Home » Warar »

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka KMG ah Oo Kulan Ku Yeelan Lahaa Muqdisho Oo Ay Hor Istaageen Ciidamada…

Ciidamada sirdoonka dowlada KMG ah ayaa Arbacadii hor istaagay kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen qaar ka tirsan xildhibaanada KMG ah ee soomaaliya kuwaasoo saluugsan Xukuumada KMG ah wax qabadkeeda .
 
Labaatan iyo Shan xildhibaan (25) oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka KMG ah ee Soomaaliya oo doonayay in ay kulan ku yeeshaan Hotel Ambasadoor ee Magaalada Muqdisho islamrkaana ay kaga hadlaan sida ay u dhaliilsan yihiin waxqabadka xukuumada Intii ay jirtay ayaa waxaa si bareer ah u hor istaagay Ciidamo wata gawaarida gaashaaman oo kamid ah ciidamada Sirdoonka dowlada KMG ah iyagoo halkaasi ku kala kexeeyey xildhibaanadii kulanka doonayey inay yeeshaan .
 
Sidoo kale kale Xildhibaan Max’ed Sheekh Cali Axmed oo ka tirsanaa xildhibaanadii loo diidey inay shir ku yeeshaan Hotelka ambassador ayaa saxaafada la hadlay goor dambe oo ay ku kala carareen Goobtaasi sheegay inay ciidamada Sirdoonka dowlada KMG ahi kula kaceen waxaan u qalmin islamarkaana ay caburinayso oo afka qabanayso xukuumada KMG ahi


Waxaa uu sidoo kale ku eedeeyay xildhibaankani xukuumada KMG ah inay hanjabaadyo iyo Caga jugleyn ku hayso Barlamanka KMG gaar ahaan kuwa diidan sida wax u socdaan islamarkaana aysan ogoleyn in magaalada Muqdisho ay kulamo ku yeeshaan.
 
Si kastaba ha ahaatee Xildhibaanada Kulanku maanta ka Dhicisoobay ayaa weli aan ka Harin kulankooda ay ku dhaliilayaan Xukuumada KMG ah islamrkaana sheegay inay maalinta Beri ah Dib u qabsan doonaan Kulamo kale oo ay kaga wada hadlayaan Dhaliisha ay u hayaan Xukuumada KMG ah
 
 
Kulan Ay Isugu Yimaadeen Guud Ahaan Dariiqooyinka Suufiyada Ee Maamulka Ehlu suna Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
 
Kulan balaraan oo ay isugu yimaadeen Dariiqooyinka Suufiyada ee Hoos taga maamulka Ehlu Suna waljameeca ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kulankaas oo lagaga arinayey Sidii dagaal ka dhan ah Xarakada mujaahidiinta alshabaab loogu midoobi lahaa .
 
kulankan oo uu saxaafada Uga warbixiyey Sh,C/qaadir cali xaashi ayaa sheegay inay dariiqada Suufiyada meel kasta oo ay joogto ay diyaar u tahay dagaal ka dhan ah xoogaga islaamiyiinta islamrkaana ay ku bahoobeen maamulka ehlu suna ee gacanta ku haya Gobolada dhexe .
 
Sidoo kale sh,C/qaadir cali xaashi ayaa intaasi ku daray inay dariiqooyinka ay ka kooban yihiin ay kala yihiin dhamaan Qaadiriyada iyo axmediyada oo ay ku midaysan yihiin guud ahaan dariiqada suufiyada ee dalka soomaaliya oo dhan islamrkaana sheegay inay kulankooda kaga arinsayeen sidii ay dagaalka ay kula jiraan Xoogaga islaamiyiinta ay u xoojin lahaayeen .


 
Dhinaca kale Dhinaca dowlada KMG ah ayaa arintaasi waxaa uga qayb galay xildhibaano iyo weliba Dublamasiyiin sar sare oo ka xoojinayey dhinaca afkaarta siyaasadeed ee ay ku bahoobeen dowlada KMG ah iyo maamulka ehlu suna .
 
 
Xildhibaan Cabdi Nuur Oo Sheegay Inay Dowlada KMG iyo Maamulka Ehlu Sunna Qaadi Doonaan Dhowaan Dagaal Ay Ku Doonayaan Guud ahaan Muqdisho
 
Xidlhibaan Cabdi nuur oo maanta ka qayb galay Kulan ay isugu Yimaadeen dariiqooyinka Suufiyada ee soomaaliya ee ku Midoobay maamulka ehlu suna ayaa shaaca ka qaaday inay dowlada FKMG ah iyo maamulka ehlu usna iska kaashan doonaan sidii ay dagaal Ugu qaadi lahaayeen Xoogaga islaamiyiinta ee ku sugan dalka soomaaliya .


 
Xidhibaanka oo saxaafada la hadlay kulanka kadib ayaa shaaca ka qaaday inay kulankooda kaga arinsayeen sidii ay u midayn lahaayeen dhamaan dariiqooyinka islamrkaana iskaga kaashan lahaayeen dagaala ay kula jiraan xoogaga islaamiyiinta ee dowlada Kasoo horjeeda .
 
sidoo kale xidlhibaan cabdi nuur ayaa intaasi ku daray inay ka go,an tahay inay maalmaha soo socda gacanta ku dhigi doonaan guud ahaan magaalada caasimada ah ee muqdisho waa siduu hadalka u dhigaye isagoo farta ku fiiqay inay iyaga iyo dariiyinka qabuurahoodii la bur buriyey ay dagaalka iska kaashan doonaan .
 
si kastaba ha ahaatee hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xili ay dariiqooyinka suufiyada ee ku midoobay maamulka ehlu suna ay kusoo quol qulayaan wakiilo ka socdaa magaalada muqdisho.

faytin yaasiin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.