Home » Faallo »

Xulashada Jimcaha: Dhalanteed – maaso dhaxalgal ah

Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa mid hoodo gaar ah u heshay suugaan hodan ah iyo hal-abuurro ay haybaddooda wax curintu aad u heersarreyso. Hal-abuurradaasi xilli kasta oo ay joogeenba waxay ahaayeen kuwo ummaddooda la garabtaagan; duco,dardaaran iyo digniinba. Hayeeshee, nasaniibdarro, waxaa dhanka kale Soomaalida lagu tilmaamaa dad aysan ku duxin duruusta lagu dul akhrinayo.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga doonni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaayee

                                     Abwaan C/Laahi Suldaan ( Timacadde) (AUN)

Haddaba Somalitalk iyadoo tixgelineysa doorka hal-abuurka Soomaaliyeed , waxay xulashada Jimcaha ee toddobaadkan akhristayaasheeda la wadaageysaa  maansadii taariikhiga aheyd ee Dhalanteed. Maansada Dhalanteed ereyadeeda waxaa curiyay Inj. Maxamed Cali Cibaar, farshaxanka ku lammaansanna waxaa farshaxankii Amin Amir ( Aminarts).

da1Maansadu waxay soo baxday toban sano ka hor, bishii Maarso 2004tii,waxayna muuqaal ka bixineysaa shirkii dhagareed ee waqtigaas ka socday Mbegatti, Kenya iyo waxa laga filankaray. Maansadu waxay aad uga digtay cawaaqibxumida ka dhalan kartay in aayaha ummadda Soomaaliyeed looga marti noqdo gaashaanbuurta Kenya iyo Ethiopia iyo dagaal-oogeyaal ay gacansaar qaawan la ahaayeen.

Toban sano ka hor wixii ay hal-abuurradeennu ka digeen ayaa maanta na horyaalla. Ciidamada waddamada aan kor ku soo xusnay iyo xulafadoodu waxay toos uga taliyaan inta badan dhulkii Soomaaliyeed. Waxaa  kale oo billaabatay in ay sheegtaan qaybo ka mid  ah dhulkii xorta ahaa ee soomaaliyeed, bad iyo berriba.Waxaana hubaal ah haddii aan dhaqso loo baraarugin in xaalku berrito uu sidaan ka sii xumaan doono, Rabbi ha inaga badbaadiyee.

Waa tan mansadii dhaxalgalka aheyd ee DHalanteed oo ay mar labaad Somalitalk idiin soo bandhigeyso.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.