Home » Siyaasad »

AMISOM manabad ilaaliyaal baa mase waa ciidan xasuuq?

Mahad oo dhan ilaahay bay u sugnaatay nabad galyo iyo naxariis nabigeenii korkiisa ha ahaato.

Maxay yihiin ciidamada AMISOM?

Ciidamada AMISOM waa ciidan African ah inta badana ka yimid wadanka UGANDA oo ah wadanka ugu AIDSKa badan Africa marka laga reebo dhowr wadan oo kamid ah Africa waxaana madaxweyne ka ah musafeni oo ah nin diinka christianka aad ugu adadag islaamkana aad u neceb iyo wadanka Burundi oo mudo dhibaatooyin badan kasoo jireen, labadan wadan waxay kamid yihiin wadamada Africa ugu faqiirsan, ciidaman AMISOM waxay isugu jiraan sida lasheegey ciidamo nidaami ah oo tiro yar iyo kuwa kazoo qayb qaatay dhibaatooyinkii kajiri jiray wadamadaas oo lagu yaqaano dil dhac iyo kufsi intooda badana waxay qabaan cudurka dilaaga ah ee Aidska waxayna kamid noqdeen ciidamada dowlada islaamiga ah ee Somalia ee shariif uu madaxda u yahay

Yaa soo diray?

Markii maxaakimta wadanka intiisa badan qabsadeen oo nabad iyo kala danbeyn lahelay ayay bilaabatay dalbashada ciidamadan calooshood u shaqaystaalka ah ee AMISOM taas oo ay horboodaysay dowlada Ethiopia oo markaas taageereysay kooxdii cabdulaahi yuusuf uu madaxda u ahaa, markii Ethiopia qabsatay Somalia oo ay faraha uga gubatay ayay waxay u qaylo dhaansatay midowga Africa oo xaruntiisu tahay Addis ababa waxaa loo aanaynayaa in maraykanku uu ku qasbayay Ethiopia in ciidamadaas Somalia la geeynayo ay ka dhaadhiciso wadamada africanka ah, dhaqaalaha ku baxayana uu maraykanku damaanad qaado, wadamo badan ayaa ka gows adeygay inay Somalia ciidamo u diraan balse labaas wadan ayaa ku soo dhiiraday waxayna ku imaadeen dalab Ethiopia iyo maraykanka kayimid iyo dhaqaale reer galbeedka ay bixinayeen, dhaqaalaha Somalia soo gali lahaa intooda badan wuxuu ku baxaa AMISOM, ciidamadaas waxaa soo tababaray askar maraykanka ah waxaana lagu soo taba baray ladagaalanka dadka muslimka ah iyo sida loo gumaado shacabka,

Aflagaadadii madaxweynaha Uganda uu u gaystay gabdhaha somaliyed waxay ahayd mid aad loola yaabo kadib markii uu kula dardaarmay ciidamadiisa in gabadhaha somaliyed ay yihiin kuwa Aids qaba sidaa daraadeedna ay iska ilaaliyaan gabdhaha somaliyed taasoo loo fasirtay fasax ah inay Aidska faafiyaan.

Hadafka laga leeyahay

Hadafka muuqda ee ciidamadaas waa ilaalinta DKM ee Somalia taas ayayna dad badan aaminsanyihiin, laakin hadafka cad ee qarsoon wuxuu yahay inay ka hortagaan in dadka somaliyed ay is maamulaan waxna qabsadaan waxayna u yimaadeen in dadkaas muslimka ah lasii curyaamiyo si dhibaatada usii socoto dadkuna uga haajiro dhulkooda, taasna waxaan tusaale ugu soo qaadanayaa dadka garaadka yar ee nabad ilaaliyaal u aaminsan calooshood u shaqaystaalkaas in Somalia mudadii ay dagaalada qabaliga kasocdeen aysan xataa lamaqal wax ciidan iyo nabad midna ka hadlaya markii shacabku isku tashadayna ciidamadan ay wadanka yimaadeen waxaan kusookoobayaa hadafka ciidankan loo keeney Somalia:

1. ilaalinta dhibaatada hada jirta si ay usii socoto
2. kahortagida dowlad islaami ah oo somaliyed oo awood leh
3. ilaalinta kooxda dhiigyacabka ah ee gaalada uga wakiilka ah Somalia
4. baabi’inta ilaha dhaqaalaha ee shacabka ku noolyahay
5. faafinta cudurka dilaaga ah ee AIDSKA si shacabka somaliyed mustaqbalka u dabar go’o,

Intaas waxaa sii dheer Wasiirka gaashaandhiga ee Uganda ayaa mar uu kahadlayay salaaxiyaadka lasiiyey ciidamada AMISOM ee Somalia jooga wuxuu sheegey in ciidamadiisu ay meel kasta ku weerari doonaan kooxaha kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada africanka ah ee Somalia, goorma ayayse Somalia kamid noqotay dhulka UGANDA

Xasuuqii ay geysteen

Xamar waa gurigii umada somaliyed waana caasimadii dalkii hooyo , waxaase yaab leh in somalida ay dhex dhexaad katahay ciidamo laga keeney UGANDA iyo BURUNDI oo difaac kaga jira muqdisho dhexdeeda wadankoodiina uu nabad u yahay iyo caruurteenii oo raba inay iska celiyaan wadankoodiina ay badbaadsadaan

Bal kawaran hadii gurigaada ay ku dagaalamaan waraabe iyo caruurtaada oo ay difaacyo isu xidhaan maxaad samayn lahayd? Malaga yaabaa inaad dhaxdhaxaad aad ka noqotit waraabaha iyo caruurtaada ama aad caruurtaada ku eedeysid inay waraabaha dagaal ku bilaabeen ama ay khawaarij kabaxday amarkii waraabaha noqdeen?.

Waxaa maalinkasta indheheena ku dhacaan dhaawac iyo dhimasho ay geysteen ciidamada AMISOM waxaa intaas sii dheer burburka ay u gaystaan ilaha dhaqaalaha ee maanta shacabka uu ku noolyahay

Xasuuqa ciidamada AMISOM ay ku wadaan shacabka waa mid maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhaya tan iyo markii ay wadanka soo galeen waxay dileen kumanaan shacab ah oo hooyooyin iyo caruur u badan, waxay burburiyeen guryahoodii , waxay boqolaal ruux ku qaadsiiyeen isbitaaladooda AIDS, waxay laayeen xoolohii noolaaa, intii soo hartayna sun ayay ka qaadeen hubka arxandarada ah ee shacabka maalinkasta ay ku garaacaan hadana waxay usocdaan inay barakiciyaan dhulalka nabadoon,

Dadka ku taageersan xasuuqa

Xasuuqa AMISOM ay shacabka u gaysanayso waxaa ku taageersan maraykanka, Africa, jaamacada carabta, dowlada jabuuti,iyo kooxda jabuuti ka timid,

odayaasha isku magacaabay inay matalaan beelaha hawiye iyo culimadii dhaxdhaxaadka isku sheegi jirayna uma muuqdaan waxaas oo xasuuq ah oo shacabka lagu wado ee waxaa u muuqda caruurtaas iska celinayso waraabaha

Side looga adkaan karaa ciidamada AMISOM?

Waxaa looga adkaan karaa in shacabka oo dhan meel uga soo wada jeesto sidii wadanka looga saari lahaana dhamaan looga wada fikiro loona helo hub laisaga celiyo,

waa in somalida ku dhaqaaqdo kacdoon shacab oo looga soo horjeedo xasuuqaas wadankana looga xoraynayo gumaystahaas madow ee soo duulay.

Goormay bixi doonaan ciidamada AMISOM?

Ciidamada AMISOM bixitaankooda wuxuu ku xiranyahay in loo awood sheegto sikale kuma baxayaan, shariifna ma saari karo oo nin baa meesha ku biisha hadafkuu leeyahayna fari kama qodna, waxaana loo sii diyaarinayaa sidii ay u ilaalin lahaayeen madaxweynaha maqaar saarka ah ee shariif lagu badali doono marka xiligiisa dhamaado.

Wabillaahi toqfiiq

Qore: cumar maxmud

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.