Home » Faallo »

DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ (2) !!!!

HORUDHAC :
Maqaalkaygii hore waxaan ku balan qaaday in aan qeybta labaad ugaga hadlo xiritaanka Shiikh xasan Daahir Aweys !!!.
Marka hore aan Taariikh kooban aan ka iraahdo Shiikha oo markii ugu horeysaan aan bartay Abaarihii 1977, Masaajidka Suuqa Siigaale oo uu kutub ka akhrisan jiray asagoo waliba marmarka qaarkood ku imaan jiray dirayska Ciidanka Asluubta .
Shiikh Xasan waxaa markiisii hore uu caanku noqday Ardaydii ugu horeysay ee ka aflaxay Shiikh Cali Suufi Raximahullaah ee ka bartay sida Quraanka Tajwiid loogu akhriyo, sidoo kale waxaa ka mid ahaa Shiikh Mukhtaar oo arday fara badan kiciye iyo shiikh aan magaciisa ka xasuusto Shiikh Axmed oo isla masjidka Suuqa siigaale Tajwiid ka akhrin jiray.
Waxaa kaloo uu ku biiray xarakaddii AL-itihaad 1983 oo uu ka mid ahaa raggii ugu cadcadaa ilaa ay isku badashay Al-ictisaam, Shiikha wuxuu ka mid ahaa waddaadadii 1986 uu siyaad Barre ku xukumay Dil oo markii danbe laga khafiifiyey ,Maxkamadaas goob joog baan ka ahaa waan dhageystay LIVE labaddii maalmoood ay socotay.

Shiikha oo lagu naaneyso Abuu Jihaad :

Shiikha oo magacaas lagu naaneyso waxaa Jihaad ugu dhawaa kii 1977 Amxaaradda lagula Dagaalamay intii ka danbeysay waa Dagaallo Fitno laga soo bilaabo Dagaalkii Ararsame ee Kismaayo 1991, kii Puntland ee 1992-1993 ,kii Luuq ee 1995 .kaas oo xarakaddii AL-itihaad ku burburtay oo ay ka baxeen Xarakadda haatan loo yaqaano AL-salafiyah Al-jadiidah oo ay madax ka yihiin shiikh Cukaasha ,Mohamed Abdi Daahir iyo DR. Axmed Daahir Aweys (1) oo shiikha walaalkiis ah .
Shiikha wuxuu mar labaad soo caan baxay Waqtigii Maxaakiimtii iyo Warlordkii 2006, wixii ka danbeeyeyna waan ogeyn markii Maxaakiimtii la maran habaabiyey oo ay diideen in Dawladda la heshiiyaan Khartuum2 !!!.
Shiikha waxaa lagu badbaadshay Ururkii Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed oo ay u kaceen Rag Soomaaliyeed oo Qurbo joog ah ( Somali Diasporo) oo aan annigu ka mid ahaa ,Tarzanna uu Madax noo ahaa, kuwaas oo meel kasta ka qeylshay ilaa Codkoodii la maqlay 2008 .
Shiikha wuxuu ka mid noqday Rag Asmara ku haray oo ka falaagoobay Ururkii Isbahaysiga , laakiin Ururka Isbahaysigii intoodii ugu badneyd 134/191 ayaa july 2008 Heshiis ku Qaatay Jabuuti.

Shirkii Culumadda Soomaaliyeed Siiba AL-ictisaam ee ka dhacay Muqdisho Feb,2009.

Sida ku cad Muxaadaradda Shiikh Mohamed cabdi Umal uu jeediyey markuu ka soo laabtay shirkaas oo magaceedda la yiraahdo ( الصومال بين الآلام والآمال ) ayuu shiikhu ku sheegay waanwaantii ay ka dhex qabteen Xisbul Islaam iyo Dawladda Shiikh
Shariif iyo waliba AL-Shabaab .
shirkaas wuxuu Mustaqbalka Soomaaliyeed u horseedaayey in ay Nabad ku wada noolaadaan haddii la
raaco Qoddabadii ka soo baxay oo ay ka mid ahaayeen.
1) In aan lala dagaalamin dawlladda shiikh shariif ee wada hadal wax looga dhameysto.
2)In dawlladdu shareecadda Islaamka ku dhaqanto.
3) In ciidamadda Maleeshiyaatka lagu daro Ciidamadda Soomaaliyeed. IWM.

Shiikh Umal wuxuu caddeeyey in Dawladda Soomaaliyeed ay qaadatay Heshiiskaas oo dhan bilaa sharuud.
Xisbul Islaam oo uu markaas hogaamiyaayey DR. Cumar Idirsi (2) ay yiraahdeen Madaxdeena ayaan la soo
tashaneynaa ??? waa Kuma Madaxdaasi ??? Akhristoow iska garro waa shiikh xasan ???!!!.
Shiikh Umal wuxuu sheegay in asaga oo shan Culumo oo kale ay shan maalmood la fadhiyeen Madaxda
AL-shabaab se ay kala soo noqdeen wax aan dagaal aheyn ma yeelayno .

Soo Noqoshadii Shiikh Xasan daahir aweys ee Muqdisho:

Bishii May Horaanteedii 2009 ayuu Shiikh Xasan Daahir Aweys ku soo noqday Magaalladda Muqdisho ,
Halkaasna wuxuu kaga dhawaaqay in uu Dawllada la dagaalamaayo inta wadanka Ciidamo shisheeyo ku jiraan.
Hadalkaas ayaa dhiiro galiyey AL-shabaab Dagaalkuna sidaas buu ku bilaabmay ilaa haatanna wuu socdaa.
Dawladdii Shiikh shariif labo waxyaabood oo muhiim ah ayey keentay :

1) In Dawlladda Ethiopia Dalka kala baxdo Ciidamadeeda , weyna Sameeysay Bishii Feb,2009.
2) In Dawladdii C/llaahi yusuf la badalo oo Doorasho la galo ,taasna waa dhacday jan,2009.

Haddaba Shiikh xasan Daahir Aweys oo mar hore yiri : Haddii Heshiiska Sh Shariif uu wax la taaban karo keeno
waan aqbaleynaa , se ballantaas Reerkiisa ayaa u diiday oo yiri : ( Ha Aqoonsanin Sh shariif Dawladdiisa ) Adiga
ayuunbaa ( leader ) no ah marka marna ha aqoonsanin ???!!!.
Waligeey isma laheyn Shiikh Xasan Daahir ayaa ka soo Horjeesanaaya Go’aanka Culumaddii Saaxiibadiis ahaa
ee AL-ictisaam , se Qabiili ayuu noqday taas darteed ayuu uga soo horjeestay Dawlladda Sh .Shariif.
Maqaalku waa ila dheeraanayaa Qeyb Seddexaad ayaan kaga Hadli doonaa Burburkii Xisbul Islaam oo uu uga
horeeyo Shiikh Xasan markii uu u Hiilin waayey Shiikh Axmed Madoobe iyo Raaskambooni Qabiil Dartiis.
Markaas ayaa waxaa ku dhaboobay Maahmaahdii Carbeed ee aheyd :
( الا اني اكلت يوم اكل الثور الابيض ) !!!!
saahid12
Fii Amaani laah
Shiikh Sahid mohamed yusuf
Gobolka Va, USA .
sahidyusuf@yahoo.com
AL-Mutakhasis fil Xarakaat AL-Islaamiyah.
1) Reer Daahir Aweys waa qoys culumo ah DR.Axmed daahir awes oon reer Arbaca Rukun isku aheyn 1977.
DR. C/raxmaan Daahir Aweys oo xarako kale isku naqaanay .IWM.
2) DR. Cumar Idiris NIn Caqli badan oo asaga kaligiis ayaa ka faa’ideystay Waannadii Culumada taasna waa lagu
xasuusan doonaa !!! Gacmihiisa & Afkiisaba waa l.aga magan galay !!!

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ (2) !!!! "

  1. Shiikh Sahid says:

    Sixitaan magaca aan ku sheegay Cumar Idiris waa DR. Cumar iimaan madaxii hore ee xisbul Islaam .

  2. SCWXWB :
    Saxitaan meesha aan ka iri DR. Cumar Idiris waxaan ka waday DR. Cumar Iimaan !!!! waa asaga ruuxa ka faa’ideystay waanadii Culumada ,se shiikh xasan kama faa’ideysanin ???!!!