Home » Warar »

Ergayga Qaramada Middobay oo Cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hoteel ku yaala Muqdisho

Muqdisho: 28 Maarso – Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya SRSG Nikolas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee shalay lagu qaaday Hoteel ku yaala caasimada Mugdisho, weerarkaas oo sababay in ay dad badan oo rayidah ku dhintaan sida Xog-hayihii Joogtida ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobay ee Jeneva, Mudane Yusuf Bari- Bari.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarkii argagixisinimo ee shalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa aad iiga yaabiyay sida argagixisada ay u qiima daraynayso nafta bani-aadanka ee aan waxba gaysanin. Waxaa kale ee aan ka xumaaday in aan ogaado in Xog-hayihii Joogtada ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midobay ee Jeneva, Mudane Yusuf Bari- Bar iuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weeraka, kadibna u dhintay dhaawicii soo gaaray xalay. Waxaa (marxuumka) aad loogu xasuusanaan doonaa sidii ay ooga go’aneed in uu u difaaco una horumariyo Xuquuqul Insaanka Guud- ee baniaadamka.”

“Wakhtigan murugada leh, waxaan doonayaa in aan tacsi kal iyo lab ah u diro Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, Qaysaskii iyo Saaxiibaddii dadkii ku dhintay amaba ku dhaawacmay weerarkan.”

Dhamaad.

Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
@UNSomalia
facebook.com/UNSomalia
flickr.com/photos/unsom

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.