Home » Warar »

Isbaheysi loogu Magacdarey  RAJO  oo Qiimeyn ku Sameyn Doona Bulshada Soomaaliyeed oo looga Dhawaaqey Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu daahfurey Isbaheysi loogu Magacaderey Isbaheysiga Rajada Soomaaliya ,waxaana  Furitaankiisii  ka qayb galey Qaybaha kala duwana ee Bulshada iyo Bahda Saxaafadda  kale .

Ugu horeyn axaa halkaa ka Hadley islamarkaana Faahfaahin ka bixiyey Ishabeysiga Rajo Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ah Aas Aasayaasha Isbaheysiga , waxaana uu sheegey in Ujeedka loo Furey Isbaheysiga rajo ay yahay in Qiimeyn  uu ku sameeyo dadka Soomaaliyeed ee dadkooda wax u qabtey
13
“ Isbahesiga Rajo kuma shaqeeyo  Qabiil, Siyaasad , Koox, iyo Wixii la mid ah  wuxuu u taagan yahay in uu Bulshadiisa wax u qabto “ ayuu yiri  Cabdicasiis oo sheegey in in Bilooyinka soo socda uu qiimeyntaas bilaabi doono islamarkaana Bisha Ogoosto uu ku dhawaaqi Cida ku guuleysatey Abaalmarintaas oo ah mid aad u qiimo badan isagoo dhinaca kale  ugu baaqey Bulshada Somaaliyeed  in ay u gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha Saameeyeen

Xubihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Diini Maxamed Diini Maxamed oo ku hadlayey Magaca Dalladda SOSCENSA  waxaa uu sheegey in Bulshada Rayidka ay so dhaweynayaan Isbaheysiga Rajo oo uu ku tilmaamey mid Bulshada  wax weyn u qabanaya dhinaca kale waxaa uu Baaq u jeedisyey Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta in ay ka qayb qaataan u Gurmashada dadka Abaaraha saameeyeen.

Maxamed Maxamuud Ducaale oo Xubin ka ah Isbaheysiga Rajo  waxaa uu sheegey in dadka Soomaaliyeed marka ay Fikirkooda isku darsadaan ay  wax badan qabsan karaan waxaa uu intaas raaciyey “ Isbaheysiga Rajo waxaa uu qiimeyn doonaa oo uu Abaarmain siin doona Cid kasta oo dalkaan iyo dadkaan wax u qabta”

“ Soomaaliaya waxy leedahay Saddex Boqol oo Waadi kuwaa oo soo rogo Biyo badan waa Nasiibdaro in Biyahaas aan laga faaiideysan  “ ayuu yiri  Maxamed Ducaale oo sheegey in Bulshada looga baahan yahay in ay la yimaadaan  hal abuur ay dalkooda ku dhistaan

Xaali Cali Siyaad oo ah Gudoomiyaha Haweenka Magaalada Birmingham ee Dalka Ingiriiska  ayaa sheegtey  in ay Dhinacooda ay soo dhaweynayaan Isbbaheysiga Rajo , waxayna Balan qaadey in ay Dadka Somaaliyeed ee ku nool Dibadaha ay gaarsiin doonaan  waxay sii raacisey “ Waa markii ugu horeysey ee aan maqlo Isbaheysi aan lahayn wax Xafiis marka waa in aan Raacnaa oo aan la shaqeynaa “

Ugu Dambeyn waxaa Magaca Saxaafada u Hadley Ismaaciil Khaliifa oo halkaa ka balan qaadey in Bahda Warbaahinta la shaqeyn doonaan Isbaheysiga Rajo wixii Warbixin ahna ay siin doonaan  oo ku saabsan Xaalada Dalka Soomaaliya

Hal ku dhiga Rajo waa “ Soo Nooleynta Dalkeennii Burburey” “ Dib u soo eegista Dareenka Dadweynaha” “Daris Wanaag iyo Nabad lagu Diirsado” “Dadaal iyo Dulqaad Daruuf kastoo nala soo derista” “ Danyartoo Dulmiga Daaliyey laga daayo” “ Danta guud oo loo wada  dadaalo” “ U danqashada Dalkeenna Dihin”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.