Home » Maqaallo »

Afkaaga Hooyo Waa Hodan ee Hor Mari!!

Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqaddaha Geeska Afrika kuwa ay ku Hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaano aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya waana luuqad mudan in la hor mariyo . xigasho cuttubkan Qoraa Axmad haybe..

Luuqaddu waxay ka mid tahay Nimbcooyinka Alle ugu deeqay Bini‘ aadamka Waxaanna ummad kasta looga baahan yahay inay hormariso luuqadeedda kuna faanto..
image
Aduunka waxaa jira wadamo baddan oo ay ka dhaxayso diintu laakiin aysan ka dhaxayn luuqadu qolo walba waxay leedahay luuqaad u gaara in kastoo ay jiraan luuqaddo Caalamiya ama (international languages) waxaanna xaqiiqa in Qof walba luqadiisu ay haybad gaara u leedahay waliba lagu xushmeeyo..
Sidoo kale waxaa jirta in aduunku ku Middaysan yahay Qaramada Midoobay luuqadda inglish-kana lagu dhaho (United nations)Waxaa Sannad walba isugu taga Madaxdda Caalamka waxaanna laga jeediyaa Qudbado meeshaas Aduunku isku tago wadan walba waxaa lagu Tixgaliyaa luuqadiisa Madaxwayne kaste wuxuu xaq u leyahay inuu Qudbadiisa ku jeediyo luuqada wadankiisa Waxay taasi kuu cadaynaysaa in Calankaga iyo luuqadaduba ay yihiin astaammo u gaara Qaran kasta oo aduunka ka jira siiba luuqadu inay tahay haybaad ku gaara waanna waa jib ku saran inaad xil iska saarto ilaalinta iyo tayanta af-kaaga hooyo ama lahjada wadankaaga u gaarkaa..
in kastoo lagu sameeyo turjumaan haddana waxaa halkaas kaaga muuqda in wadan kasta luuqadiisu u gaar tahay waaxaase ummdda Soomaaliyeed hadda ku socda dhaqan guur dhanka Af-Soomaaliga waayo dhammaan hormuudkii ummadda markii aad u guur gasho waaba ka faanan luuqadooda Hooyo taasoo burbur kale ah..

Waa xaqiiq in Bur-burku samayn wayn ku yeeshay dhaqankeenna.

Waan hubba Bur-burkii Soomaaliya inuu dhaawac dhinac kasta inoo Geystay haddii ay noqon lahaayd dhaqankii fiicana uu gabo gabo ku sii jira haddii ay noqon lahaayd luuqadeena Hooyo iyo haddii ay noqon lahaayd haybadii iyo karaammadii Ummadda Soomaliyeed waxaase Waajib inagu ah inan ku dadaallo inan ilaalino dhaqankeenna suuban ee ku Salaaysan diinta islaamka iyo luqadeena inoo gaarkaa.

Yaa hormarin kara Afkaga hooyo?..

Halgamayaashii Soomaaliya ee qoray luuqadda Af Somaliga waxay ku bixiyeen dadaal dheer sidii ay u heli lahayeen luuqad u gaara ummadda Soomaaliyeed tasoo ay ku bixiyeen Juhdi fara baddaan Allaha ka Abaalmariyee hadaba halgameyashas halgan koodii iyo dadalkoodii way ku guulaysteen waxayna dhidibada u aaseen luuqadda Af Soomaaliga oo looga hadlo gacanka Tojorra ilaa iyo wabiga Tana ee Waqooyiga Kiinya waxase luuqadii meel xun dhigay jiilalkii ka dambeyey..

Is waydiih yaa hormarin kara luuqadada?..
Hadaba waxaad is waydiisa yaa laga sugaya ilaalinta Af Soomaaliga Jawaabtu waa Umadda Soomaaliyeed siiba da,yarta iyo Dadka Qurba joogta ee ka soo haajiray dhulkii Hooyo kuwaas ayaa laga doonaya inay ilaaliyaan luuqadood ama Af Soomaaliga hadii kale Luqad La ‘aan ayan ku soo dhici doona luuqad adan lahayna mahan luqadada

Yaa ku hadla Af Soomaaliga?!..

Luuqadda Af Soomaaliga) waa hodan waxayna hodan ku tahay siyaabo Baddan oo ay uga duwan tahay luuqado baddan oo aduunka ka jira haddii an in yar ka tusaalo bixiyo Af Soomaliga waxaa ku hadlaa ummaad badan ka soo bilow Jabuuti. IlaaWaqoyiga Kenya Bariga Ethopia dhulka intaas le,eg Dadka dagaa waxay ku hadlaan waa luuqadda Soomaliga) waa guud ahaan-baa inta Soomaalidu dagto waana luuqad wayn oo mudan in lagu faano laguna faafiyo aduunka oo dhan.

Waa Hodaan Afkeenu

Afkeena ama luuqadeenna Hooyo waxay Caan) ku tahay inay dhan kasta hodan ka tahay waxana Markhaati ku-ku filaan Luuqadeena waxaay leedahay suugaan mugwayn Mahmahyo xig madaysan oo kala Ah Geeraar) Guurow , Gabayo) Heeso kala gooni –gooniya oo loogala Saaro qaybo kaladuwaan.
Sidookale waxay leedahay luuqadeenna Hooyo Murti ama geeraar ama heeso u gaara Geela, Ariga Lo,da iyo Carruurta marka Hooyadu dhabta ku hayso waxay kale oo leedahay Heeso u gaara Marka Awrta lararayo waxay kale oo leedahay wax la yiraahdo Sarbeeb haddii an Tusale yar ka bixiyo sarbeebta waa halka laga Yiri (Suul dhabaale Waa hadal Hadana Waa Sir Gooniya) ..
Hadaba luuqadena ilaahay inagu manaystay inaan dayacno ama anku kal sonan wayno Miyaa? Mise waa inan ku faano oo tixgalino luuqadeenna inoo gaarka Soomaalidii hore waxay dhihi jirtay ayada oo tixgalinaysa luuqaddooda Nabi allaow Ninba afkiis kuku amaan Callaysalaatu wasalaam) waxay tani kuu markhaati furaysaa in wadan walab uu leyahay luuqad uu tixgaliyo kuna faano uuna ilaaliyo sharafta luuqadiisa ama qurba joog ama wadankii joog hantita dhabtaa ayey ka mid tahay luuqadeenna Hooyo waana lama huraan inaan ka taxadaro baahintiisa iyo ilaalinteeda.

Dardaaran gaara!

Sigaara Qurba joogta dalka ka haajirtay waxaa loobahan yahay inay ilaaliyaan afkooda qaaliga waa dhab inay malaayiin dhalin yara ku dhasheen Qurbaha ayna la qabsadeen luuqad aysan dhalasho ahaan ka soo jeedin bal fiiri waxaad arkaysa qof Jinsiyadiisu tahay Soomaali haddana ka faanaya luuqadii Af Soomaaliga ahayd kuna hadlaya luuqad uusan lahayn oo wadan kale leeyahay waa kal sooni xumo waa inaad ku kalsoonataa luuqadada waa sax inaad wax kororsatid laakiin Soomaalidu waxay ku Mahmahda (Lama Huraan Waa Cawska Jiilal) lama huraan waa dhulkaagaga iyo luuuqadda.

Khaasatan Walidka Qurbo jogta!

Xilgaara wuxu saranyahay Waalida Hooyada iyo Aabaha xilkaas oo ah inay ku Ababiyaan Caruurtooda luuqadda Hooyo oo ah Af Soomaali meel kasta oo aad aduunka ka joogti wad ilaalin karta sharafta luuqadadda adiga oo ku baraarujinaya jiilalka qurbo joogta inay leyihiin af u gaara oo ka fiican afafka aysan u dhalan ama luuqadaaha ay san u dhalan is waydiih inaad Afkaga ka heli karti dhammaan wixii aad u bahato hadii ay ahan lahayd xigmmaado qodo dheer gabayo mahmahyo shekooyin iwm..

Ugu dambayntii !!

Dhammaanteen waxaa xil inaga saranyahay inaan kobcino ama aan hormarino luuqadenna inoo gaarka meel kastoo aad aduunka ka joogtid waxanna u mahad celinaya aqoonyahanna Soomaaliyeed ee isku hawla inaysan luuqadeenu dabar go,iin ama asan lumin waxaan dhalinyarada Qurbo jogta looga bahanyahay inay dadaal ku bixiyaan sidii ay u barran lahayeen luuqadooda hooyo una hormarin lahayen..
Hadduu wadankeenii burburay yey san burburin luuqadeena Hooyo
Yuusan burburin dhaqankeena suuban waa tuu Abwaan C/qaadir Cabdi Shube laha mar uu tixgabaya ku cabirayey dhaqankeena

Waynaan dhaaginee dadyohow
Abkeen dhaqan buu lahaa
Xeer uu dhigtay buu lahaa
Hab uu dhawrtuu lahaa
Ku dhaqan sharci buu laha
Dhammaan gacal buu lahaa
Dhaxdiyo dhalaskuu lahaa

Waxaa Qorey
Cabdinuur Faarax Maxamud
Email-guuleed72@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.