Home » Warar »

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu Qaabilsan Dhalinyarada oo Booqday Soomaaliya

Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

Muqdisho, 1 October 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhalinyarada Mudane Ahmed Alhendawi ayaa booqasho laba maalmood ah ku bixiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si uu madaxda Soomaaliya ugala xaajoodo kaalinta dhalinyarada Soomalaiyeed ee hindisayaasha dhismaha nabadda iyo dowladnimada ee Soomaaliya iyo weliba siyaabaha Qaramada Midoobey ay ku caawin karto qorshayaasha Dawladda Soomalaiya ee ku aaddan dhinaca dhalinyarada. Booqashadan labada maalmood ah ayaa ergeygu kulamo kula qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, Wasiirka Tacliinta Sare Hidaha iyo Dhaqanka iyo Wasiirka Caafimaadka. Sidoo kale waxa uu la kulmay wakiillo ka socday kooxaha dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.sawir2

Wadaxaajoodkii u dhexeeyey labada dhinac ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa xudduntiisu ahayd samaynta Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo la doonayo inay wax ka qabato dhinacyada waxbarashada, shaqa-la’aanta, caafimaadka iyo ka-qaybgalka siyaasadda.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali ayaa yiri: “Siyaasaddan dhalinyaradu waxay diiradda saaraysaa awood-siinta dhalinyarada Soomaaliyeed waxana ay u oggolaanaysaa inay ka qaybgalaan dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada dalka. Si isbeddel loogu sameeyo Soomaaliya, dhalinyaradeenu waa inay noqdaan udub-dhexaadka xasiloonida, isbeddelka bulshada iyo horukaca dhaqaalaha.Ka-qaybgalkooda dib-u-dhiska Soomaaliya waxa uu noqon doonaa mid muhiim ah waxana siyaasaddan ay fududeyneysaa inay kaalin weyn ku yeeshaan hannaanka go’aan-gaarista ee dalka. Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an iney dhalinyarada siiso xirfadihii loo baahnaa iyadoo u maraysa waxbarasho tayo leh iyo tababaro xirfadooda kor loogu qaadayo”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhalinyarada Mudane Ahmed Alhendawi oo isaguna hadlay ayaa yiri: “Waxaan halkaan u imi maxaa yeelay waxaan rumeysnahay in hantida ugu badan ee uu dalkani leeyahay ay tahay dhalinyarada. Waxaan ogahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhibaato ka soo gaadhay khilaafkii uu dalku soo maray. Waxaa la joogaa xilligii la siin lahaa cod”.sawiir

Booqashadan ayaa xaqiijinaysa ka- go’naanshaha Qaramada midoobey ee taageeridda barnaamijyada ay Xukuumadda Soomaaliya ku gacan siineyso dhalinyaradeeda sida uu sheegay Ahmed Alhendawi.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.