Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Diidey in uu Hor yimaado Ra’iisul Wasare Shirdoon si uu isaga difaaco Mooshinka kalsoonida loogala laabanayo

Kulan ay maanta, Axad December 1, 2013 isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka DFS oo tiradoodu gaarayso 247 xildhibaan ayaa looga dooday sidii laga yeeli lahaa codsi uu Ra’iisul Wasaraha Dawlada Federaalka usoo gudbiyey baarlamaanka, kana dalbaday in loo ogolaado in uu baarlamaanka hor yimaado si uu isu difaaco, una difaaco xukuumadiisa oo laga keenay mooshin dhan ka ah ee la doonayo in kalsoonida lagala laabto.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay u codeeyaan in Ra’iisul wasaaraha DFS uu hor yimaado baarlamaanka si uu isaga difaaco mooshinka laga keenay xukuumadiisa iyo eedaymaha loo soo jeediyey ee ku saabsan wax qabad la’aanta xukuumadiisa.

Codkii loo qaaday waxa uu noqday in 141 xildhibaan diideen in ra’iisul wasaarahu uu hor yimaado baarlamaanka, waxaana ogolaaday 8 xildhibaan, waxaana ka aamusay 75 xildhibaan. Waxaana la sheegay in ay soo xaadireen 247 xildhibaan laakiin tirada cod bixinta ka dhiman lama shaacin.

Sidaas ayaa baarlamaanka DFS ku go’aamiyey in aan ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon hor imaan baarlamaanka. Waxaana meeshii ka sii socday doodii kalsoonida kala laabashada xukuumadiisa. Waxaana baarlamaanku kulanka dooda mooshinkaas ka dhanka ah sii wadidoonaan Isniinta December 2, 2013, kaddibna waxaa la filaayaa in baarlamaanku u codeeyo kalsooni kala laabashaada Shirdoon iyo xukuumadiisa.

12-kii Nofeembar 2013 ayey ahayd markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu warsaxaafadeed ku soo saaray in khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka, khilaafkaas oo uu ku qeexay in uu yahay mid kusalaysan arrimo dastuuri ah, waxana uu yiri “Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.” Waxana uu intaas raaciyey in “Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayaa leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.”

Xukuumadahii soo maray Soomaaliya intii ka dambaysay 1991 waxaa ragaadiyey khilaaf u dhaxeeyey madaxda ugu saraysay.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedkii uu ra’iisul wasaaraha DFS ku dalbanayey in uu hor tago baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Saacid: “Xukuumaddu waxay ku adkaysanaysaa in la siiyo fursad ay isku Difaacdo”

Warsaxaafadeed: December 1, 2013

Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah.

shirdoon1Hadaba, si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba – waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda.

Sidaas la’adligeed, ‘xukuumad ahaan’, waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Baarlamaanka Soomaaliya oo Diidey in uu Hor yimaado Ra’iisul Wasare Shirdoon si uu isaga difaaco Mooshinka kalsoonida loogala laabanayo "

  1. Hassan says:

    Kitaabkii Allah oo dhabar la siiyay ma laaluush cunnidda looga baqaa Ilaah, sida loo dabar jeediyay ayaa cabsida iyo caddaalad meesha ka jirin Ilaahoow dawlada quraanka ku dhaqanta noo dedeji inaan aadano xukunkaagi samcan wa taaacan ayaan u nahay , kuwaani marxaba ya nasaara ku jiraan diin iyo dal waxba kama oga