Home » Warar »

Farmaajo oo ku guulaystay doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya 2017

Maanta oo Abaco ah , Febaraayo 8,2017 waxaa ku guulaystay doorashada Madaxwayanaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxwayne Farmaajo ayaa 184 cod kaga guulaystay Mudanae Xasan Sheikh Maxamud, oo helay 97 cod. Madaxwaynihii hore ayaa tanaasulay in doorashadu u gudubto wareega sadexaad, sidaas ayaa Farmaajo ku noqday Madaxwaynihii Jamhuuriyada Faderaalka ee Soomaaliya. Isla goobtii ayaa lagu dhaariyey Madaxwayne Farmaajo, sida uu dhigayo dastuurka dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu farxay guusha Farmaajo, dabaal dagyo xiriir ahna isugu soo baxay meelo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.