Home » Faallo »

Muqdisho Dhufeysyo Badanaa !!

Markii uu waagu baryey waxaan u soo dhaqaaqey Goobteydii Shaqada waxaan arkey Dad meel ku Xoosan oo isugu jiro Odoyaal, Haween, Dhalinyaro iyo Caruur kuwaas oo Laba laba u Faqaya, waxay ka Sheekeysnayaan Guri ku dhow Deegaankooda oo lagu Wareejinayo Dhagaxaanta Waa weyn oo Muqdisho looga Caadeystey in la isaga Difaaco Weerada iyo Qaraxyada , dadka waxay ka Wal Walsanaayeen sida ay u Maareyn lahaayeen waxa ku soo Kordhey Xaafadda waayo deegaanka laguma aqoon Guri Dhufeys laga dhigayo oo Difaac loo sameynayo, waxaana markiiba u dhawaadey Mid ka mid ah Shaqaalihii Dhufeyska Qodayey waxaan weydiiyey Cidda meesha soo degeysa waxaana uu yiri “Walaal inkastoo aanan garaneyn Cidda Soo degeysa hadana waxaa la iigu sheegey in uu yahay Agaasime Guud “ waxaan hadana ku iri” oo ma kaa dhab baa in Dhufeyska loo sameynayo Agaasime Guud “ intuu Shaqadii joojiyey oo kor ii dhugtey oo hadana Qosley buu iyiri “Madax meel ka sareysa oo la salaaxo ma leh “ waxaan ka Codsadey in uu ii jilciyo wuxuuna yiri “ Walaalow bal ka waran mar hadii Madaxtooyadii la galey Agaasime maxaa u yaal sow ma aha in uu Difaac ku ururo oo uu qoto Dhufeyskaan iyo mid ka weyn“

Hadana waan soo dhaqaaqey si aan Xuraansi dheer u helo waxaa la sheekeystey Haween Ilmo ay dhashey Sinta u saaran yahay oo Fiigsan waxaan weydiiyey sida ay wax u jiraan ? inta ay ii soo dhawaatey ayey si hoose ii tiri “Mashaqaa nala soo deristey “ waxayna ku dartey “waxaan sameyno ma naqaan” Waa ay sii hadashey oo waxay tiri “ meel ay degaan miyey waayeen maxay Dhufeyska nagala soo doonteen “ waxaan markaa ka dib weydiiyey waxa Dhibka gaarka ah ku haya? Inta Gadaal u Boodey oo faraha igu soo taagtey sidii aan anigu Dhufeyska leeyahay ayey tiri” Sala Calee xagee mareynaaa !! waxayna hadalkii ku soo Gabagabeysey “ in aan ka Fursan waaye maahina Xaafadu waa ka Guuris “

Waxaan u gudbey mid ka mid Odoyaasha Xaafadda oo Rumey Afka kula jira oo meel Derbi ah fadhiya oo aan u heystey in uu yahay qof wax kala socda waxa meesha ka socda intaanan Su’aal weydiinin ayuu igula soo boodey “Ar maandhow Xee yihiin Cara Tuurkaan iyo dhagaxaantaan waa weyn ee Saakey nalkula soo Jarmaadey “ anigoo la yaaban oo aan jawaabin ayaa nin Sheekadeenii Maqlayey inta soo boodey yiri” Adeer waa Gurigii reer Heblaayo waxa Dhufeyska loo qodayo waxaa soo degaya nin Madax ah” markii uu warkaas maqley isagoo ayaa isagoo indha cadeynaya yiri “ “Nabee Caradu ka Kud waaye” wuxuu intaa ku darey “ Nabee ma Duceysana Xow naga soo dooney ma meel kale uu dego ayuu waayey” waxaan iri “ Adeer ninka meesha soo degey maxaa ku jaban? Intuu Gadaal iiga sikadey ayuu yiri “ waa yaabee hadii la Qodaya Dhufeys saan ah xaa dadka loo ajarayaa oo loo leeyhay Shabaab baa Magaalada laga saaray “

Nin kale oo ka mid ahaa dadkii Xaafadda Sheekadda u Dheg raaricinayey ayaa waxaa uu yiri” Maxaad ula yaabeysaan Dhufeyskaan miyeydaan arag Kacaanka Cusub ee Dhufeysyada ee ka jira Magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah sida Hoteelada Xarumaha Dowladda iyo Meherada kale ee waa weyn oo dhamaantood laga dhigey goobo lama galaan ah , waxaaba u so dheer in la Xirey Wadooyin badan oo dadku mari jiraan marka waxaan Idin leeyahay waxaaba ka hadleysaan Dhufeys la qodey waxaa ka cabasnayaa in aad weydaan meel aad martaan waxaa uu sii raaciyey “ Agaasime Dhufeys Qotey ayaa haatan ka cabaadeysaan waxaa arkey laba Xiddigle ka Tirsan Ciidamada Dowlada oo intuu Dhufeys Qodan lahaa Xirtey Waddo dhan soo gasha Gurigiisa oo dadku mari jireen, waxaa uu sii raaciyey “ aniga waxaa wel wel igu haya in Magaalada Muqdisho oo dhan ay isku bedesho Guryo wada Dhufeys ah oo dadka ay waayaan meel ay ka baxaan oo Jiq la iskku Noqdo “

Markii aan ka soo tagey Dhufeyski Xaafadda laga Qodayey ayaa waxaa arkey nin dalaal ah oo Guryaha Kireeya kuna jirey muddo dheer waxaan weydiiyey Hadal haynta Magaalada waxaana uu Durba la soo boodey “ aniga waxaan kuu sheegi karaa in Guriga Dhufeyska lehi uu wax badan ka Qaali san yahay kan aan Dhufesyka lahayn” waxaan weydiiyey Nuucyada Dhufeyska waxaana uu ku jawabaabey “ Dhufeyska ugu fiican waa midka Sadaxleyda ah “ waxaan ku iri ii faahfaahi midka Saddexleyda “ waxa uu yiri” waa Saddex nooc oo Dhufeys loogu sameeyo Guriga, waa midka Koowaade waxaa marka hore la sameynayaa Carra tuur, marka Xigana waxaa lagu Xijinayaa midka ay sameystaan Ciidamada Amisom,marka ugu Dambeysana waa waa md Dhagaxaanta ka sameysan, Gurigii intaas Dhufeys laga helo waa midka ugu fiican ee Difaaciisa la Isku haleyn karo .

khasaaro
Bulshada Magaalada Muqdisho waxay inta badan ku Taamayeen in mar uun ay dhamaanayaan Dhufeysyada iyo Jid Xirashada hase yeeshee waxay dadku ku kala aragti duwan yihiin sida ay wax u socdaan oo dadka qaar ayaa u Garaabaya Madaxda Dowlada in ay Dhuffeysyo ka qotaan Guryaha Iridooda mar hadii Dharaar cad la weeraray Villa Soomaaliya oo halka looga taliyo Soomaaliya, Kuwa kalena waxay qabaan in Dhufeysyada la qodanayo iyo jidgooyinka Xaaafadaha , Hotelada , Laamiyada iyo Xarumaha Dowladu qaar yihiin Isbaaro Siloon waxayna Waajibeen in la qaado.

Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.