Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFS Gaaray Itoobiya

Warsaxaafadeed:

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis-Ababa

Addis-Ababa. 19, August, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiri galinta Maalgashiga mudane Cabdiraxman Ducaale Bayleh iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha mudane Axmed-Daahir Cabdikarin Nuur, ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa, si ay uga qayb galayaan shir ay soo qaban qabisay Hay’ada Qaxootiga Aduunka (UNHCR)
somali163
Shirkaan oo bari furmaya ayaa waxaa ka soo qayb galaya wadamada gobolka sida Yeman,, Jabouti, Ehtiopia, Kenya iyo Ugandha, iyo Hay’ada kale oo caalami ah. U jeedada shirkaan laga leeyahay ayaa ah, si ay dowlada Soomaaliya ugu muujiso caalamka sida ay u go’an tahay in xal waara loo helo qaxootiga Soomaaliyeed oo ku nool wadamda dariska ah.

Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo jeedayo firkarado xal u keenaya qaxootiga soomaliyeed iyo in wadamada gobolku ay ka qaataan u jeedo midaysan. Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu dadaal u gali doonaa sidii caalamka looga dhaadhicin lahaa in dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo sidii Qaxootigu dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa siinaysa shirka muhiimad gaar ah, madaama Qaxooti Soomaaliyeed oo tiro badan ay ku sugan yihiin wadamada dariska ah, taas oo culays ku ah gobolka iyo dowlada Soomaaliya

–DHAMAAD–

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Addis-Ababa Ethiopia
Media@opm.gov.so

R.W Cabdiweli Oo Maanta ka qeyb galay Daahfurka Mashruuca yareynta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka

Muqdisho, Augsut, 19 ,2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daahfurayey ololaha dardargalinta yareynta halista dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed xiliga umusha, waxaana iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’addo Caalami ah.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, dhakhaatiir, khubaro dhanka caafimaadka ah, Safiiro, qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud oo munaasabadda ka hadlaya ayaa mahadcelin kaddib sheegay in wasaaradiisu ay ahmiyad gaar ah siin doonto dadka soomaaliyeed sidii ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Ra’iisu Wasaare Cabdiwali Sh Axmed ayaa sheegay in nidaamka caafimaadka dalku uu yahay mid aad u liita ayna xukuumaddiisu mudnaanta koowaad siinayso sidii uu miro dhal u noqon lahaa barnaamijkaan cusub.

“Aad ayaan uga xanuunsanayaa in Hooyada Soomaaliyeed aysan helin daryeel caafimaad xilliga ay ku guda jirto dhalmada, maanta Soomaaliya waxay gashay heerka ugu hooseeyay caalamka oo hooyooyinku ku umul raacaan, waa in aan aad uga fakernaa sidii wax looga qaban lahaa caafimaad xumada haysata Hooyooyinka iyo Caruurta oo ah kuwa ugu nugul bulshada, waxaan ka rajaynayaa in caalamku nagu garab istaagayo hirgelinta adeegyada caafimaadka, ummad aan caafimaad lahayn ma gaari karto horumar iyo nolol fiican” ayuu yiri Ra’iisu Wasaare Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka dadaalka ay ugu jirto dadka Soomaaliyeed sidii ay ku heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana meesha ka saara dhibaatooyinka soo wajaha hooyooyinka Soomaaliyeed xiliga dhalmad.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii danbe ee maanta u ambabaxay dalka Ethiopia halkaas oo maalinta bari ah uu ka dhici doono shir Caalami ah oo kasoo qeyb galayaan Wadamada Marti galiya Qaxootiga Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

Ahmed-nuur Mohamed
Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdihsho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.