Home » Warar »

Gudoonka Baarlamaanka  oo looga digey in uu Farageliyo Go’aankii Maxkamada ka gaartey Sideedii Kursi

Waxaa magaalada Muqdisho kullan ku yeeshay Odayaal, Nabadoono, Boqoro, Salaadiin, Ugaasyo iyo Waxagarad ka soo jeeda sideedii Xildhibaan ee dhawaan Maxamadda Sare go’aan ka gaartay ee ahaa in Kuraastaas dib loogu laabto madaama si cadaalad daro ah ay ku dhacday doorashadooda.

Ugu horeyntii waxaa kullankaasi ka hadlay  Malaaq Ibraahim Macalin Cali, waxa uuna soo dhaweeyey go’aankii Maxkamadda sare ay ku gaartay in dib loogu laabto Kuraastaas, sidoo kale waxa uu ka codsaday Madaxda Qaranka inay dedejiyaan sidii loo gali lahaa doorashada kuraastaas oo uu sheegay in ay diyaariyeen ergadii u codeyn lahayd.

“Waxaan maqalnay in Baarlamaanku uu rabo inuu soo farageliyo go’aanka maxkamadda  sidaasi darteed waxaan uga digeynaa Baarlmaanka in go’aan ay gaartay Maxkamad in aysoo farageliyaan” sidaa waxaa yiri Boqor Herejire oo sheegay inay markaan ay sugayaan sidii lo fulin lahaa go’aankii  uu garosoorku gaaray.

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa ugas Cabdulqaadir Mubaarak oo u soo jeediyey guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari in uusan ku lug yeelan hor-istaaga go’aanka maxkamadda, wuxu intaa sii raaciyey “Gudodomiye Jawaari waa sharci yaqaan og go’aan ay maxmadi gaartay, sidaasi  darteed waxaan ka sugeynaa inuu taageero go’aankaas”

Malaaq Siidow Maadow oo isna ka hadlay kullankaasi waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka in uu gacan weyn ka geysto sidii loo fulin lahaa go’aanadii ay horey u gaareen guddiga khilaafaadka. Madasha iyo kii ugu dambeeyey ay gaartay maxkamadda oo ah go’aankii ugu dambeeyey ee laga gaaray sideedaas kursi.

Boqor Abdullahi Ahmed oo sidoo kale ka hadlay kullankaasi ayaa soo dhaweeyey go’aanka maxkamadda wuxuuna ka dalbaday Dowladda Federaalka in ay si deg deg ah ku fuliso go’aankii ay maxkamaddu ka qaadatay sideedaas kursi oo mudo dheer muran ka taagnaa.

Ugu dambeyn xubnihii ka hadlay kullankaasi lagu taageerayey go’aankii ay maxkamaddu ka gaartay kuraastaas waxaa ka mid ahaa, Nabadoon Cabdinuur Cabdiqaadir iyo Nabadoon Sayid Axmed Ismaaciil, waxayna dhamaantood hoosta ka xariiqeen in la gaaray xiligii ay shaqeyn lahayd cadaaladda, iyagoo ka codsaday madaxda qaranka inay dedejiyaan go’aanka maxkamadda

Amiin yuusuf khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.