Home » Faallo »

Taariikhdii Suldaan Cabdulaahi Siid Cismaan Caliyow oo Dhawaan ku Geeriyoodey Muqdisho

Waxaa Dhawaan Magaalada Muqdisho ku Geeriyoodey Taariikhda markey ahayd 23-kii Ogoosto 2014 Suldaan Cabdulaahi Siyid Cismaan Caliyow Idiris waxaa uu ku dhashey Magaalada Muqdisho Sannadkii 1958 –dii Waxaa loo Caleemo saarey Suldaanimada Sannadkii 1992 ka dib markii uu Geeriyoodey Suldaan Xasan Cismaan Caliyow oo isagana Suldaanimada ka dhaxley Awowgiis

tscsi66 Suldaan Cabdulaahi Siyid Cismaan Caliyow waxaa uu qayb ka soo qaatey Dib heshiisiinta Ummada Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Suldaanadii ka qayb galey Shirki Dib u heshiisiinta Embagati ee lagu soo dhisey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf ee Sannadkii 2004-tii

Suldaanka waxaa u ahaa Shaqsi ku weyneyd Midnimada Ummada Soomaaliyeed, wuxuu Naftiisa u hurey sidii Soomaaliya uga bixi lahayd Dhibaatada mudada Dheer ku soo jirtey sidoo kale waxaa uu ka qayb qaatey Heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee Dirirtu Dhexmartey ee Dalka Gudihiisa

Suldaan waxaa lagu Aasey Tuulada Mareerey oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose oo ah Xarunta Saldanada, waxaa uu Ifka uga tagey Laba Xaas iyo Sideed Caruur,waxana Halkaan Tacsi uga diraya Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle Weyn oo u Gudoomiyaha ka yahay Ing Siidow Xasan Mahdi iyo Xaaskisa Mulki Xaaji Siidow iyo Wiilkooda Zaki Sidow Xasan Mahdi ,

waxaa kale oo halkaan Tacsi uga diraya Prof Idiris Maxamed Cismaan iyo Walaalihiisa iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Hintire waxayna Dhamaantood Ilaah uga Baryeen in uu Janadii Fardowsa ahayd ka Waraabiyo Eheladiisana Samair iyo Iimaan ka siiyo Aaammiin …. Aaamiin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.