Home » Warar »

Saraakiisha Faransiiska iyo Magaalada Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan Saraakiil u dhalatay wadanka Faransiiska sida ay noo xaqiijiyeen xubno si aad ah ugu dhow Dowladda Federaalka kuwaas oo haatan marti u ah Dowladda ku meel gaarka ah, waxaana la sheegay inay dowladda kala hadlayaan afduubkii dhawaan loo gaystay labo Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Nabadsugida ee dalka Faransiiska 14-kii bishan lagala baxay Hoteelka Saxafi ee Magaalad Muqdisho, waxaana la sheegay in kulamo albababadu u xiranaayeen la yeesheen Saraakiisha Amniga ee Dowladda Ku Meel Gaarka ah, sidoo kale waxay kullamo la yeesheen madaxda sare ee Dowladda oo ay isla soo qaadeen sida ugu haboon ee lagu soo deyn karo labadaasi Sarkaal ee u dhashay Faransiiska.

Saraakiishaan ayaa waxaa la soo tusay Dekedda, Garoonka Diyaaradaha iyo halka ay isku hor fadhiyaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Mucaaradka ah ee Magaalad Muqdisho, waxaana la sheegay in ay soo qiimeeyeen xaaladda goobahaasi, sidoo kale Dowladda ayaa waxay hordhigtay sida ugu haboon ee dib loogu habeyn karo ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo iyagu dagaalada kala soo horjeeda kuwa Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah.

Saraakiishaan ka socota dalka Faransiiska waxaa loo xaqiijiyey in labada sarkaal ee lagu haysto Magaalad Muqdisho ay kala haystaan Xisbul Islaam iyo Alshabaab, iyadoo sidoo kale lagu waramay in Saraakiishaan ay daneynayaan in ay xiriir toos ah la yeeshaan guddoomiyaha Xisbul Islaam si uu u furdaamiyo in ay soo daayaan midka ay gacanta ku hayaan.

W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 28, 2009

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.