Home » Warar »

Wasiirka Kalluumaysiga DFS oo ka hadlay Warqadii June 30, 2014 uu Madaxweynaha DFS u gudbiyey UN-ka

Qoraalka ay Norway u diyaarisay Soomaaliya waa mid lagu soo cusboonaysiinayo muran gelintii badda Soomaaliya…. Waa qoraalka july 21, 2014 uu madaxweynaha DFS u gudbiyey UN … Waa murankii ay diideen baarlamaankii hore oo lasoo cusboonaysiiyey….

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ka hadlay warqaddii madaxweynaha DFS u gudbiyey Qaramada Midoobey ayaa yiri “warqadda uu Madaxweynaha Soomaaliya u diray Qaramada Midoobay loo turjuntay si khaldan,” waa sida ay ka soo werisey idaacadda ku hadasha afka DFS ee Raadiye Muqdisho.

Aan markale eegno arrinta wasiirku difaacayo. Warqadda uu madaxweynaha DFS u diray UN-ka June 30, 2014 waxaa ku cad sidan “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka xeebta aragtidooda xadeeynta EEZ-ka badda”.

saxiix2

Warqadda madaxweynaha DFS u diray UN: EEG HALKAN

barroowWasiirka Kalluumaysigu malaha qaybtaas ma akhrin. Maxay taasi kaga duwan tahay “muran gelintii badda” ee ay horseeday Dawladdii KMG ahayd ee ay garwadeenka ka ahaayeen Sheikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid.

Tan kale aan jalleecno shirarkii uu dhawaanta ka qayb galay wasiirku:

Kulan ay goob jooge ka ahaayeen Wasiirka Kalluumaysiga DFS iyo ku xigeenkiisa, oo April 2 ilaa 6 ee sannadkan 2014 lagu qabtay magaalada Beau Vallon ee dalka Seychelles ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa in “lagu dhawaaqo EEZ-ka Soomaaliya” waa sida ku cad warbixintii laga soo saaray maalintii kulanku qabsoomay.

Waxaa xigey kulan May 3, 2014 lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee gumeysiga Itoobiya, kulankaas qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa in la dhamaystiro “Diiwaan gelinta EEZ-ka Soomaaliya,” waa sida warbixintii ka soo baxday ku cad. Waxaana kulankaas lagu sheegay in kulan kale lagu qabanayey Seychelles dhammaadkii June 2014.

Kulamadaas waxaa ku cad in uusan wasiirku ka hadlin in badda soomaaliya lahayd xeer Law no. 37. Waxayna uu muuqdeen kulamo gogol dhig u ah arrinta ay ka hadashay warqadii June 30, 2014 uu madaxweynaha DFS u diray UN. Tan kale Itoobiya maxaa ka khuseeya baddeena.

Dhanka kale madaxweynaha DFS oo July 22, 2014 ka qayb galay kulankii lagusoo xirayey ayaa sheegay in ay qoraal kale July 21, 2014 u gudbiyeen UN.

Qoraalkaas dambe oo ay soo diyaarisay Norway waa mid si qayaxan muran loogu gelinayo badda Soomaaliya, waa qoraal soo cusboonaysiinaya murangelintii badda ee baarlamaankii hore diidey. Wasiirka ayaa laga sugayaa sharaxaad kale, baarlamaankiina waxaa warkaas loo sheegay markii madasha sannadkan la xirayey.

Eeg qoraalka Norway u diyaarisay soomaaliya

Tixraac: http://oceansbeyondpiracy.org/fisheries-working-group

Warkii Raadiyo Muqdisho oo dhamaystiran waa kan

Wasiirka kalluumeysiga oo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in badda la iibsaday

Published on July 21, 2014 by Mohamed White-ka

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmarayay oo ku aadanaa heshiis dhinaca soohdinta badda Soomaaliya oo lasheegay in dowladdu ay la saxiixatay, Isagoo ku tilmaamay shakhsiyaadka Wararkaasi faafinaya in ay yihiin kuwo ka soo horjeeda in Soomaalida ay ka faa’ideestaan Kheyraadka Badda.

Wasiirka Wasaradda kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ee Xukuumadda Feredaralka Soomaaliya Mudane Maxamuud Caloow Barroow oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa xusay in aytahay mid been abuur ah wararka tilmaamaya in dowladdu ay heshiis la gashay dowladda Kenya ee dhanka badda ku saabsan.

“Wasaaraddu waxa ay shacabka u caddeyneysaa inaysan waxba ka jirin, arrinta heshiiska badda, mana jirto heshiis aan la galnay dowlada Kenya ama aan la galeyno oo ku saabsan xadka badeena, wararka ay baahiyeen warbaahintuna waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, ma nihin dowlad cusub sida dalalka ka go’ay Ruushka, waxaan xoriyadda qaadanay 1960-kii Xaduudda badda Soomaaliyana xilligaasi kahor ayaana la sameeyay xaduudaha badda, halka Kenya ay xornimada qaadatay 1963-dii” ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in warqadda uu Madaxweynaha Soomaaliya u diray Qaramada Midoobay loo turjuntay si khaldan, isagoo tilmaamay in dadka buun buuninaya wararka been abuurka ay yihiin shaqsiyaad ka soo horjeeda in laga faa’iideysto kheyraadka dalka.

Sidaas waxaa qoray idaacadda Raadiyo Muqdisho

..

https://somalitalk.com/2014/07/08/badda-soomaaliya-2014/

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Wasiirka Kalluumaysiga DFS oo ka hadlay Warqadii June 30, 2014 uu Madaxweynaha DFS u gudbiyey UN-ka "

  1. wadani says:

    Baddena norway baa loo xil saray in aay saay doonaan ka yeelaan ilaa 2009.Kenyana documents badan sameeysteen oo been abuur ah. Bal iminka eega documents kaan page UN ka ilaa yemen sheekada ku jirta. http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/som_2009_preliminaryinfo.pdf

  2. somalitalk illaahay ha idin daayo taariikhdaa idin sheegi doonta,badayada ethiopia,iyo kenya ayaa u tashaday norwey oo jawaari hoosta ku wadata ayaa rabta inay xasan sheekh xooaa dhaqaaala ah ku siiiso.

    waxaan rajaynayaa inaad mar walba arini meel ay mareyso soomaalida la socodsiisaan.

    w

  3. axmed says:

    Itoobiya mar dhow waxey soo iibsatay 9 markab. Itoobiya bad maleh marka maxey usoo iibsatey maraakiibtaas? Haddii badda Soomaaliya lasoo yareeyo, itoobiya waxey fursad uheleysaa in badda ey soomaaliya dacayday ey si sharci ah ooga kaluumeysato maadaama ey biyo caalami ah noqonayaan.