Home » Faallo, Maqaallo »

Isbadal iyo Rajo Soomaaliyeed

                                   Maqaalo taxane ah oo ku saabsan talooyin xukuumadda soomalia

Qeybtii Koowaad

 Waxaa Soomaalidu ku taahaysay ama Ilahay ka baryeysay ISBADAL khayr qaba muddo dheer. Hadaba waxaa xildhibaanadii Soomalida oo loo bixiyeye Xildhibaanada ISBADAL-DOONKA ah waxay uga jawaabeen rajadaas in ay doortaann Madaxweyna Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ballan qaadiyey ololihii doorshadiisa in uu ISBADAL-DOON yahay, sidaasna xildhibaanadii ku doorteen ayada oo xildhibaanadu ka hormariye dhismaha qarnimada Soomalida middii dowladaha dersikaahu kula dhaqmayeen muddo ka badan 26 sano.

Guusha u weyna oo Soomalidu maantay hanatay waxaa ugu weyn aydaa oo dowladda Ethiopia Dhabarka loojeediyey lana tusay in sheekadii yeerintu dhamaatay laga bilaabo Diidmadii Cabdirashiid Maxamed Xidig, Farax Cabdulqaadir, Cabdikarim Guuled iyo codsigii ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn Boshe oo si cad u sheegay in uu doonayo Madaxweyne Xassan in marlabaad loo doorto hogaanka Soomaliya asaga oo ku caddeye hadalkiisa in uusan Somaliya iyo Somailand midna jiho u bixineyn si aan ugu kacno meeshaan fadhino (ka dhegeyso aminarts.com C/salam Harari oo wareysanya). Ethiopia waxay dooneysaa in ay sidaas aan naha nagu haysu illa aan Sargaal Ethiopian ah Gudoomiyaha loo doorto Gobolada Banaadir iyo kan Maroodi-Jeex.

Waxaa shaki la’aan ah rajada soo noqotay in ka bilaabatay maantay Galkacyo oo qoqobkii siyaasiintu dhaxa dhidtay dadweynihii walaalaha ahaa ay iska qaadeen tass oo muujineysa in ay bilaabatay in aan iska-qaadayno reeryadii nasaarneyd mudada dheer.

Hadab hawl culus ayaa Madaxweyne Farmaajo sugeysa oo ay ugu horreysu dorasha ra’iisul-wasaare karti iyo hufnaan leh oo aan lugu xulan qabiil gooni ah sidii hore. Isbadalka waxaa ugu horreye in Madaxweyna Farmaajo jebiyo arrinti Soomaalida ragaadisay  kuna riday Soomali bandan rajo-beel ee ahyd: Madaxweyne ama R/W Hawiye-Daarood = Daraado-Hawiye,  afhayeenka barlamankana Raxanweyn ummdda inteeda kalena in aysan gayin hogaan dalka ee wixii intaas ka soo hara ay wax ku lahaan karaan.

Haddi madaxweyne Farmajo u magaacabo Beesha loogu magaacdaray .5 ama “others” waxaa ka dhaboobaya isbadalkii Soomalidu raadineysay. Wanaag iyo bogaaidin wax aan ahyn oo ka imaanaya haddi qof wanaagsan laga xulo umadaas soomaliyeed ee .5 lagu magacaabay ma jirto.

Haddi Madaxweyne Farmajo doorbido in uu Ra’iisul Wasaaraha ka dhigo qof reer Soomaliland ah ama cid kaleba waxaa ila habbon in uu kala tashado Madaxweyne Axmed M.Siilanyo, murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliland, Gurtida iyo siyaasinta iyo waxgarda Somaliland. Waxaa horay loola tashanjiray dowladaha dereska ah siiba Ethiopia arrintaas waa dhamaatay maantay waa in aan latashana walalahayna Soomaaliyeed waxa aan qabaneyno iy ciddi inoo qaban lahayd hogaaminteeda.

Guul iyo Afgarad Soomaliyeed baan Rajeynaya

Qore: Cabdulqaadir Aden “Jangeli”

Jangelione@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.