Home » Maqaallo »

Federaalkee bay ka tirsan yihiin Maamul Goboleedyada Soomaaliya ma midka Itoobiya mise kan Soomaaliya ?

Ka dib dhicintaankii Dowladda Dhexe,Waxaa dalka ka dhacay isbadal saameeyey guud ahaan Mujtamica Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka daneeya siyaasadda. Isbadalkan ka dhashay burburka dowladnimo, ayaa soo saaray siyaasiyiin aan noocadoo kale wali soo marin dadka Soomaalida ah inta la xasuusto, tusaale ahaan waxa dhashay siyaasiyiin aan waxba ka xishooneynin,waxba xeerineynin, islamarkaana ku tumanayo wax alaale iyo wixii muqadasaad ah oo ay Umaddu lahayd.

Hab-dhaqanka foosha xun ee siyaasiyiintan, ayaa dalkii u horseeday burbur iyo baaba’ aan soo marin dadka Soomaalida ah, kaas oo runtii qatar ku ah Midnimada,Madax banaanida iyo waliba jiritaanka Umadeed ee dadka Soomaalida ah hadaanan maanta laga hortagin nimankan, islamarkaana aan si deg deg ah looga tashan sidii la isaga qaban lahaa kabo-qaadyadan xaqiirka ah.

Hordhacan yar ee aan kaga hadlay Siyaasiyiinta maanta nool, gaar ahaan kuwa horboodo Maamulada dalka ka dhisan sida Somaliland,Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed iyo waliba kuwa hadda soo socda, ayaa igu qasbay inaan qormadan qoro ka dib markii aan kala garan waayey Federaalka ay ka tirsan yihiin, ma midka Itoobiya mise kan Soomaaliya waayo, waxaan markasta maqalnaa Madaxweynaha maamul hebel ayaa booqday Adis, waxa uuna halkaasi kula kulmay Madaxda Itoobiya !

Safarada aan kala go’a lahayn ee ay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ku tagaan dalka Itoobiya, ayaa shaki badan igu abuuray, Islamarkaana igu qasbay inaan isweydiiyo dalka ay ka tirsan yihiin Maamul Goboleedyadan iyo waliba Federaalka ay hoostagaan, tusaale ahaan waxaan aragnaa markasta Madax isaga daba noqnoqoneysa Magaalada Adis Ababa, Iyagoo waliba inta badan la kuma Madaxda Itoobiya. Markan arimahan arkay ayaan is iri tallow sow ma haboona in wax laga qoro si Shacabka Soomaaliyeed toosh weyn loogu ifiyo hab-dhaqanka foosha xun ee Siyaasiyiinta Soomaalida ah.

Sidan kor ku so xusayba burburkii dowladnimo, Waxa uu abuuray dhibaatooyin xoogan oo si isku mid ah u saameeyey dhulkii iyo dadkiiba, tusaale waxaa la nabaadguuriyey dhulkii, Iyadoo la jaray nooc kasta oo dhir ah oo qiimo badneyd. Sidaas si la mid ah, Waxa uu burburkii saameeyey dadkii gaar ahaan dadka Siyaasiyiinta ah, halkaas oo ay soo baxeen siyaaiyiin dardarayo wax alaale iyo wixii muqadasaad ahaa oo ay Umaddu lahayd haday ahaan lahayd diin iyo haday ahaan lahayd dhaqanba.

Madaxda hogaamisa Maamul Goboleedyada dalka ka jira sida Somaliland,Puntland,Jubaland iyo kuwa kaleba, ayaa caadeystay in ay had iyo jeer booqdaan Magaalada Adis Ababa oo ah Xarunta looga taliyo dalka Itoobiya. Booqashooyinkaasi aan kala go’a lahayn, ayaa calaamatu su’aal ku noqday dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka daneeya arimaha siyaasadda, tusaale ahaan Madaxweynaha Puntland, ayaa dhowr jeer booqday Magaalada Adis Ababa halka uusan wali cag-dhigin Muqdisho marka laga reebo aaskii C/risaaq Xaaji. Adis baa muqdisho ka fadli badatay miyaa ? haa saaxiib

C/wali Gaas, ayaa runtii ahaa nin aad loogu hanweynaa, Iyadoo dad badanina ay aaminsanaayeen in uu wax badan iska badali doono xiriirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland mar haddii Isaga loo doortay Madaxweynaha Puntland, laakiin nasiib daro waxaa dhacay wax aan la fileynin oo waxa uuba ka daray C/raxmaan Faroolihii laga qeylin jiray. Dad badan ayaa la yaabban waxa uu C/wali Adis uga fadilayo Muqdisho oo mar u ahayd xarun uu dalka ka maamulo waa markuu Ra’isulwasaaruhu ahaaye.

Waxaa sidaas si la mid ah ugu noqnoqday Magaalada Adis Ababa Madaxda Mamulka Jubaland ee uu horboodo Axmed Madoobe, Iyagoo dhawaan halkaasina heshiis kula galay Dowladda Itoobiya Iyadoo ay jirto dowlad dhexe. Marka aad fiiriso sida ay wax u socdaan, Waxaad moodda in loo tartamayo hanashada qalbiga Magaalada Adis Ababa, Iyadoo meel la iska dhigayo Muqdisho iyo Dowladdeeda fadhiidka ah ee ay ku barbartaan Kooxda Damu-jiid ee uu hogaamiyo Faarax C/qaadir.

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, ayaa si isku mid ah u booqdo Magaalada Adis Ababa oo ah xarun dal Ajanabi, taasna waxa ay shaki badani ku abuurtay dad badan oo Soomaali ah oo aan Aniguba ka mid ahay. hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye xagee bay ka tirsan yihiin Maamul Goboleedyadani ma Federaalka Itoobiya mise kan Soomaaliya ?

Anigu, markaan fiiriyey hab-dhaqanka Madaxdan iyo waliba sida ay wax u socdaan, Waxaa ii soo baxday in ay Maamul Goboleedyada Soomaaliya dhul ahaan ay ka tirsan yihiin Soomaaliya laakiin maamul ahaan ay hoostagaan federaalka Itoobiya. Haddaan si kale u dhigo Maamul Goboleedyada Soomaaliya waa Kililka Shanaad oo la balaariyey, Kaas oo halkii Jigjiga laga xukumi lahaa la hoosgeeyey Dowladda Federaalka ee Itoobiya.Waayo hadaysan sidaasi ahayn waxaan arki lahayn Maamul Goboleedyada oo had iyo jeed booqanayo Muqdisho.

Federaalnimadu macnaheedu ma’ahan inaad hoostagto dal kale ama aad had iyo jeer booqato caasimad dal kale, Adigoo ah Maamul Goboleed, tusaale ahaan dalka Itoobiya waa dal federaal ah yaa arkay wali Madaxda Maamulka Oromada oo booqanayo dalal kale, Islamarkaana la galayo heshiisyo amni sida Jubaland ay sameysay oo kale ? Yaa arkay Madaxda Maamulka Canfarta oo wareegayo caasimadaha dalalka Aduunka sida Puntland oo kale ? Federaalkiiba waxa ay u qaateen si kale !

Dad badan oo waxgarad ah, ayaa ka digay nidaamkan Federaalka ah, Iyagoo sheegay in uu dalka u horseedayo burbur iyo kala tag aan laga soo waaqsan, tusaale ahaaan maxaa ka soo bixi kara federalism ku salaysan qabiil waa sida ay Puntland rabtee ? Maxaa faa’ido ah oo ku jirta in la diido dowlad dhexe oo xoogan si loo ilaaliyo midnimada iyo madax banaanida dalka,Islamarkaana looga hortago burbur kale oo yimaado ?

Midda kale, sow ceeb kuma ahan dadka Soomaaliyeed in ay daawadaan fuulxumadan ay caadeysteen nimankan (siyaasiyiinta), maxaase diidayo in la canbaareeyo hab-dhankooda foosha xun ? Maxaa diidayo in lala hadlo qaraabadii iyo dadkii dhalay dadkan ku cayaarayo muqadasaadka Umadda mise Anagaaba raali ka ah waxa ay sameynayaan ? Walee umad tirtirmeysaan waxba maqal

Dhanka kale, sow suurtagal ma’ahan haddii ay sii socdaan dhaqamadan in ay dalka ka dhashaan ururo cusub oo ka dhiidhiya ficiladan foosha xun ? waa suurtagal in ay abuurmaan ururo islaami ah oo ka daran Xarakada Al-shabab sida daacish oo kale,kuwaas oo ku dooda in ay dalka ka difaacayaan gumeysi iyo gumeysi kalkaal.

Gaba gabadii, waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa in ay maanta caddaatay in Maamul Goleedyada ka jira dalka ay dhul ahaan ka tirsan yihiin Soomaaliya, laakiin maamul ahaan ay hoostagaan Federaalka Itoobiya,taasna waxaa caddeeyey hab-dhaqanka Madaxda hogaamisa Maamuladan, haday ahaan lahayd Somaliland,Puntland,Koonfur Galbeed iyo Jubalabdba. Anigu qormadan igama ahan inaan Iyagu ceebeynayo ee waxa ay iga tahay in ay wax saxmaan,Islamarkaana laga baxo dhibaatadan dabadheeraatay.

Ugu danbeyntii,Waxaan ka codsanayaa Shacabweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa aqriya qormadan in ay ila wadaagaan aragtidooda si aan u ogaado in la ila qabo daraankan iyo in ay run tahay, waxa aan ka qoray maamul goboleedyadan kala garan la’ dalka ay ka tirsan yihiin. Soomaali ha noolaato ha jirto hana joogto.

W/Q:Cabdullaahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Federaalkee bay ka tirsan yihiin Maamul Goboleedyada Soomaaliya ma midka Itoobiya mise kan Soomaaliya ? "

  1. Saadaq says:

    Asc. Walaal waa sida aad sheegtey laakin shacab weynaha soomaliyeed weli kuma uusan baraarugin duruufo haysta dartiis. Qofka jooga cariga soomaliya waxa uu la tacaalo waa nolosha. Mida kale ee meesha ka maqneyn waa kii aad doorataba ka daran kii hore. Marka shacabkii kala garan waayeey sX iyl qalad.
    Dhulkii Soomaaliyeed cadaw ku habsay, cadawgaas oo soo isticmaalaya Soomaali kale. Badbaadada dalka waxaa ay ka soo dhalan kartaa qurbo joogta sababta aan u leeyahay waxaa ay tahay, saamayta cadawga, fara gelinta cadawga, dhaqaalaha, sugnaanta amaanka iyo fahamka wadaniyad. Sidaa darteed waxaa laga bilaabi kara qorbo joogta oo la isku duwo inta wadaniyiinta ah