya burbur ku soo wajahan DIINTA oo ahayd halkii keliya ee aan islahaa waa inoo badbaadaysaa, haddii aan loo wada gurman-na waxaan filayaa in halkaa ay ka soo socdaan HALAAG aan hore noociisu u soo marin ummadda Soomaliyeed,waa waajib cid kastaba saran.Hadal iyo dhamaan burburka ku dhacay Soomaalida way ka siman tahay gudaha iyo mid dibad joogaaba way balaadhan tahay,layskuma raacsana sida ay wax u jiraan,lamana doonaayo in si loo wada xaliyo ee aynu eegno halka ay ku dambayso.
Eeg erayadan waxaa tiriyey Cabdillahi Suldaan Timo Cade 1967.
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
la soco qaybta 2aad oo aan u bixiyey soomaalidu sidii ay ahaan jirtay iyo sida ay maanta tahay—
F.G. markasta waxaan marti idiinka ahay wixii talo,tusaalle iyo taakulaynba ah.
Mahadsanidin
Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.