Home » Warar »

Webiga Dhexmara Magaaladda Beled weyne oo Marti u noqdey Meydadka dadkii ku Noolaa Magaaladaas

Iyadoo dhawaan Magaaladda Beledweyne ay soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u badan nkuwaas oo la sheegey in ay Gacan siinayeen Ciidamo ka tirsan Dooxada Shabeele ka dib markii ay halkaa ka saareen Ciidamaddii Xarakadda Alshabaab ayaa wararka ka imaanaya Mgaaladaas waxay sheegayaan in Magaaladda Dadkii degenaa ay soo wajahdey Cabsi iyo argagax tii ugu weyneyd ka dib markii maalin weliba magaaladaas ay ku dhimanayaan dad rayid ah oo aan waxba Galabsan.

Magaaladda Beledweyne oo u dhow Soohdinta Dowlada Itoobiya ay la leedahay Soomaaliya ayaa wararkii ugu Dambeeyey ee ka imaanaya Magaaladaas waxay sheegayaan in webiga dhexmara Xaafadaha Magaaladaas uu qashin qub u noqdey Meydadka dadka ku nool Mgaaladaas ka dib marka ay Ciidamada Itoobiya Dilaan ayey hadana Webiga ku ridayaan waxaana maalin weliba webiga laga soo saaraa ilaa shan qof oo u badan dhalinyaro.

Dhacdadii uguXanuunka Badneyd waxay ahayd markii Webiga laga heley dad muddo la weysanaa kuwaas oo Jirkoodu doorsoomey islamarkaana qaar ka mid ah la garan waayey waxayna dadka deegaan maalmahaan ku mashquulsanyeen Aasida Meydadka laga heleyo webiga Beled weyne.

Cali Jimcaale wuxuu ka mid yahay dadka Muddo ku noolaa mar uu u waramayey warbaahinta ayaa Yiri “Dadka reer Hiiraan Balaayo ayey wacdeen maanta ayeye hayaan Balaayadaas waayo markii hore Nimco ayey ku jireen maanta waxay marti dadkooda u noqdeen in meydadkooda laga soo saaro webiga shabeelle marka laba mid ayaa u banaan dadka ku nool Magaalada in ay magaaladda isaga Barakacaan ama ay la dagaalaman maanta dadka reer Beled weyne waxay ku nool yihiin nolol Tii ugu Xumeyd ee ay abid arkaan “ wuxuu sii raaciyey.

“Aniga waxaan jiraa lixdan sanno waxaa iga Go’aan in aad qaato Qoriga oo aan la dagaalamo Ciidamada Itoobiya waayo maalin weliba ma fiirsan karo Meydad laga soo guryo webiga, sidaa darteed dadkii islahaa Ciidamada Itoobiya dadka wey kala soocayaan waxaa Xaqiiqowdey in Askari Itoobiyaan haddi la dilo uu ugu aarayo Qof Soomaali ah Ciduu doono ha ahaado marka waxaan leeyahay dadka Reer Hiiraan in ay Fadhiga ka kacaan oo ay iska xureyaan Ciidamadda Itoobiya.

Magaaladda Beled weyne waxaa sidoo kale dadka ay ku dhiban yihiin Bandow la saarey 24 Saac oo waxaa lagu waramey in dadka ay heystaan Muddo Sadex Saac ah in ay adeegtaan ka dibna wixii saddexdaas ka dambeeya albaabada ayaa la iskugu dhufasiiyaa Meheradaha Ganacsiga marka waxay dadka ku nool Magaalada ay bilaabeen in ay u cararaan Tuulooyinka ku dhow Magaaladaas si ay uga nabadgalaan Dagaaladda, Qaraxyada iyo dilalka ka socda magaalada sidoo kale Dowl;adda Federaalka weli kama hadlin waxa ka dhacaya Magaaladda Beled weyne iyo Xaaladda ay ku sugan yihiin dadka reer Beledweyne.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Webiga Dhexmara Magaaladda Beled weyne oo Marti u noqdey Meydadka dadkii ku Noolaa Magaaladaas "

  1. basro says:

    salaamu calaykum dhibkaaan alaha idinka saaro aamiiin