Home » Warar »

Gollaha Wasiirada oo isku raacay in la furo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho

Muqdisho, —Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Maxamed Xirsi.

Kulanka ayaa looga hadlay Wadooyinka Xiran, Xariga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi, iyo Xarigii loo gaystay xalay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Ugu horayntii Wasaaradaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Howlaha Guud iyo Dib u dhiska iyo Amniga Qaranka ayaa golaha usoo jeediyay inay dhibaatooyin kala kulmaan shacabka ku dhaqanka magaalada Muqdisho qaar kamid ah wadooyinka muhimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee xiran, waxaana golaha Wasiiradu isku raaceen in la furo wadooyinkaas marka laga reebo wadooyinka qaar oo laga sugayo in Wasaarada Amnigu talo ka bixiso qaabka ugu .haboon ee loo furayo.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dood adag ka yeeshay xarigii Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya Mudane Siyaad M Shire oo xalay ay Ciidamadda Amniga Kenya xireen, waxaana goluhu isku raacay xariga Diplumaasiga iyo dhibaatooyinka kale ee dadka Soomaaliyeed kala kulmaan dalka Kenya inay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war cad kasoo saarto.
somali86
Kulanka ay galabta yeesheen golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa in la tixgalio cabashooyinka shacabku ay ka muujiyeen wadooyinka sida gaarka loo xiranayo oo ku soo badanaya magaalada Muqdisho. iyo dhibaatooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen ciidamada amaanka Kenya.
–DHAMAAD—
April 26, 2014–
Communication Department
Ofice of the Prime Minister
Mogdisho- Somalia
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.