Home » Warar »

Xildhibaan Xiddig “Waxaan Beesha Caalamka u sheegayaa in aynaan marnaba Gorgortan ka galeynin Biyaha Badda Somaaliya”

Iyadoo muddooyinkan dambe dib ay u soo cusboonaatay arrinta heshiiskii xadeynta Badda Soomaaliyeed ayaa waxaa mar kale arrintaa daah rogay Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaasoo tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo marka hore hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid aan haatan loo fadhiyin in la soo hadal qaadaba, wixii heshiiskaas Badda Soomaaliyeedna ay meel marisey xukuumaddii Dhaxe ee Soomaaliya.
Xildhibaan Xiddig ayaa intaa ku daray in Baarlamaankii ku meel gaarka ahaa ee Soomaaliya uu meel mariyay mowqifka Soomaaliya ee heshiiskaas wax hadda soo cusbooneysiiyayna uusan garanayn.

xiddig9

Xildhibaan Xiddig ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in Soomaaliya gorgortan ka galayn xadeynta Biyaha haddii arrintaa Baarlamaanka Soomaaliya la hor keenana uu mowqifkoodu cad yahay marnabana aysan oggolaan doonin.

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Abuukar Macalim oo ka qayb galay doodii laga sameeyay Heshiiskaas ayaa ku tilmaamay Xukuumadda Kenya in ay waddo barnaamijkan iyadoo ujeedooyin gaar ah ka leh.

Aqoonyahanka ayaa xukuumadda Kenya ku sheegay in danaha ay ka wadato ay tahay inay qaadato qaybo ka mid ah dhulka Sharciga ah ee uu caalamku aqoonsan yahay taasoo uu sheegay in muddo la joogaba ay dib u soo nooleyneyso.

Aqoonyahan Abuukar Macalim ayaa intaa ku daray in wixii wada hadal ah ee Badda Somaliya ku saabsan ay suurta gal tahay markii ay timaaddo Dawlad rasmi ah ee Soomaaliya oo dhan matasha in la galayo wixii hadal ah ee ku aadan heshiiskaas inta ka horeysana uu shaqaynayo heshiiskii ay hore u saxiixday xukuumaddii dhaxe ee Soomaaliya.

Si kastaba Soddonkii Bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu Qaramada Midoobay waraaq uu ku sheegayo inuu diyaar u yahay inuu kala hadlayo cid kasta oo dooneysa in Biyaha Soomaaliya laga wada hadlo taasoo caro badan dhalisey isla markaana siyaasiin, Wax garad iyo muwaadiniin Soomaaliyeed si kulul uga hadleen.

W.D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.