Home » Warar »

Soomaaliya oo war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda Yemen, taageertayna xulufada Sacuudiga..

Tr. 27/03/2015

War Murtiyeed ku Saabsan Xaaladda Dalka Yemen

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xiriir walaalnimo oo qoto dheer, mid bulsho oo soo jireen ah iyo darisnimo dhuleed oo dhow la leh dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, waxay aad uga xun tahay dhibaatada gaartay Yemen.

Dowladda Soomaaliya iyadoo ka duuleysa xiriirkaas faca weyn iyo mas’uuliyadda saaran, ka dowlad carbeed ahaan.Iyadoo garawsan halka ay xaaladda Yemen ku dambeyn doonto haddii ay sidan ku sii socoto.

Ka dib markii aan aragnay

1- Sida Shacabka Yemen ay raalli uga yihiin una taageersan yihiin madaxweynaha sharciga ah Abdraboh Mansour Hadi, taas oo ridistiisa,afduubistiisa,duqeynta xaruntiisa iyo u diidista in uu waajibaadkiisa qaran guto ka dhigeysa Af-gembi ka dhan ah sharciga,diinta iyo xeerarka caalamiga ah.
2- Markaan aragnay Hindisihii dowladaha Golaha Iskaashiga Khaliijka ee looga gol lahaa in lagu joojiyo dhiigga qubanaya, dalka Yemenna looga saaro dhibaatada haysata, iyadoo dalalka Khaliijku aad u daneeyaan Yemen, si ka badan dunida inteeda kale.
3- Innagoo maanka ku hayna qodobbadii ka soo baxay Shirweynihii Qaran ee ay ka qeyb galeen dhinacyada Shacabka Yemen iyadoo aan cidna laga tagin.
4- Innagoo tix gelineyna go’aannadii Golaha Iskaashiga Khaliijka,War-murtiyeedkii ka soo baxay Golaha ammaanka iyo Jaamacadda Carabta, ee ku baaqayay in la xushmeeyo sharciyadda , xaaladdana lagu soo celiyo jidka saxda ah.
5- Innagoo cuskaneyna codsigii madaxweynaha Yemen AbdRabou Masour Hadi ee ahaa in dalalka Carabtu ka taageeraan sidii Yemen loogu soo dabbaali lahaa nabad iyo xasillooni.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aansatay arrimaha soo socda:

1- In midnimada dalka Yemen iyo nabad gelyadiisa dhuleed ay tahay lama taabtaan.
2- Waxaan adkeyneynaa in ay waajib ku tahay dhammaan dhinacyada isku haya Yemen , ka qeyb galka shirka Wada Xaajoodka Qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Yemen AbdRabou Mansour Hadi
3- Waxaan bogaadineynaa boqortooyada Sacuudi Carabiya oo fidisay gogosha wada xaajoodka reer Yemen.
4- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay taageereysaa tallaabooyinka Boqortooyadad Suucuudi Carabiya iyo xulafadeedu qaateen ee ujeedkeedu yahay in aan Yemen lugaha la gelin dagaal sokeeye iyo degganaansho la’aan aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto.
5- Waxaan ku garab taagannahay dowladda Yemen dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay ku cayaaraan amniga iyo xasilloonida Yemen, Soomaaliyana waxay diyaar u tahay in ay waayo aragnimadeeda iyo awoodeheeda arrintaas la xiriira ku biiriso Yemen , si looga guuleysto argagixisada.
6- In aan dowladda Yemen iska kaashanno ka hor tagga falalka burcad-badeednimo ee dhammaanteen na dhibaya, si loo sugo ammaanka marin badeedka muhiimka ah ee Baabul Mandab.

Dhammaaad

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.