Home » Faallo »

Sweden: Xarunta dhaqanka Islaamka oo soo bandhigtay aqoon isweydaasi ku saabsan badbaadinta caruurta soomaaliyeed ee reerahooda laga qaato

Hordhac:  Guud ahaan wadamada qaarada yurub, gaar ahaana wadamada iskandaneefiyaanka ayaa waxaa sanadihii ugu dameeyey aad ugu soo badanaayey waalidiinka caruurtooda laga qaato. Caruurtaas ayaa badanaaba waxaa loo geeyaa dad dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ka duwan caruurta. Arintaas ayaa waxaa ay keentaa in dhaqankii iyo diintii islaamka ee caruurta soomaaliyeed haysteen uu gebi ahaanba tirtirmo ama ay waxyeelooyin waaweyn soo gaaraan. Dhibaatadani waxaa ay saameyn weyn ku yeelataa waalidiintii caruurta dhalay ee ku soo tabcay iyo weliba guud ahaan soomaalida halaa ku dhaqan. Waxaa marar badan dhacda in dhibtu aaney ku ekaan caruurta oo la qaato balse waxaa dhacda in waalidiintu xarig mutaystaan. Haddaba Masjidka soomaaliyeed ee ku yaal xaafada Rinkeby ee caasimada dalka sweden ee Stockholm ( Masjid Al-nur) ayaa waxaa uu soo bandhigay qorshe aad loogu qancay oo loogu magac daray ” Bilowgii wanaagsanaa”

Bilowgii wanaagsanaa

Imaanka masjidka soomaaliyeed ee Rinkeby, Xuseen Faarax oo kaashanaaya xarunta dhaqanka Islaamka  ee isla xaafadaas ayaa waxaa ay baaritaan iyo lafagur ku sameeyeen dhibaatooyinka ugu waaweyn ee keena in caruurta soomaaliyeed reerahooda laga qaato, loona geeyo dad aan la dhaqan iyo diinba ahayn. Imaam Xuseen faarax iyo aqoonyahanada la shaqeynaayey waxaa ay ugu horeyn aqoonsadeen dhowr arimood oo saldhig u ah qaaditaanka caruurta. Qodobka ugu horeeya ee dhaliya qaaditaanka caruurta ayaa ah isfaham waaga dhexmara waalidka iyo hay`aadka qaabilsan arimaha caruurta. Haddaba isfaham loo abuuro ayaa waxaa hal meel la isugu keenay qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha waaxda arimaha bulshada, madaxda booliiska iyo qaybo kale oo bulshda ka mid ah oo arinkaan saameyn ku yeesha, sida waaxda arimaha  dhalinyarada iyo caruurta. Waxaa kaloo goobta lagu casumey dadweyne soomaaliyeed oo aad u badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada. Ujeedada ugu weyn ayaa ahayd in laga gudbo kala qoqobnaanta iyo fikiradaha qaldan ee lakala aaminsan yahay loona gudbo isfaham iyo wadashaqayn. Dulucda aqoon isweydaarsiga ayaa ah in mar walba  la eego meesha u fiican caruurta.Barnaamijka oo faahfaahsan laguna turjumaayo afka soomaaliga waxaad ka daawan kartaa halkan hoose.

Dardaarankii imaam Xuseen Faarax

Sheekh Xuseen Faarax ayaa arinkaan kala geynta waalidka iyo caruurtooda aad uga dhiidhiyey, kuna dadaalay inuu wax ka qabto isagoo  kaashanaaya dadweynaha soomaaliyeed. Haddana waxaa uu baaritaan badan ka dib uu sheekh xuseen faarax ka digey arimahaan soo socda:

  • Waalidka oo dhibka qarsada:  Waxaa la doonayaa in waalidka kolka ay arintaan qaadista caruurtu soo foodsaarto ama uu qiyaaso in arinkani kusoo fool leeyahay uu la socodsiiyo qaraabada, waxgaradka soomaaliyeed iyo culimada. Haddii dhibaatada la qarsado oo waalidku keli ku noqdo waxaa dhacaysa in si sahal ah looga guuleysto
  • Kala noolaashaha qoyska ( separate): Arintaasi diiniyan waa mid qaldan, waxyna horseedaa bur bur qoyska ah iyo daldaloolo badan oo soo baxa.
  • Hooyooyinka dalbada iney keligood caruurta masuul ka noqdaan: Arintaani waxaa ay keentaa in kolkii dhibta qaadista caruurtu timaado ay adkaato in caruurta waalidkii kale loo dhiibo.
  • In labada waalid midba midka kale uu dacweeyo si uu isagu ilmaha u helo. Arinkaas ayaa inta badan sida aanu aragnay ku dameeya in labada waalidka ay waayaan caruurtooda.’
  • Warbixin la`aanta: Waxaa waajib ah in waalid walbaa uu ku dadaalo inuu fahmo meelaha laga soo geli karo , uuna mar kasta raadiyo warbixin, ahaadona mid firfircoon oo la socda waxyaalaha ka imaan kara iskudhaca dhaqanka iyo waxyaalah ay keeni karaan.

 

Xusuusin: Imaam xuseen faarax iyo gudiga isku xirka waalidiinta waxaa ay ku guuleysteen in caruur badan oo reerahoodii laga qaaday dib loo sooceliyo. Waxaa kaloo ay ku guuleysteen iney abuuraan jawi isfaham iyo wadashaqayn dhexmara waalidiinta iyo hayàadka maamula arimaha caruurta.

Mahadanidin

Daawasho wacan Barnaamijka : Bilowgii wanaagsanaa.

abdirisaq9

Qoraalkan waxaa diyaariyey:

C/risaq Maxamed Xuseen ( macalin c/risaq)

habdirisak@hotmail.com

Eskilstuna, Sweden

 

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sweden: Xarunta dhaqanka Islaamka oo soo bandhigtay aqoon isweydaasi ku saabsan badbaadinta caruurta soomaaliyeed ee reerahooda laga qaato "

  1. Ahmed saciid says:

    ASC. bahda somalitalk mahadcelin baan usoo jeedinayaa, soo gudbinta barnaamijkaan qiimaha leh. waa barnaamij looga baahan yahay qaarada yurub oo dhan iyo weliba waqooyiga ameerika. sheekha barnaamijka isku soo duba ridey ee dadkaas kala duwan isu keenay si uu u abuuro is faham dhexmara gaalada iyo waalidiinta, ilaahay ajar iyo xasnaad haka siiyo. waxaan soo jeedinayaa in barnaamijkaan la sii wado, ilaa inta laga gaaraayo is faham buuxa. weliba in lagu daro in baadi goobo qoysas ku haboon iney caruurta la soo qaatay hayaan, qoysas soomaali ah ama muslimiin ah. aad baad u mahadsan tihiin dhamaan inta gacan ka geysatay