Home » Warar »

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah.

January 31, 2016….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Amb Harriet Mathews, ayaa maanta xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wax wada qabsi oo dhanka Amniga ku saabsan.

Saxiixa Heshiiska ka dib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in heshiiskani uu wax badan u tarayo labada dal isla markaana ka caawinayo in ay iska kaashadaan la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

“Heshiiskan wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa in awood ay u hesho dhismaha Hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale in labada dalka ay yeeshaan wada shaqayn dhow oo la xiriirta Amniga, si aan uga guuleysano kooxaha xagjiriinta ah ee dhibatada ku haya dalkeena.” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiir Diini, ayaa tilmaamay in Britain kaliya aysan ka qeyb qaadan xaqiijinta amaanka, balse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo kamid yihiin Siyaasadda iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.
image
Safiirka Britain u fadhida Soomaaliya Harriet Mathews, ayaa dhankeeda sheegtay in markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxa ay u rajeysay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

—-DHAMMAAD—-

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

E-mail: gaashaandhigga@gmail.com

Twitter: @MinisterDini

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah. "

  1. maaxi says:

    Wasaaradda gaashaan dhiga ee soomaliya maahan iney isticmaasho website free ah (gmail,outlook & hotmail)
    Waa ay fududahay in la xaddo ama la jabsado web-yadda kor ku qoran.