Home » Warar »

Minneaplis: Ururka United Somali Diaspora oo Caddeeyey Mowqifkooda in aysan taageersanayn Sheikh Shariif, soona dhaweynayn…

Minneaplis: Ururka United Somali Diaspora oo Sheegay in aysan Taageersanayn , kuna soo dhaweynayn Minneapolis….

wardhe3Ururka Qurba Joogga Soomaaliyeed ee United Somali Diaspora (USD) oo ka jira Minneapolis, kana mid ahaa ururadii sida weyn uga soo horjeedey ciidamadii Ethiopia ee xadgudubyada ka geystey Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, isla markaana xubno ururkaas ka mid ah ay u safreen Casmara xilli adduunku geeska ku riixayey kooxdii Shariifku ka mid ahaa, isla markaasna shir aad u ballaaran kooxdii Casmara ugu Qabtay Xarunta Minneapolis Convension Center, ayaa hadda waxay caddeeyeen mowqifkooda ku aadan Sheikh Shariif, oo ay sheegeen in aysan taageersanayn, oo aysan hadda jirin sabab ay kusoo dhaweeyaan Sh. Shariif.

United Somali Diaspora waxay sheegeen in aysan taageersanayn shakhsi, “waxaan taageersanahay waa mabda’ iyo nidaam”. Waxayna si cad shaaca uga qaadeen “Waxaan u sheegeynaa waxa ay wadaan isaga (Sheikh Shariif) iyo team-kiisa in aan wax dan Soomaaliyeed ay ku jirin.”

Maxamed Wardheere oo ka mid ah USD oo October 2, 2009 waraysi siiyey Telefishanka Somali Media ayaa sheegay xukuumadda Shariif in aysan waxba soo kordhin, sidii kuwii ka horeeyey, waxa keliya oo ay sameeyeen ay yihiin safarada ay adduunka ku aadaan.

Wardheere waxa uu sheegay Mowqifka hadda ee United Somali Diaspora oo dawladii hore mucaaradka ku ahaa, kuna diidanaa waxbadan “Dawladii hore iyo tan anaga waxba isuma kaaya dhaamaan.” Waxana uu xusay dawladdan in aysan keenin nabad oo ay Xamar kasii dartay, waxyaabaha dawladdani keentay oo aan hore loo aqoonin waxaa ka mid ah dadka inta la laayo in aan la sheegin, waagii hore idaacadaha ayaa laga qaylin jirey, hadda maalintii intaas qof ayaa ku dhimanaya oo ay laayaan African Union iyo wax la mid ah, lagamana hadlo.

Wardheere oo hadalkiisii sii watey wax uu yiri “Waxaa intaas sii dheer in dawladdani kusii indha adagtahay in ay baddii saxiixdeen oo Kenya heshiis waad nagu qabsateen (badda) ay tahay.” Kuwii hore Itoobiya ayey keeni jireen, marka kuwani malaha barnaamij cusub ayey la yimaadeen oo ah “bal baddana markan ha lagu dayo.” Isagoo ka hadlaayey xukuumadan cusub  waxa uu yiri “Ma taageersanin”.

“Dadkii taageerayaasheena ahaa, ee United Somali Diaspora wax ka soo dhisay, waxaan u sheegeynaa wax is bedeley oo aan idiin sheegno oo Shariif sheegayo ma jirto,” ayuu yiri.

“Sheikh Shariif wixii lagu aaminay waxay ahaayeen hadalkiisii wanaagsanaa iyo wixii wanaagsanaa ee uu noo sheegi jirey” ayuu yiri, isagoo intaas raaciyey “Waxaan rabnaa in aan u sheegno annagu shakhsi ma taageersanin, waxaan taageersanahay waa mabda’ iyo nidaam. Waxaan u sheegeynaa waxa ay wadaan isaga iyo nimanka team-kiisa ah runtii ma aha wax dan Soomaaliyeed ay ku jirto.”

wardhe3

Mar la weydiiyey talada ay u hayaan Soomaalida, Maxamed Wardheere waxa uu yiri “C/laahi waa tegey, dad ayaa u ololayn jirey oo cirka geyn jirey, Shariifna wuu tegayaa, ee dadkiina dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed mabda’ yeesha, qofku haddii uusan mabda’ lahayn nin walba oo yimaada in uu ku adeegsado ayuu rabaa… waxaa muhiim ah qofka Soomaaliga ah in aad mabda’ ku raacdid.”

“Shariif iyo kooxdiisa cid naga jeclaa ma jirin, ilaa Casmara ayaan soconay, waqtigeena ayaan u hurnay, derbiyada ayaan u istaagnay, sawiradiida isagoo koofiyad qaba ayaan masawirnay, cidi nagama jeclayn, annagii jeclayn ayaan waxaan hadda idiin sheegeynaa war Shariif wixii aan ka rabnay kama hayno, wanaagii shalay uu noo sheegayeyna camalkeedii kama hayno, marka walaalayaalow dadka Soomaaliyeedow, mabda’ yeeshaa, qofka aad taageereysaan mabda’ iyo sharaf ku taageera, waxa uu qabtay ha lagu qiimeeyo qofka, waxa uu xumeeyeyna ha lagu naco, ” ayuu yiri.

Wardheere oo ka hadlayey imaanshaha Sheikh Shariif ee Minneapolis waxa uu yiri “Anagu kuna mudaharaadi meyno, soona dhaweyn meyno.”

Cabdimaalik Askar oo waraysanayey ayaa su’aal ka weydiinayey bannaanbaxyada iyo waxa uu ku talinayo. Wardheere waxa uu ku jawaabay “Meel dimoqraadiyad ah ayaan joognaa, ninkii energy haya waxaan dhehi lahaa haddaad ku bannan bixi karto ku bannaan bax, kii gurigiisa ka joogi kara gurigiisa haka joogo.” Waxana uu intaas raaciyey “Haddaan nahay United Somali Diaspora waxaan ka bannaan baxaynaa idaacadaha.”

wardhe4

Halkan ka daawo Video oo dhamaystiran

ama Hoos ka daawo Youtube Video-ga oo saddex qaybood ah:

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Farsamada TV waxaa u qaabilsanaa Sakariye Xaayow.

Shirkii USD u qabatay Kooxdii Casmara ka eeg halkan https://somalitalk.com/usd/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Minneaplis: Ururka United Somali Diaspora oo Caddeeyey Mowqifkooda in aysan taageersanayn Sheikh Shariif, soona dhaweynayn… "

  1. cabdiqaadir max'ed yusuf says:

    somali oo idil meelkasta oo ay joogto waxaaan idin leenahay nabad kuwaara .
    sxb hadaad tihiin teer qurbo somalitalk waxaan nahay ardada wax kabarata jaamacadaha soomaliyeed waxaan idinkugu talineenaa in aad dajisaan shacuurta daadka qurbaha jooga, waad ogtihiin in aan dulqaad wax kubaraneeno ma’ahan in aad ubada shaan kaliya maslaxadiina maxaa yeelay waxaan maalinkasto kujirnaa dagaal iiyo burbur mana ahan in aad kahor timaadan rali kasta oo la’idin kkeeno waxaan idin leeyahay nabada taageera

  2. Maryan Osman says:

    Taageerayaasha Shariifkow wardhere iyo usd meeqey mucaarad ku ahaayeen Abdulahi Yusuf iyo dawladiisa waxeyna muujiyeen somalinimo iyo cadaalad wardere waran kuma taagna ee tuugadii shaley qabiilka abdulaahi ku nacdey oo maanta shariif qabiil ku taageerey aay waran ku taagan yahay. period

  3. haji says:

    waan idinsalaamay somaali oo odil. somalitalk waxaan idinku talinayaa 20 sano waan ka daalnay mucaarad nimo intaa ayaa inugu filan, walaalayaal aanka shaqayno wanaaga isukeenida umada ee joojiya cadiifada
    aniga waxan ka mid ahay inta manka yar waxaan u qaatay inay cadiifad idin qaaday

  4. cali maxamed says:

    somalitalk aad baan ugu hambalyeenayaa sida wanaagsan ee warxinada iyo fariimaha soomaalinimada ah ugu soo gudbiso umada soomaaliyeed .
    shariif wax uu qabtay garanmaayo oo aan ka ahayn in uu dalka itoobiya soo galiyay qaasatan hiiraan iyo gado oo ay maalin kasta soo gasho mid ka midaa isaga iyo dowladiisana kama hadlaan ,mar ay ciidanmada itoobiya soo galeen baladweyne mid kamidaa wasiiradiisa oo waliba shariifka aad isu dhow yihiin wuxuu yiri waxaa soo galnaynay magaalada anga &saaxiibadaya oo na caawinaya goormaan itoobiya saaxiibo noqonay shalayna cadowgayaga itoobiya maantana saaxiibadaya (soomaalida halbaan leeyahay waxaa halkaa ina dhigay qabiil aan ka tagno saa wax ina tari maayee hadii kale aan sidaas isaga daba wareegno) waxaan fariintaydaan ku soo gudbinayaa murtidii abwaan timacade allaha unaxariistee dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
    shariif iyo maxay ku kala duwan yihiin fariintaan waxay toos ugu socotaa kuwa shariif sacabka ugaraacayo

  5. salaam says:

    Wardheere waa nin shaqeeyay una shaqeynayay inuu jaga ka qabto dowlada dhalan doonta markii c/laahi yuusuf meesha ka baxo balse nasiib daro ma dhicin inuu jago qabto, taasina waxay ku kaliftay isaga iyo rag badan oo wadaado sheeganaya sida Xasan Daahir in mucaaradada mesheeda ka sii wadaan madamada ay jago ka wayeen dowlada shariif madaxda ka yahay marka wardheere waxaan leenahay wax isula har oo waxa aad sheegtaahi waxay kugu noqon doonaan waran kugu taagane ka joog tusaale waxaa kuugu filan ninkii Xasan Daahir ahaa oo lahaa shariif waa murdad oo diinta ayuu ka leexday maanta waa kaas kismaanyo xabada looga soo saaray isagaoo murdad lagu shegayo isagiina ciidamada aruurinaya inksatoo ay adagtay waxa uu ku qancin lahaa ragaas oo debka ku shubayo oo lagala hormaray waa murdad KKKKKKKKKK

  6. mohamed y says:

    salaanta islamka ka dib.

    Aanagu waxaan tageersan nahay in shiraarkii dib uu uheshisiinta goaamadoodi la fuleyo,ka sokoow qofka hogaymiyaha ah,waa banaantahay in qofkaas lala xisaabtamo,balse,in qori lagaga hortago,waa iyaado bulshada la babinayo,ee cid hogaanka diidsan-siyasad ahaan hawga hortagto,balse,qoriga ha dhigto.

  7. nuun says:

    Mabda’ yaan leheyn ma midka taageersan shariif, mise midka markii wixii uu rabay shaqsiyan ka waayey, ku xanaaqsan.
    Mabda’a uu sheegayo maa sheego wuxuu yahay. mabda’ aan la sheegi karin oo qarsoon mabda’ maahan.

  8. Jamal Ali says:

    Alloow Alle..Qurbi dhibkiisa araganay ee wadanke maxaa u diiday inuu xal yeesho…Alloow na ilaali cidlaan joognaaye..ya rabi

  9. Hussein says:

    Principled individuals very rare in soomaalia. Aad baan ugu qancay ma’abidiina iyo positionkiina. Allah idin guuleeysiiyo

  10. Ahemd Ali says:

    Wardere waa aan ku raacsanahay warkaaguna aad ayuu inoo qanciyay
    guuleysta