Home » Warar »

Gudoomoyaha Jaamacadda Imam oo kulan furan la yeeshay Ardayda & Macallimiinta Jaamacadda.

Jaamacadda Imam waxa ay qabatay Kulan Furan oo ay u qabatay Ardayda taasoo ay kazoo qeyb galay Gudoomiyaha Jaamacadda, Dr.XasanAlbasri Sh. C.qaadir, sidoo kale qeybaha kala duwan eeMaamulka Jaamacadda, Macallimiinta iyo Marti Sharaf kale.

Kulanka oo ahaa mid xiiso gaar ah lahaa waxaa lagu bilaabay Kalmado Baraarujin ah oo ay soo jeediyeen Macallimiinta qaar ka mid ah sida: Ustaad C.raxman Barrow  iyo Sh. Axmed Sh. Cumar Nur, sidoo kale waxa ka hadlay Ustaad Abuubakar Xaaji Khalifa,  oo ah Mas’uulka arimaha Maamulka isagoo ka warbixiyay Jaamacadda iyo qeybaha ay ka koobantahay iyo Nashaadaadkeeda xilligan.

Ka dib waxaa Kalmad ku aadan Arimaha Akaadiimiga ee Jaamacadda qaatay Ustaad: Shaafici C.caziz Xaaji Dhafe, oo ah Mas’uulka arimaha Akaadiimiga ee Jaamacadda,  isag aoo ku dheeraaday Dadaalka Jaamacadda ay ugu jirto Horumarinta Manhajka oo uu tilmaamay in ay Jaamacadda Hormarwayn ka sameysay, isaga oo intaas ku daray Ballan-qaad ah in ay Jaamacadda u qaban doonto ardada Siminaaro Free ah xilliga Fasaxa.

Intaa Kadib waxaa fursad  la siiyay ardada iyagoo soog udbiyay su’aalo ku aadan Jaamacadda iyo xiriiradeeda, sidoo kalana soo bandhigay afkaar qiimabadan oo ku aadan Horumarka Jaamaadda.

Ugudanbeyn waxaa ka hadlay Kulanka Gudoomiyaha Jaamacadda, Dr. Xasan Albasri Sh. C/qaadir, oo  u mahadceliyay ka soo qeybgalayaasha sigaar ah Ardada, isagoo kudhiirri-galiyay in ay dadaalaan horeyna u socdaan.

Gudoomiyaha waxa uu ka jawaabay su’aalaha ay ardad usoo jeediyeen, isaga oo tilmaamay in Jaamacaddu hadda mareyso meel lagu faani karo, xiriirkeeda Gudaha iyo dibadan uu aad u fiicanyahay, taasoo uu sheegay in ay Jaamacaddu xubin ka tahay Dallado kuhawlan Tacliinta Sare oo ka jira wadanka gudiiisa, sidoo kale ay jiraan Jaamacaddo dibada ah oo  ay heshiisyo la gashay Jaamacadda, qaarkoodna hadda ay u socdaan wadahadallo.

somali102

Gaba-gbadii waxa uu Gudoomiyuhu u mahadceliyay Macallimiinta Jaamacadda dadaalka ay ugu jiraan Fidinta Aqoonta iyo ka qeyb qaadashada Hormarka wadanka.

Max’ed Max’ud 

mullah40@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.