Home » Faallo »

Soomaaliyeey dhib wadaag noqonaye dheef wadaag ma noqonaa?

axmeedSoomaalida qolo walba waxay u haysatey in colaadda iyo dagaalku dhibayo qolada ay is hayaan kaliya, iyaguna ay ka faa’iidayaan ama ugu yaraan aan wax kasoo gaarayn laakiin waxaa xaqiiqo noqotay wax walba oo soo gaara qolada la is hayo inay qolada kalena soo gaarayso, dhimasho, dhaawac, dhac, qax, dhaqaale burbur, agoon, gablan, araamil (dumar laga dhintay) iwm.

Kolkii gobolada dalka qaybo ka mid ah colaado joogto ah iyo deganaansho la’aan ku raagtay, gobolo kalena ay heleen wax uun nabadgalyo iyo deganaasho ah waxaa loo qaatay in dhibaatada, sumcad xumada, xaqiraadda, faragalinta shisheeye iyo qaxootinimadu goboladaas iyo qabaa’ilka daga ku gaar noqonayso laakiin dhab ahaan soomaali meel ay joogtaba way wadaagtay magacxumada, ihaanada, xabsiyada, ku dhiirrashada iwm.

Dadka soomaaliyeed ee garoomada diyaaradaha dunida lugu haysto ama lugu ihaanaynayo, kuwa badaha ama saxaaraha ku dhammaanaya ama burcaddu qafaalatay ee beecsanayso, kuwa xuquuqdooda lugu duudsinayo dunida daafeheeda, ubadka xabsiyada ku xeraysan, dhallinyarad dhagaha duratay ama nimow-naagga iska dhigay, kuwa xeryaha qaxootiga ku xeraysan qabiil gaar ah ama deegaan gooni ah kama imaan, dadyowga la macaamilayana marna ma oranayaan idinka deegaankiinu waa nabad ee soo dhawaada ama qabiil laandheere ah ayaad tihiine xabsiga kasoo baxa ee hal fikrad baa la inaka wada haystaa, dhaqan isku mid ahna waa la ina kula macaamilayaa.

Haddaba haddii wax kastoo dhib ah qoladii doonta ha samayso ama sabab ha u noqotee aynu wadaagayno, hal shillalna ku wada qalanahay, duniduna dadkeena hal weel wax ugu wada miisayso maxaa inoo diiday in aynu wadaagno wanaagga, horumarka iyo khayrka iyo magaca wanaagsan. Si kale haddii la dhoho mar haddaan isku gawracnahay maxaa ina ka dhigay shar wadaag aan khayr wadaagi karin?.

Way ila tahay in arrintan caqli ahaan, cilmi ahaan iyo khibrad ahaanba la isula fahmi karo laakiin mushkiladdu waxaa weeye caadifada oo intaasba ka qaalib noqotay, dadkeenana u diiday inay dantooda isugu yimaadaan.

Cuqaladu waxay isku raacsanyihiin in dadku danti u nool yahay (mid adduun iyo mid aakhiroba), meeshay ka gashana looga dabagalo xataa hadday gasho cadaw xiire xiire ah waxaa la isku dayaa in isagana dan uu leeyahay loo fuliyo, adna taada ka qunsatid oo wax lays dhaafsado laakiin soomaalida waxaa kasoo baxay inay si qalad ah u fahamtay dunidan, waxa loo joogo iyo sida waxa aad u joogtid uga heli lahayd, waxayna yeelatay dhaqan ka duwan midka cuqaladu ku dhaqmaan oo ah in hebel ama reer hebel lugu xumeeyo wax aad adigu u dhimanaysid oo la yiraahdo intii reer hebel wax heli lahaa ha isla gubato!.

Waxaa la yiri: xiriirada bulshada dhexmara waa afar nooc: aan wada faa’iidno, anigu aan faa’iido adiguna khasaar, adigu faa’iid ana aan khasaaro iyo aynu wada khasaarno!. Waxaad mooddaa in dhaqanka soomaalidu ku urruuray aynu wada khasaarno!.

Dhinac kale markaan ka eegno hadalka aan soo sheegay waa qalad; waayo dhaqankaan iyagaa dhexdooda isu isticmaala ee quruumaha kale kulama dhaqmaan. Madaxda soomaalidu isma booqdaan in yar mooyee laakiin quruumaha kale sii soco iyo soo soco ma daayaan, iyagu har iyo habeen hadal qalloocan iyo halgaad bay isku hayaan laakiin marna ma arkaysid iyaga iyo dawladaha kale oo is haya.

Taa waxay dib inoogu celinaysaa oraahdii ahayd cilmiga iyo caqliga caadifada ayaa ka xoog badatay; waayo dawladaha iyo hay’adaha shisheeye ee maamulada soomaalidu sida wacan ula macaamilaan iyagaa isaga dhow diin ahaan, dhalasho ahaan, deegaan ahaan, dan ahaan, taariikh ahaan iyo mustaqbal ahaanba ee waxa iyaga isu diiday iyaga iyo ummadaha kalena isu keenay waa caadifad aynu xakamayn weynay ama caadifad kale oo ka xoogweyn oo jiirta u keeni waynay ee aynu u wada labbisano sidaynu caadifaddaas adduun iyo aakhiraba ina seejisay dadkeena iyo dalkeena uga badbaadin lahayn waqtiga iyo tillaabooyinkuba ha dheeraadeene.

Gabagabadii soomaaliyeey 1/4 qarni ka badan ayaynu caadifad qabiil ku shaqaynayney, mireheediina guranaye bal aynu marxaladdaan ku eegno caqliga iyo cilmiga. Haddaynu marxaladihii lasoo dhaafay dadkeenii iyo dalkeenii u baabi’inay rag iska dhici darteed waynu isak dhicinay in ina ku filane bal aynu marxaladdaan eegno mustaqbalka ubadkeena iyo halkay ku dambayn doonaan iyo cidda taladoodu u gacan gali karto haddaynaan xal u keenin.

Sh. Axmed Cabdisamad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.