Home » Faallo »

Barakaca: Marna ma Muqdishaa Marna ma Goboladaa!!

Nin Odey ah oo Diidey in aan Magaciisa Xigta kuna kulmey Magaalada Muqdisho ayaan weydiiyey mar isaga iyo Caruurtiisa ka soo degeyeen Gaari Xamuul ah halka ay ka soo barakeen ayaa yiri “ 70 Jir baan ahay waxaan ku dhashey Magaalada Buulo Burde waa markii ugu horeysey ee aan aniga iyo Caruurteyda soo Barakacno , marnaba isma oran maanta ayaa ka soo barakaceysaa Magaalada Buulo Burde waayo Xiligi Sagaashameeyadii ee Qabiilka la isku dilaya kama qaxin weliba waxaan dhihi karaa waa Magaalo ka nabad gashey wixii Barakac ahaa ee dalka ka dhacay, weliba waxaa Magaalada Degenaa dadkii weligood Degenaa oo kala qabiil ahaa waxaa ii soo baxay Oraahdii ahayd “ Geeridii Galbeed laga Sheego Gondahaada ka eeg “ waxaa uu sii raaciyey

“Dad badan ayaa Magaalada Buulo Burde Marti gelisey oo u soo qaxay kana yimid Magaalada Muqdisho,marka waxaan aad uga Walwalsanahay dadkii hore u yimid Magaalad ee ka yimid Magaalada Muqdisho waayo, aniga hal mar baan qaxay iyagase waxaa laga yaabaa in ay dhowr jeer qaxeen marka arintu waxay joogtaa “ Adkeyso nin waliba waa markiisa “ waxaa xaqiiqo ah in Xaaladda Soomaaliya aysan fari ka qodneyn ,marka in sidaa la isaga daba Wareego marna Gobolada loo Barakaco , marna Muqdisho loo soo Barakaco waa wax aan Gacmaheenna ku shaqeysaney inta loo laabanayo Wadadii Allle noo jideeyey ha ka yaabin in Barakaco istaago , maanta Magaalada Muqdisho waxay dhaantaa Goboladii, waa wax Dhici karo in hadana laga soo Barakaco Magaaladda Muqdisho”
khasaaro1
Magaalooyinka haatan uu Barakaco ka Bilowdey waa Magaalooyin 23 Sanno la soo dhaafey Nabad ahaa bal fiiri Buulo Burde, Qoryooley, Waajid Ceel Buur waa Magaalooyinkii in badan marti geliyey dad fara badan oo ka soo Barakacay Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo dagaalo aanu ka is taagin, waxaa ii suurtagashey Hooyo Soomaaliyeed iyada Cauurteeda ka soo Barakaceen Degmada Qoryooleey iyadoo uu Raafaadku ka muuqdo ayey ku Calaacashey “ Ka fac ka fac ayaan degeneyn Magaalada Qoryooleey Waxaana ku lahayn Dukaamo Ganasi oo aan Muddo Sanooyin ah isaga nooleyn wuxuna Dukaamadaas naga qaabili jirey , Caruurta Waxbarashadoodii, Caafimaadkoodi iyo wxii kale oo Adeeg ah, maanta waxaan nahahy dad Cayr ah oo aan waxba haysan waana u jeeda Halka aniga iyo Caruurteena ku noolnahay Xiligaas oo ay ii tilmaameysey Aqal Cooshada ka samaysan” waxay intaa ku dartey

“ Waa Dagaal aysan Dowladu si wanaagsan u Qorsheyn waxba tari mayso Magaalo Heblaayaa qabsadey,dadkii degenaa Degmooyinka ay dagaaladu ka dhaceen waxaa loogu siyaadiyey Dhibaatooyin, maanta in aan iraahdo Dowladnimada ma sidaan baa Gardaro iguma aha, waxaan islahaa waxaa idiin imaan doono Dowlad oo Udbaheeda iyo Dhigaheeda Wadata oo muddo noogu dambeysey, hase yeeshee waxaa noo timid Dhibaato iyo Barakac waligey isma lahayn Qoryooley ayaa ka Bakaraci doontaa , waxaan soo gaarney Magaalada Buulo Mareer ka dib waxaan ugu soo gudubney Magaalada Muqdisho oo aan Cidi ka aqoon, waxaa noo baxay gacan na siiyey dad hore ugu soo barakacay Magaalada Qoryool oo nagu Caawiney Aqalkaa Cooshadaha ka sameysan, waxayna iyadoo Ilmeyneysa hadalkeedii ku soo Xirtey “ Wallee meel aan siisanayo Qoryooley ma jirto maanta waxaa ka baahanay Beerahheenni iyo Dukaamadeynii marka Alla Jooga”

Qoys Soomaaliyeed oo Qoxooti ku ahaa Dalka Kenya ayaa markii Cabdiqaasim la doortey waxaa lagu yiri “Dalkii Dowlad baa ka dhalatey “ markiiba Qoyskaas waxaa uu si Hal haleel ah u yimid Magaalada Muqdisho , markii ay mudo yar degenaayeen ayey Dib uga Barakaceen oo ku laabteen Dalka Kenya Dagaalo ka jirey Muqdisho , markii ay Xoogaa nasteen ayaa hadan la yiri “ Dalkii markaan Dowlad baa ka dhalatey oo waxaa la doortey Cabdulaahi Yuusuf , hadana dib bay ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho , markiiba waxaa saameyey dagaaladii ka jirey Muqdisho oo waxay dib ugu laabteen Kenya , Xooga markii ay joogaan ayaa hadna waxaa la yiri” Dalkii markaana Dowlad baa ka dhalatey oo waxaa la doortey Shiikh Shariif, hadana dib bay isku soo maqiiqeen oo ku soo laabteen Magaalada Muqdisho” hadana waxaa saameeyey dagaaladii oo dib bay Kenya ugu laabteen waa Qoys jecel Dowladnimada, hadan waxaa loo sheegey in la doortey Xasan Shiikh dib bay u soo laabteen , ka dibna halkoodii ayey dib ugu laabteen, Odeygii reerka ayaa Wiil Dhalinyaro ah oo uu dhaley wuxuu Aabbih ku yiri “ Aabbe Dowladinimada ma sidaa baa” Odeygii wax uu ku Jawaabo ayuu garan waayey, waayo Wiilkaa Dhalinyarada ah wuxuu Dowladnimada u arkaa mid mar waliba la timaado Dhibaato, marka waa adag tahay wiilka Dhalinyarada ah si looga dhaadhiciyo wax la yiraahdo Dowladnimada waayo mar waliba magacii Dowladnimo ayaa lagu Barakicinaayey”

Hadalka ka soo yeerey Wiilkaas Dhalinyarada markaa dib u eegtid waa wax uu ku Gar helayo waayo Muddo Shan jeer ayuu Barakacay, hada maxa loo sheegayaa dadkii ka soo Barakacay Gobolada Dalka oo lagu yiri Dowladnimadaa idiin soo socota , waxay Badelkooda heleen in ay Guryahoodii iyo Goobahoodii Ganasiga ka soo Barakacaan , marka dagaalka ay Dowladu ku qaadey Magaalooyinka aan kpr ku soo sheegney wuxuu u Muuqdaa dagaal aan Qorshe lagu saleyn waxa ka imaan kara aan laga fiirsan, waxaase yaab leh in Dowladu mar waliba ku Celceliso in Deegaanadaas la geyn doono Gargaar taasoo aan dhaafsiisaneyn Afka baarkii waayo dadka ka Faalooda arrimaha dagaalada ayaa waxay leeyihiin “Maxaa gargaar la gaarsiiyaa, Ciidamadii Magaalooyinkaas qabtey qaarkood ayaaba meel wax loo marsiiyo la’la’ yahay waxaas oo dhan waxaase ka daran in Dowlada ay in badan ku Celcelisey in Shabaab dalka laga Cirib tirayo Sannadkaan , waa yaabee nin aan la soo qaban isaga iyo Hubkiisa sidee loo Ciribtirayaa waxaan hadalkaas ku tilaamayaa mid aan laga fiirsan “

Ugu Dambeyntii Dagaaladaa ka socda Gobolada dalka ee ka dhashey Barakaca aad u Balaaran sow lama dhihi karo Xaalada Soomaaliya waa “ Ha Nasan ”Hadii Muqdisho mar ahayd Hoygii Darxumada iyo Diiifta maanta waa Goboladii oo ku jira Xaaladii mar ay Muqdisho ahayd, waxaa ayaandaro ah hadii la isku Fiirsad Dhibaatada oo Qolo mar ay Barakacdo, waxaa Xaqiiqo Daaraha Dhaa dheer sida Miyir la’aanta ee maanta looga dhistey Muqdisho iyana laga Barakaci doono, waayo maanta ma muuqato Saansaan looga baxayo dhibaatada 23 jirsatey ee Soomaaliya sidoo kale inta iyana la aaminsan yahay Ciidamo shisheeye ayaa Dalka Nabad ku soo dabaalaya ay Xaalada Soomaaliya aysan dhaweyn Xal u helideeda marka arrinku waa Barakaca: “ Marna ma Muqdishaa marna Goboladdaa”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.