Home » Warar »

Dalladda FENPS oo qabatey Munaasabad lagu soo Gabagabeysey Sanad Dugsiyeedka 2014-2015 iyo Soo Dhaweynta Sannad Dugsiyeedka 2015-2016.

Dalada Waxabarashada ee FENPS ( Formal Education Network for Private Schools ) ayaa ku qabatey Magaalada Muqdisho Munaasabad si heer sare ah oo loo agaasimey laguna Gabagabeynayey Sannad Dugsiyeedka 2014-2015 islamarkaana lagu soo Dhaweynayey Sanad Dugsiyeed Waxbarashada ee 2015-2016 waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Masuuliyinta Daladdaha Waxbarashada , Bulshada Rayidka , Jaamacadaha , Ururada Waxbarashada , Waalidiinta iyo ardeyda Wax ka Barata Dalada FENPS

Ugu horeyntii Waxaa halkaa Warbixin kooban ka soo jeediyey Gudoomiyha Daladda Waxbarashada ee FENPS Cabduqaadir Ciise Faarax oo sheegey in Sannad ardeyda Imtixaanaadka u fariistey ee Dalladda ay gaarayaan 22 Kun oo uu sheegey in 48 % ay yihiin Gabdho, 52% ay yihiin Wiilalal waxaa uu intaa uu sii raaciyey

“ Waxaa Jira in Dallada FENPS ay Waxbarasho Dadban siisey dad gaaraya 7400 oo qof oo u badan dadka Barakacayaasha ah , waxaana rajeyneynaa oo noo qorsheysan in Sanadaha soo socda in Waxbarashada Dadban aan gaarsiino ilaa 15 kun oo qof “

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cabadirashiid Dhaqane oo ka socdey Dallada SAFE oo sheegey in marka ay iskaashadaan oo Xiriir joogta ah uu dhexmaro Macalinka iyo Waalidka ayuu sheegey in Waxbarashada dalka ay meel sare gaari karo islamarkaana la helayo ardey Dhinac Waliba ka dhisan. Sidoo kale waxaa ka Hadley Masuuliyiin ka socotey Daladaha Waxbarashada Dalka
penn
Waxaa Munaasabadaas ka Hadley Masuuliyiin ka socotay Jaamacadaha SIU, Muqdisho, Himilo, Imaam , Hilaal,UCT University, Plasma iyo City oo Mahadcelin ka dib u Hambalyeey Dalladda FENPS sida Wacan oo ay u soo Gabagabeeyeen Sannad Dugsiyeedka 2014-2015 sido kale waxay u soo jeediyeen Daladda Waxbarashada FENPS in ay Dadaalkooda Waxbarashada Dalka halkaas ka sii Wadaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.