Home » Warar »

Akadeemiye-Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA) oo qabatey Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warbaahinta .

Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Aqoon Isweydaarsi loogu Magacdarey Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warrbaahinta waxaana soo qaban qaabiyey Akadeemiye Goboleedka ee Afka Soomaaliga oo markii la soo gaabiyo loo yaqaan (AGA ) waxaana ka soo qeyb galey ku dhowaad Boqol Xubnood oo ka kala socday qeybaha Warbaahinta ee ka Howlgala Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Kulankaan Aqoon Isweydaarsiga oo ay wada yeesheen Warbaahinta iyo Madaxda Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga ayaa looga hadlay sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen soo nooleynta Afka Soomaaliga iyo sidii arrimahaasi ay door muuqda uga qaadan lahaayeen Warbaahinta
somali135
Guddoomiyaha Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga Maxamed Daahir Afrax oo kulankaan ka hadlayay ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga iyo Baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed luqadooda kor ugu qaadi lahaayeen islamarkaana sida looga baahan yahay in Warbaahintu ka qaadan karto Fahamsiinta Luqadda Afka Soomaaliga Bulshadooda

“Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo kaalinta Saxaafadda ay ka qaadan karto inay bulshada gaarsiiso luqadooda saxda ah ayay tahay ujeedada kulankaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Akadeemiyada Gobolka Afka Soomaaliga waxaa uu sii raaciyey Maxamed Daahir Afrax “waxaa loo baahan yahay sidii Akadeemiyada iyo qeybaha Warbaahinta ay u ururin lahaayeen isticmaalka ereyada Afka Soomaaliga oo uu qaarkood maanta ay sii lumayaan.

“Dadka Soomaalida waxa kaliya ee maanta ka dhaxeeya ama ay ku Mideysan yihiin waa luqadda” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Daahir Afrax oo sheegay in Luqadda Afka Soomaaliga Horumarintiisa uu Dib u dhaca u keeney dagaaladii Dalka ka dhacay kadib markii ay Burbureen Goobihii Keydka u ahaa Taariikhdooda iyo Dhaqankooda .

C/Naasir Yuusuf Macallim Guddoomiyaha Naadiga Somali Pen oo halkaasi ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in Naadiga uu soo maray heerar kala duwan, isagoo sheegay in howlihii ugu ballaarnaa ee uu Naadigiisu qabtay ay ka mid tahay Qabashada Sanadguurada 40-aad ee Afka Soomaaliga Qoristiisa oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynayaasha Gobolka

Dhinaca kale waxaa kulankaasi ka hadlay Ustaad Cabdi Xaaji Goobdoon oo sharaxaad dheer ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray hirgelinta Afka Soomaaliga gaar ahaan Qorista Afka Soomaaliga , isagoo sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay inay Macallimiin u noqdaan Bulshadooda si luqadda Afka Soomaaliga u Hormarto

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Akadeemiyadda Gobolka Afka Soomaaliga Maxamed Daahri Afrax ayaa ka jawaabay qaar ka mid ah Su’aalihii ay weydiiyeen qaybaha Warbaahinta wuxuuna hoosta ka xariiqay in Akadeemiyada aanay waxba ka hagran doonin sidii loo horumarin luqada Afka Soomaaliga, wuxuuna kula dardaarmay Xubnihii ka qayb galey Aqoon isweydaarsigaas inay door lixaad leh ka qaataan sidii loo gaarsiin lahaa Bulshada Soomaalida isticmaalka luqadooda rasmiga ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.