Home » Maqaallo »

Waxaan ka mid ahaa Dadkii soo raacay Jubba airways

Fahmo Axmed ” aniga waxaan ka mid ahaa Dadkii Samarka soo raacay Shirkada Jubba Airways una soo Nasho Tagay Magaalada Hargaysa, waana Diyaarad la’amaanay oo aan dhihi karo waa Diyaarad Jirta…..
 
Waxaa inoo Suurto gashay in aan  kula Kulano City Center Hotel oo ka mid ah Hotelada ku yaala Magaalada Hargaysa Fahmo Axmed  oo ka timid Dalka Ingiriiska haatana ku sugan Magaalada Hargaysa kana mid ahayd Dadkii soo gaaray Xiliga samarka Caasimada Hargaysa ee Somali-land.
 
Fahmo Axmed waxaan wax ka waydiinay dalka ay ka timid Diyaarada ay soo Raacday iyo hab dhaqanka Soomaalida ee Magaalada London gaar ahaan Dalka Ingiriiska.
 
” Fahmo Axmed Walaaloow waxaan soo Raacay Diyaarada Jubba Airways oo ka mid ah Diyaaradaha ugu Fiican sida Daallo Airlines iyo ayada waana Diyaarada 99% ay soo raacaan dadka Yurub ka imaado waxaan Ula Jeedaa Jubba iyo Daallo.
 
” Jubba waxaan soo Bokin garestay in aan joogo ilaa Horaanta Bisha soo socota Jubba  ayaan ku laabanaya Haduu alle idmo.
 
waxaan waydiiyay Su’aal ahayd in ay Jubba laga dayrinayo Diyaarad ahaan oo mid ka mid ah Web- Soomaalida  uu Qoray in ay Bur bur ku sigatay shalay, mar ay ka soo Duulaysay Muqdisho.
 
” waxaas waxba kama jiraan waana Wax Macruuf ah in ay Jubba tahay ama ka mid tahay Diyaaradaha iskaga Goosho Afrika, Carabta, iyo wadamo kale kuwa ugu Fiican ay ku jirto, waxayna sii Raacisay in waxaas aysan ahayn wax ku Cusub Qoraalada Web- Soomaalida oo qofkii ay ka waayaan Jiscin ama waxa ay rabaan in ay ku sheegaan Argagixiso iyo waxyaabo la mid ah si ay Sumcada uga Dilaan waxaana leeyahay ka waan tooba oo ha ogaadaan in Aysan Soomaaliya ama Somali-land aysan joogin waxa ay Qorayaana lagala Xisaabtamayo, Gooray ahaataba.
 
” Waxaan Dhihi karaa Waa Dacaayad oo Dacaayadu waa Dagaalka Barkiisa ayay Soomaalidu ku maah Maahdaa Jubba ayaa qaada Hub ama dhinacyada Dagaalamaya u kala shaqaysa waa wax aan Caqliga Galaynin’ bal ka waran hadaan ku iraah Soomaaliya 30- Cisho ayay Nabad ku Noqonaysaa oo Dowlad la isku raaco ka dhalan Doontaa taasi ma iga aqnali kartaa Walaaloow.
 
” Habaryar Kuwaasi waxaan leeyahay ishii  Bugtaay ku Bidhaanso Jubba hadaad Dacaayad Qori lahayd iyo hadii kale Jubba waaay Tagtay.
 
“ Dalka aan Daganahay ee ingiriiska Walaahi Hada sidii Hore uma Buurno Noloshiisa, maxaa yeelay Dadkii dhamaa ayaa yimid shaqo la’aan Guryihii oo and helaynin Sharcigii oo aanba Hadalkiisa la haynin in aan helayso iyo in kale” marka hada sidii hore maahan ayaan ku leeyahay habaryar.
 
“ Aad ayaan uga Xumahay kuwa isku shubaya bada una cararaya wadan aan ognahay Hada dadka waxaan leeyahay Yurub sidii hore maahan illaah wadankeena Nabad ha Nooga Dhigo” ayay Tiri Fahmo axmed oo ay ka muuqanaysay Muruga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee badaha ku Wax yeelooba.
 
La soco Qeybtii labaad Waraysigaan oo aad u Xiiso badan. Maalmaha soo socda.
 
 
W/W/Cabdixakiin Cilmi Xasan:
Cabdixakiin44@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.