Home » Warar »

Gudoomiyaha Degmada Hodon oo si Geesinimo Leh isu hor istaagey Gaari Amisom oo oo jiirey Wiil Dhalinyaro ah

Gudoomiyaha Degmada Hodon Mudane Axmed Salaad Ibrahin oo la hadlay Warbaahinta Muqdsiho ayaa faafaahiyey Shil ka dhacay Jidka Warshadaha qaybta Degmadiisa kaas oo ay Ciidamada Amisom saaka waaberigii ku jiireen Wiil Dhalinyaro ah oo watey Mooto kana dhaawacmay mid ka mid ah Lugihiisa.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in markii uu shilkaasi dhacay ay ku soo wargeliyeen dadka deegaanka taasoo sababtay inuu goobta gaaaro si uu arinta u xaliyo, waxa uuna intaa ku datay in uu ku guulaystay in wixii dhacay ay Ciidamada Amisom dusha saartaan kana garaabaaan shilkii dhacay.

“Dood dheer ka dib waxaan ku guulaysanay iney Ciidamada Amisom qaadaan Masuuliyada Shilkii saaka ka dhacay Degmada Hodon, waxaan kaloo ku guulaysaney in aan Cusbataal gayno Wiilkii dhaawaca ahaa oo lagu magacaaabo Cabdiweki Abuukar Cabdule ayna qarashka bixiyaan Ciidamada Amisom”

Gudoomiyaha Degmada Hodon Axmed Salaad Ibrahin waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Waxaaan u mahad celinayaa Dhamaan dadkii ka qayb qaatay xal u helidda Shilkii saaka, gaar ahaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya iyo weliba iyo kuwa Ciidamada Amisom”.

Gudoomiye Axmed ayaa sheegay iney Arintani dhiirigelinayso wada shaqaynta Madaxda Soomalida iyo Ciidamada Amisom, waxayna tani meesha ka saaraysaa buu yiri Shakiga badan ee laga qabo iney ciidamada amisom gaystaan tacadiyo badan oo aanay ka garaabin, waxa uuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iney ku kalsoonaadaaan Madaxdooda lana socodsiiyan wax alaale iyo wixii dhibaato ah oo soo gaara si wax looga qabto.

Gudoomiyaha Degmada Hodon Axmed Salaad Ibrahin ayaa noqonya Gudomiyihii Degmo inta la xasuusto oo ka mira dhaliaya shil ka dhacay Deegaankiisa oo ay ka danbeeyaan ciidamada Amisom oo aan xil iska saarin inta badanTacadiyada ay ka gaystaan meelaha ka joogaan Soomaliya,
image

W/Q. Cabdinaasir Xirsi Iidle
E-Mail naasirx1@gmail.com
Tel 00252615503978

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.