Home » Warar »

War degdeg ah: Qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin ku saabsan Qarax lala beegsadey Hotelka Central ee ku dhow Xarunta Madaxtoooyada oo Dhimasho iyo Dhaawac uu ka soo gaarey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda…

Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ku hor qaraxay Hotellka Central kuna dhow xarunta Madaxtooyada haddii aan sii tilmaamo waxaa uu ka soo horjeedaa Taaladii Xaawo Taako , sidoo kale waxaa ku dhegen Maktabadii Qaranka , waxaana qaraxaasi uu sababey Dhimasho iyo Dhaaawac soo gaarey Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Fedeaalka kuwaa oo isgu jirey Wasiiro, Xildhibaano iyo dad kale oo Shacab ah. oo tiradooda gaaraya 50 qof

Dadka Qaraxaasi ku dhintey waxaa ka mid Xildhibaan Cali Cumar Nuur (Furdug) waxaa kale oo Qaraxasi ku geeriyoodey Gudoomiye ku xigeenkii Arrimaha Siyaasada ee Gobolka Banadir Maxamed Aadan Guuleed ( Caano Geel) , sidoo kale waxaa ku Dhaawacmey Qaraxaasi Nuur Faarax Xirsi oo ah Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Waxaa uu dhaawac uu ka soo gaarey Raiisul Wasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Jaamac Jangeli ,iyo Xildhibaan Cabaduqaadir Cali Cumar ,

Goobta uu Qarax uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaarey Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka kuwaa oo halkaa ka bilaabey Howlagalo Baaritaano ku sameynyeen iyadoo Qaraxaani uu ku soo beegmey iyadoo Saddexdii Maalmood Wadooyinka Muqdisho ay Ciidamada ka wadeen Baritaani sidoo kale waxaa uu Qaraxaani ku soo beegmey iyadoo Maalinta beri ah uu Dalka Imaanyo Madaxweyanah Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele si uu u Dhagax dhigo Akadeemiyada Goboleedka Afka hooyo

Qaraxaasi waxaa Cambaareeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Axmed oo ku tilmaamey mid aragagixiso isgoo sheegay in Dowladda Talaabo qaadi doonto sidoo kale waxaa Camaabaareeyey Dhamaan Madaxda Qaranka
image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.