Home » Warar »

Madaxweynaha oo ka qayb galey Kulan looga hadlayey Dagaaladii Dhawaan ka dhacay Muqdisho

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 16-8-2014

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galey Kulna looga hadlayey Arrimaha amaanka iyo Hub ka dhigista ka dib markii Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Dagaalo ku yimid Barnaamjka Hub ka dhigista oo ka dhacay Degmada Wadajir , kulankaan oo ay ka qayb galeen Taliyayaasha Ciidamada iyo wasaarada Aminiga ayaa waxaa warbixin looga dhageystey halka uu marayo Ololaha Hubka looga dhigayo dadka ay dowladu sheegtey in ay haystaan Hub Sharcidaro ah, waxaana la isku afgartey in la si wado Hub ka dhigista ka bilaabantey Magaalada Muqdisho.

Hogaanka Socdaalka oo ugu baaqey Dowlada in ay Joojiso Duuulimaadyada ka Imaanaya Wadamada uu ka Dilaacay Cudurka Ebola

Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqey Dowlada in ay joojiso Duulimaadyada ka Imaanya Wadamada ay Saameeyaan Cudurka Ebola ka dib markii ay u dhinteen Dad fara badan, Madaxa Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyada Gen Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in Wadamo ay ka mid yihiin Sacuudiga Cudurkaas isagoo sheegey in maalin waliba ay ka yimaadaa Dad fara badan Dalkaas,waxaa uu sheegey in Wasaaradaha Arrimaha Dibada, Amniga iyo Caafimaadka uu u qorey Qarqado uu ka dalbanyo in arimahaasi wax laga qabto.

Wiil uu Adeer u yahay Raiisul Wasaarihii hore oo ku Geeriyoodey Wadanka Ciraaq ka dib markii uu ku biirey

Dowladda Kanada ayaa shaacisey in Wiil uu adeer u yahay Raiisul Wasaarihii hore Cabd Faarax Shirdoon Saacid uu ku Geeriyoodey dalka Ciraaq ka dib markii uu dhawaan shaaca uu ka qaadey in ku biirey Ururka Daacish islamarkaana uu Gubey Baasaboorkiisii ee Dalka Kanada hase yeeshee ilaa iyo hada Ma cadda Geerida Wilkaas oo lagu Magacaabo Faarax Maxamed Faarax Shirdoon sidoo kae wax war ah kama soo bixin Ehelada Wiiilkaas ee ku aadan Geeridii Wiilkaas dhinaca kale wax war kama soo bxin ururka Daacish ee uu kal hore uu ku biirey.

Xasan Shiikh Wareegto uu soo saarey ku Magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe

Madaxweynaha Dowadda Federalka ayaa Wareegto u soo saarey ku magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe ka dib markii Xilka laga qaadey Gudoomiyihii hore Cabd Jiinow oo mudd aan sidaa u badneyn hayey Xilkaas, Gudoomiyha Cusub ee loo Magacaabey Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa lagu Magacaabaa Cali Guudlaawe Xuseen , waxayna Magacaabistiisa ku soo beegentey Xili la hadal hayo in Gobolada Hiiraan Shaeelada dhexe la isku dari doono loona dhisi doono Maamul Goboleed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.