Home » Faallo »

Tiirarka ugu waaweyn ee dhismaha dawlada

Nabigeenu markii uu yimid magaalada Madiina dhismaha dawlada wuxuu ku bilaabay dhismaha masjidka oo calaamad u ahaa xiriirka ummaddu la leedahay Rabbigeed.

Tillaabada labaad wuxuu ka dhigay walaalaynta asxaabta oo calaamad u ahayd xiriirkaqotada dheer ee ka dhexeeya muslimiinta.

Culimadu waxay yiraahdeen markii uu adkeeyey xiriirkii ummaddu la lahayd Rabbigeed ayuu adkeeyay xiriirkii ummaddiisa ka dhexeeyey, waana macnaha aayada ” Xarigga Ilaahay si wadajir ah u qabsada”.

Tillaabada seddexaad wuxuu ka dhigay inuu jideeyo distuurkii ay ku wada dhaqmi lahaayeen muslimiintu, dadyowga kalena ay kula dhaqmi lahaayeen.

Distuurkaas wuxuu dhidibada u aasay heshiiskii ay ku wada noolaan lahaayeen muslimiinta iyo qabiilooyinkii Yuhuudeed ee reer Madiina iyo habkii ay u wada macaamili lahaayeen.

Madaxda soomaalidu inta badan iyaga oo aan waxba ka qaban xiriirkii u dhexeeyey ummaddaan iyo Rabbigeed, isla mar ahaantaasna aan u dhaqaaqin walaalaynta iyo xoojinta xiriirka dadkooda ka dhexeeya ayay ku mashquulaan raadinta xiriirka dawladaha iyo ummadaha kale, taasna waxaa ka dhasha fashal degdeg ah; waayo dawlad aan Alle lajirin, dadkeeduna la safnayn shisheeye wax uma qaban karo.

Tan kale dawladaha iyo ummadaha kale ee lala macaamilayo waxay mar walba kugu qiimaynayaan awooddaada gudaha iyo isku xirnaanta dadkaaga ka dhexaysa iyo midda ka dhaxaysa dowladda iyo dadkeeda.

Sh. Axmed Cabdisamad

alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.