Home » Warar »

Maamulka Puntland oo ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay isu Tanasulaan.

Banaanbax lagu Dal banayo in la xaliyo Khilaafka Madaxda Sare oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa markii u horeeyay ka hadlay Khilaafka soo kala dhax galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa. Cabdi-weli Xirsi Maxamed Indha-Guran oo maamulkaas u qaabilsan dhinaca war faafinta ayaa sheegay in loo baahan yahay Khilaafkaas inuu sii socon isla markaana Shacabka Soomaaliyeed dartiisa ay isugu tanasulaan labada Mas’uul ee uu Khilaafku haatan u dhaxeeyo.

Mas’uulkan Puntland u hadlay ayaa ugu baaqay dhinacyada in xal la gaaro lagana gudbo inuu Khilaafku sabab u noqdo kalsoonida beesha Caalamka oo meesha ka baxda isagoona dhankooda sheegay in maamulka Puntland diyaar u yahay sidii uu gacan uga gaysan lahaa xalka khilaafka.

Hadalkan ka soo yeeray MaamulkaPuntland ayaa waxa uu imaanaya xilli khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo muddo soo jiitamayay mar qura uu banaanka u soo baxay ka gadaal markii isku shaandheyn golaha wasiirada uu ku sameeyay Ra’iisulwasaaraha Madaxweynuhu ganaca ku dhuftay.

Dhinaca kale Wararka naga soo gaarayo Magaaladda Boosaaso ee Maamulka Pundland waxay sheegayaan in maanta Magaaladaas uu ka dhacay Banaanbax ay Bulshada ku dalbanayaan in la xaliyo khilaaafka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed , waxayna Dadkii Banaanbaxayey waxay Wateen Boorar ay ku Qornaayeen sdia aan waqtigaan loo baahneyn Khilaaf soo kala dhex gala Labada Dhinac

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
unnamed (3)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maamulka Puntland oo ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay isu Tanasulaan. "

  1. Qalaf ohio says:

    Ra’isul wasaraaha waa ku fududaaday inuu isku shaandheynta. waqtigeedii lama joogo. waxaa loo bahanaa inuu la tashi buuxo la sameeyo madaxweynaha iyo madaxda qaranka.