Home » Warar »

Warsaxaafadeed hay’ada culimada Soomaaliyeed

بسم الله الرحمن الرحيم

war saxaafadeed ku saabsan kualankii Raiisul wasaaraha iyo Hay’adda culumada soomaaliyeed

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : الدين النصيحة ، قلنا لمن يارسول الله ؟ قال : لله ولكتابه ولرسوله ولأئمة المسلمين وعامتهم . رواه مسلم .

Hay’adda culumada soomaaliyeed ayadoo gudanaysa waajibka naseexada iyo ka qayb qaadashada ilaalinta danta guud , ayay la kulantay Raiisul wasaaraha Jamhuuriyadda Fidaraalka soomaaliyeed mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke, Taariikh: arbaco,01/04/1436H – 21/01/2015.

Kulanka waxaa lagu caddeeyay kaalinta culumadu ku leeyihiin hoggaanka ummadda soomaaliyeed , gaar ahaan marxaladda adag ay hadda marayso, iyo xilka ka saaran wacyi galinta ummadda, soo gudbinta fahamka saxda ah ee diinta islaamka ,iyo ka hortagga afkaarta ku salaysan gaalaysiinta iyo bannaysiga dhiigga muslimiinta.

Culumadu waxay afka ku adkeeyeen baahida loo qabo midnimada iyo wada shaqaynta madaxda, hay’adaha dowladda iyo dhammaan qaybaha bulshada soomaaliyeed, waxayna bogaadiyeen dadaalada Raiisul wasaaraha ee ku aadan arinkaas.

Hay’adda culumadu waxay soo jeediyeen in xilalka loo magacaabo dad leh karti iyo diin , laguna hallayn karo howlaha culus oo loo idmaday.

Kulanka waxaa la wadaagay talooyin ku saabsan xoojinta iskaashiga xukuumadda iyo culumada si loo guto waajibka naga saran dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayntii , hay’adda culumadu waxay uga mahad celinaysaa Raiisul wasaaraha , fursadda kulankaan qiimaha badan ,iyo soo dhawaynta talooyinka culumada , waxaana ilaahay uga baryaynaa in uu u fududeeyo howlaha culus ee horyaal.

وبالله التوفيق

Guddiga fulinta hay’adda culumada soomaaliyeed

Muqdisho – Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.